Muuqaalka Duufaanka Jabbaala ee ka dhacay Badda Cas iyo Xeebaha India

Muuqaalka Duufaanka Jabbaala ee ka dhacay Badda Cas iyo Badweynta India 2 Nov 2015.

Laasqoray(ANN)Roobab Duufaan wata oo waxyeelo gaadhsiiyay Jaziirada Suqadara ee kulaalay cidhifka Bari ee gacanka Cadmeed, isla markaana waxyeelo gaadhsiiyay dadka ku dhaqan Jaziiraddaa oo ay sheegato Yemen, balse u dhow Xeebaha Soomaalida.kadib markii Roobab dabaylo wata oo isu roggay duufaan ku dhifteen habeen hore.

Dad ka cararaya Duufaanka Jabbaala da

Dad ka cararaya Duufaanka Jabbaala

Roobabka Duufaanka wata, ayaa usoo talaabay dhinaca Badda Cas,kuwaas oo sababay khasaaraha inta la ogyahay Doonyo iyo Laashash Kaluumaysto Soomaaliyeed, wararka shebekada Araweelo News Network ka heshay deegaankaa, ayaa sheegaya in Doon Kaluumaysto Soomaaliyeed ku degtay deegaanka Xaabbo ee duleedka Raas-Caysr oo ah barta kala qaybisa Biyaha Badda Cas iyo Badweynta India, isla markaana ka mid ah xeebaha Soomaalida ee usii jeeda Badweynta India.
Wararka ayaa sheegay in Doontaa oo ahayd mid Kaluumaysi ay ku qaraqmeen Shaqaalihii Kaluumaystada ahaa, isla markaana ay weyday wax gurmad ah, iyadoo durba Duufaanku usoo talaabay dhinaca gacanka Cadmeed ee Xeebaha Soomaalida iyo kuwa Yemen ee dhinaca Koonfureed kasoo jeeda Badda Cas.

Sidoo kale warar shebekadda Araweelo News Network ka heshay dadka deegaanka, ayaa sheegya in Laash noociisu yahay Volvo oo kuwa Kaluumaysatada ah, laga badbaadiyay shan qof oo shaqaale ah xalay deegaanka Gabboodo oo u dhexeeya Maydh iyo Laasa-surad, balse agabkii saarnaa iyo Laashku ku degeen halkaa, iyadoo Dabaylaha kasoo horeeya Duufaanka ee Shamaalku kiciyeen Badda, kuwaas oo sameeyay Mawjado waaweyn.

Dhinaca kale Magaalada Xeebta ah ee Laasqoray, ayaa laga soo sheegayaa in roobabka wata Dabaylaha ee sababay Duufaanka ka da’ayeen ilaa saaka, iyadoo isgaadhiintu deegaanku ay adagtahay, isla markaana aan si dab ah loo ogayn khasaaraha ka dhashay iyo xaaladu sida ay tahay.

Dhinaca kale Maayar-ku-xigeenka Gobolka Selel Cabdilqaadir Aden Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaanay soo gaadhin xagga Saylac oo ay ka dulboodday xalay balse uu ka warqabo inay waxyeeshay degmada Lughaya oo guryo badani ku dumeen. Guddoomiye ku xigeenku wuxu tilmaamay inay burburiyay duufaanku doon ay lahayd
warshadda Kalluunka ee Lughaya. Waxa kale oo uu sheegay in dadka badankiisu uga baxeen magaalada Lughaya xagga barriga ka durugsan Badda.

Dad ka cararaya Duufaanka Jabbaala ee ku dhiftay xeebaha dalalka Yemen iyo Somaliland iyo maamul goboleedka Somalia ee Puntland

Dad ka cararaya Duufaanka Jabbaala ee ku dhiftay xeebaha dalalka Yemen iyo Somaliland iyo maamul goboleedka Somalia ee Puntland

Dufaanka oo wata roobab iyo dabaylo boqol ml ka baddan jaraya saacadii, ayaa loo bixiyay Jabbaala, kaas oo shalay ku dhufatay magaalada Mukalla ee Xeebaha dhinaca Bariga ee Badda Cas iyo gobollo ka mid ah Yemen, iyadoo Magaalada Mukkalla oo illaa hadda laga daad guraynayo dadka, khasaare weyn soo gaadhay, isla markaana bur-buriyeen dabaylaha iyo Mawjadda Baddu Dekeda Magaalada oo ah dekeda sadexaad ee dalka Yemen.
Magaalada Mukkala oo ay gacanta ku hayaan Al-Qaeda Yemen, waxayna Duufaanka ku dhufatay Mukkalla sababtay in shaaracyada Magalaada ay soo gaadhaan Biyaha Baddau.

Culimadda saadaasha, ayaa maalmihii u danbeeyay ka digayay inay roobab dabaylo wataa kusoo jeedaan Xeebaha Badweynta India usii jeeda ee Somalia iyo gacanka Cadmeed, waxaana la saadaaliyay in roobabka kusoo waajahan deegaamadaa ay sababi karaan khasaare balaadhan, iyadoo dadka looga digay inay ka fogaadaan Badda iyo dhulka goddanka ah.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380