Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynayaasha labada maamul goboleed ee Jubbaland iyo Hirshabeele oo mudooyinkan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Alt Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe sawirka Villa Somalia, 24 Sep 2020.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo shalay Baarlamaanku ansixiyeen, ayaan la oggayn waxyaabaha uu kala hadlay labada hoggaamiye maamul goboleed ee uu la kulmay iyo sidoo kale siyaasiga mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulan gaar ah uu la yeeshay Ra’iisal Wasaare Rooble.

 

Balse  qoraal saxaafadeed kulankaa kaddib kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha oo nuquk ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagaga hadlay nuxurka kulankaa.

Qoraalka war-saxaafadeedka, ayaa u qornaa sidan:-

 

“ Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hooygiisa ku qaabilay Madaxweynayaasha Dawladda Goboleedyada Jubbalanad iyo Hirshabeelle ayaa kala hadlay xoojinta xidhiidhka heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, si loo sii ambaaqaado qorshayaasha horumarinta dalka iyo dib u dhiska dowladnimada.

Alt Araweelo News Network

Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo iyo Madaxweynaha Hirshabeele sawirka Villa Somalia, 24 Sep 2020.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa la wadaagay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ee uu la kulmay muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka, iyadoo wax kasta laga hormarinayo danta guud.

Alt Araweelo Network

Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, sawirka Villa Somalia, 24 Sep 2020.

Dhankooda, Madaxweyneyaasha Dowladda Goboleedyada, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyo Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu hambalyeeyey Ra’iisal Wasaaraha xilkan cusub, waxayna ku booriyeen in uu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo ka tarjumaysa hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

 

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa la kulmay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ay iska xog-warraysteen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka, isaga oo u muujiyey sida uu ugu fur-furan yahay dhammaan aragtida kala duwan ee siyaasadeed.

 

Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhammaan mas’uuliyiintan uu la kulmay waxa uu ka dhageystay talooyinka iyo tusaalooyinkooda ku aaddan horumarinta dalka, xoojinta dowladnimada iyo hirgelinta qorshayaasha hor-tabinta u leh Shacabka Soomaaliyeed, waxayna dhankooda ku bogaadiyeen Ra’iisal Wasaaraha sida ay ugu go’an tahay in dalkeennu uu sameeyo horumarka dhinac kasta leh.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya
www.opm.gov.so
@SomaliPM