Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, ayaa soo dhaweeyey natiijada hordhaca ee laga soo saaray diwaangelinta codbixiyeyaasha, waxayna tilmaameen inay Guddida Doorashooyinka kala shaqaynayaan sidii kaadhadhka codbixiyeyaasha loogu qaybin lahaa dad muwaadiniinta ah.
Dhinaca kale, Komishanka Doorashooyinku waxay ku dhawaaqeen qorshe ay u dejiyeen qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha is-diiwaangeliyey oo ay ugu tallogaleen inay ku bixiyaan saddex weji gobollada waddanka oo dhan.
War-saxaafadeed Guddiga Doorashooyinku ku shaaciyey qorshahooda jadwalka kaadh-qaybinta waxay ku sheegeen in wejiga ugu horreeya ka bilaabi doono gobollada Awdal, Saaxil iyo qaybo ka mid ah Sanaag dabayaaqada bisha April ee soo socota, “Kaadh-qaybintu waxay yeelanaysaa saddex weji oo kala dambeeya, iyadoo wejigii walba laba gobol ay mar ka wada bilaaban doonto kaadh-qaybintu.
Ugu horrayn, wejiga Koowaad ee hawsha kaadh-qaybintu waxay mar ka wada bilaabanaysa labada Gobol ee kala ah; Awdal iyo Saaxil iyo goobaha xeebaha ah ee Sanaag, maadaama saddexdaas Gobol ay xeebo leeyihiin, annagoo xeerinayna cimilada goobaha xeebaha dartood.
Wejiga Labaad; Waxa kaadhadhka codbixiyayaasha loo qaybin doona Gobollada Maroodi-Jeex iyo Togdheer.
Wejiga Saddexaad; Waxa lagu dhammaystiri doona kaadh-qaybinta codbixiyayaasha ee Gobollada Sool iyo Sanaag.
Haddaba, wejiga kowaad ee Gobollada Awdal iyo Saaxil iyo Goobaha xeebaha ah ee Gobolka Saanaag waxay qaybinta kaadhadhka codbixiyaashu ka bilaabmaysa bisha April 29, 2017, iyadoo wejiga labaad iyo kan saddexaad ay kaadh-qaybintu bilaaban doonto bisha baraykasan ee Ramadaan ka bacdi.
Waxaan Alle ka baryeynaa in geeddi-socodka doorashooyinka Qaranka inoogu dhammaystiro si nabadgelyo leh oo guul ah,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.