Araweelo News Network
daruur1

Ceergaabo(ANN)-Roobabka Xayska ee Da’a xiliga lagu jiro Badhtamaha Jiilaalka, ayaa ka curtay deegaamo ka tirsan Gobolka Sanaag oo ka mid ahaa meelaha Abaartu sida weyn u saamaysay ee ugu hawaarsatay.
Magaalada Ceergaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, waxa maasheeyay Roob saacado kooban hayay galabta, kaas nadiifiyay magaalada, isla markaana sababay daadad gebi ahaanba nadiifiyay magaalada gudaheeda. Sida ay shebekadda Araweelo News Network u xaqiijiyeen dad kala duwan oo ku sugan magaalada Ceergaabo Roobka oo galabta ka curtay, ayaa qaaday salaadii maqrib, mana jirto waxyeelo uu geystay inta la ogyahay.
“Roobku wuxuu gaadhiisanyahay Woqooyiga Magaalada Ceergaabo ee dhanka Buurta Karin Afweyn ilaa Daallo, Dhinaca Galbeedka, wuxuu gaadhay Dagaar ilaa Yufle, dhinaca Koonfurta Magaaladana wuxuu u joogaa ilaa Qaarri, Dhinaca Bariga Magaalada kuma fogaan” sidaa waxa yidhi, Cabdiraxmaan Cali Madoobe (Cabdi Badhaf) oo ah Aqoonyahan arrimaha Deegaanka iyo Beeraha aqoon durugsan u leh oo ku sugan Ceergaabo.
Sidoo kale Roobab, ayaa xalay ka da’ay meelo ka mid ah deegaamada dhinaca Koonfur kaga beegan Magaalada Ceergaabo ee dhulka taaga Soolasha ah oo ahaa meelaha sida weyn Abaartu u saamaysay ee inta badan bulshadii deganayd ka hayaameen, kuwaas oo qaarkood u hayaameen dhinaca Qandala iyo Isku-shuban ee Puntland iyo dhinaca Buuralayda Silsilada ee dhinaca Woqooyi Galbeed ka kulaalay Magaalada Ceergaabo.
Warar kale oo Shebekadda Araweelo News Network ka heshay deegaamada dhinaca Buuralayda, ayaa sheegay in Roobab xalay ka da’een dhinaca Buurta ee Cal-madaw, dhulka Gubanka ee usii jeeda xeebaha Badda Cas iyo meelo dhinaca Banaanka uga soo rogan Buulayda Slsilada Golis, balse waxay xuseen in weli aanay Roobabku ka tiixin deegaamo badan oo dhinaca Banaanka ah oo si xun Abaartu u saamaysay, walaw ay sheegeen inay jiraan Duruuro fulux ah oo dul hoganaya deegaamadaa sida la hilaadinayo.