Araweelo News Network

Hailemariam Desalegn

Hailemariam Desalegn

Addis Ababa (ANN)Raywasaaraha Itoobiya ayaa magaalada caasimadda ah kaga dhawaaqay isku shaandhayn lagu sameeyay golaha wasiirrada xukuumaddiisa.

Shir Jaraa’id oo uu Addis Ababa ku qabtay Hailemariam Desalegn ayuu ku sheegay in 21 Wasiir oo cusub lagusoo kordhiyay xukuumadda waxaana xukuumadda markii ugu horraysay ka dhax muuqda wajiyo cusub oo aan waligood xilal qaban.

Golaha wasiirada oo 30 wasiir ka kooban 9 kamid ah xilalkooda ayay sidooda usii haynayaan halka 21 wasiir ay yihiin kuwa cusub, sida lagu faafiyay Bogga wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ku leedahay Internetka wasiirada cusub waa aqoonyahano kamadax banaan xisbiga TPLF oo 25-kii sanadood ee lasoo dhaafay kali ku ahaa golaha xukuumadda.

Markii ugu horraysay jagada wasaaradda arrimaha dibadda ayaa laga wareejiyay qowmiyadda Tigreega waxaana wasiirka cusub ee arrimaha dibadda loo magacaabay Rguena Aqbio Dr. Workneh Gebeyehu oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada oo hoggaaminaysa Kacdoonka wadanka ka socda.

Tedros Adhanom oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda ayaa shaqada laga eryay sidoo kale wasiirrada waraabka iyo maaliyadda ayaa loo dhiibay siyaasiyiin madax banaan oo aan katirsanayn Xisbiga talada haaya ee TPLF.

Kooxaha mucaaradka oo durbaba ka hadlay waxa uu soo kordhin karo isbedelka cusub ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn tallaabadan sababa la xiriira boqolaal kun shacab ah oo xabsiyada ku xiran kuwaasi oo loo heysto arrimo siyaasadeed.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Addis Ababa ayaa sheegeya in xil ka qaadista wasiirka arrimaha dibedda Tedros Adhanom oo ay xulafo dhaw yihiin Ra’iisal wasaaraha aan loo arki doonin tallaabo yaab leh maadaama uu yahay musharrax u tartamayo hoggaanka Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo labaduba hoggaaminaya kacdoonka shacabka Itoobiya ayaa isbedelkan cusub u arka mid lagu dhagrayo Ra’yul Caamka.

Itoobiya waxaa ka dhaqan galay 6 bilood oo xaalad degdeg ah waxaana xukunka degdegga ah dhaleeceeyay wadamada reer galbeedka ee Itoobiya ka taageera la dagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in sababta kale ee Addis Ababa ku riixda isku shaandheynta golaha wasiirrada ay tahay kadib markii wasiirrada qaar lagu helay in ay taageerayaan kacdoonka shacbiga ah.