Xisbiyada Qaranka, Baarlamaanka, Diblamaasiyiin iyo Daneeyeyaal kale lafo gurayeen Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland.
Shirkaarriimahadibadda
Hargeisa (ANN)Shirkii 5-tii cisho ee u dambeeyay magaalada Hargeysa uga socday safiirrada Somaliland iyo madaxda wasaaradda arrimaha dibadda xubnaha golayaasha Guurtida Wakiilada Ururadda Bulshada qaybaha kale duwan bulshada riyad ka ah ayaa galabta la soo gabogabeeyay. Kulankaasi ayaa saddexdii cisho ee hore safiirrada iyo madaxda wasaaradda lagu baraarujinayay shaqada diblamaasinimo ee ay qaranka u hayaan, halka labadii cisho ee dambe wasaaradda, safiirrada, xisbiyada qaranka, baarlamaanka, diblamaasiyiin iyo daneeyeyaal kale lafo gurayeen siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire, oo dhawaan xilka wasaaradda loo magacaabay ayaa kulanka gabogabadiisa ka sheegay qodobo ka soo baxay shirkan oo ahaa kii u horeeyay ee ay isugu yimaadaan dhammaan safiirrada Somaliland oo ka kooban 18 iyo madaxda wasaaradda. Waxa uu sheegay in shirka laga soo jeediyay arrimo door ah oo ku saabsan citiraaf raadinta iyo xidhiidhka Somaliland la leedahay dunida “Natiijada shirkeena ka soo bixi doonta shirkeenan waa qodob kala ah: Waa hagid ay ku shaqayn doonaan wakiillada Somaliland ee dibadda Jooga iyo hagid aanu doonayno inaanu u samayno safiirrada Somaliland jooga ee dalalka kale; waxaa ka soo bixi doona siyaasadda arrimaha dibada Somaliland oo qoraal ah; waxa aanu samayn doonaa guddi heer qaran ah oo ka shaqayn doonta citiraafka Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir Sacad oo sheegay in qoraal rasmi ah laga soo saari doono natiijada kulanka.
Wasiir SacadAli
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in natiijada shirkan ay ka mid noqon doonaan qodobadan oo shirka la iskula qaatay in Somaliland u baahan tahay:
• Waxaynu u baahan nahay in saddexdii biloodba mar shirkan oo kale la iskugu yimaado oo lagu gorfeeyo halka ay wax inoo marayaan;
• Waxaynu u baahan nahay inaynu had iyo jeer isticmaallo kalmadda ah Jamhuuriyadda Somaliland(Republic of Somaliland) oo aynaan odhan oo kaliya Somaliland;
• Waxaynu u baahan nahay sidii aynu dawladda Ingiriiska iyo dawladdaha Africa ugu soo dabaali lahayn inay ila qaataan qaddiyaddeena;
• Waxaynu u baahan nahay dawlad, baarlamaan iyo axsaaba inaynu iska kaashanno sidaynu u heli lahayn aqoonsi oo aanu noqon arrin cid gaar ahi leedahay;
• Maadaama aqoonsigu yahay arrin aad iyo aad qiimo inoogu leh, waxaynu u baahan nahay inaynu maalgalinno oo samayno sanduuq aqoonsi raadis;
• Waxaynu u baahan nahay inaynu xaqiijinno oo hubino in doorashooyin xor iyo xalaal ahi dalka ka dhacaan maadaama waxaynu iibinaa yihiin dimuqraadiyad, degaansho iyo xasillooni;
• Waxaynu u baahannahay inaynu abuurno kayd ah wax allaale wixii qoraalo laga sameeyay Somaliland;
• Waxaynu u baahan nahay inaynu xidhiidh la yeelanno wax allaale wixii hay’addo ah ee inaga caawin kara ama garab inaga siin kara dadaalka aqoon raadinta ee aynu ku jirno;
• Waxaynu u baahannahay inaynu xubin ka noqono wadamada aan la citiraafin, oo shirarkooda ka qayb galno.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa bogaadiyay shirkan iyo natiijada ka soo baxday, wuxuuna sheegay inuu kalsooni ku qabo wasiirka Sacad “Waxaynu u baahannahay si ay isula jaanqaadaan siyaasadda arrimaha dibada iyo ta arrimaha gudaha, in siyaasadda arrimaha gudahana la hagaajiyo, oo laga bilaabo inaynu wixii dhexdeena ah dhammaysanno oo maamulkeena, sharcigeena iyo calankeena la gaadhsiiyo dhulka aynu sheeganayno oo dhan,”ayuu yidhi Eng Faysal oo intaasi raaciyay “Waxaan hadda arkaa in wasaaraddeena arrimaha dibada waa cusubi u baryay, Illaahay waa khayr qaba ha ka yeelo. Arrimaha la soo jeediyay waa arrimo dhaxal gal ah, waxaana loo baahan yahay inaynu arrimahaas kaga dhabayno inagoo wada jir ah. Waan ku kalsoonahay wasiirka, waana nin ay ka go’an tahay qaddiyadda Somaliland.”
Guddoomiye xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sidoo kale kulanka ka hadlay waxaanu yidhi “Aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa kulankan iyo natiijadiisa. Waxaanu leenahay citiraafka Somaliland wuxuu ka wada maqan yahay umadda Somaliland. Qof iyo qof ayuu uga maqan yahay, hadduu qurbejoog yahay, hadduu madaxweyne yahay iyo hadduu xisbi qaran yahayba waa arrin inaga wada maqan,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin. Geesta kalena xoghayaha warfaafinta xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa isna wuxuu soo dhaweeyay qodobada shirka ka soo baxay wuxuuna tilmaamay in haddii saddexdii biloodba mar la isku yimaado ay tahay mid muhiim ah “Sida wasiirku balanqaaday haddii saddexdii biloodba mar la isku yimaado, malaha ambasadorrada dhinaca kharashka awgeed u iman kari maayaane haddii guddideena kale isku timaado waxaan leeyahay ha beenaan.”ayaa lagu yidhi natiijada qoraalka kasoo baxay kulanka socday shanta maalmood.
Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay safiiradda iyo masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha Dibadda SomalilandMadaxweyne Siilaanyo oo la kulmay safiiradda iyo masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland
Dhina kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa caawa kula kulamay qasriga Madaxtooyadda safiiradda Somaliland ee dhawr iyo toban dalk iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu hoggaaminayay Dr. Sacad Cali Shire, wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo hadal kooban ku yidhi, ” Sharaf weyn bay ii tahay inaan caawa idinku soo dhaweeyo si qalbi furan Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Muuqaalka Safiiradda Somaliland

Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay safiiradda iyo masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland

Waxaan jecelahay in aan uga mahad-celiyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire shirweynaha uu isugu yeedhay dhammaan Wakiilladii Somaliland u fadhiyey dallalka dibedda. Waxaan aaminsanahay in kulankan wada jirka ee aad isugu timaadeen aad xog badan ku kala qaadateen, isla markaana qorshe hawleed diblomaasiyadeed diyaariseen, kuwaas oo dardargelin kara siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland.”

Mar labaad waxaan idiinku hambalyeynayaa dedaalka aad habeen iyo maalinba ugu jirtaan adkaynta xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland la leedahay dallalka aad joogtaan. Xaqiijinta himilladani waa xilka iyo waajibka ugu culus ee aad qarankan u haysaan. Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxa la gudboon inay qiimayn iyo dib-u-eegis joogta ah ku samayso heerka xil gudashada Xafiisyada Wakiillada Somaliland ee Dallalka Dibedda. ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

wuxuuna, isagoo hadal dardaaran ah u jeedinaya masuuliyiintaa yidhi, “Somaliland waa qaran madax bannaan oo buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa, hase yeeshee nasiib darro ilaa iyo hadda ma helin aqoonsi caalamiya. Ka midho-dhalinta arrintani waa mas’uuliyad saaran xukuumaddan aan madaxda ka ahay, idinkuna aad safiirrada u tihiin. Sidaas darteed, waxaan idiinku guubaabinayaa in aad xil weyn iska saartaan sidii aynu u xaqiijin lahayn in qarankani ictiraaf buuxa ka helo beesha caalamka.

Ugu danbayn waxaan idiinku boorinayaa dedaalka oo la laban laabo iyo daacadnimo, waxaanan idin leeyahay ceelalyadii reerku ku cabi lahaa waa idinka (Ceelna Uma Qodna, Cidina Uma Maqna).”
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380