Muqdisho, (ANN)–Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa daah-furay kulanka Muqdisho uga billaabmay kooxda xidhiidhka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka.

 

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in shirka maanta ee ururka Iskaashiga Islaamka uu astaan u yahay in Soomaaliya oo kamid ah dalalkii aasaasay ay kusoo laabatay fagaaraha iyada oo xal u raadinaysa dhibaatooyinka caalamka ka jira.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre oo furay shirka ururka Iskaashiga Islaamka ee Muqdisho lagu qabtay.

Dhammaan mas’uuliyiinta kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatay ee horumuudka u noqotay in shirkaa lagu qabto Muqdisho.

muuqaalka ka qaybgalayaasha shirka

Ururka Iskaashiga islaamka oo ah ururka labaad ee ugu wayn dunida oo ay ku midaysanyihiin 57 dowladood ayaa lagu aasaasay dalka Marooko September 25, 1969.

 

–DHAMMAAD—-

 

Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka

Muqdisho, Soomaaliya