Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Ambassador Cabdi Cabdullaahi,  ayaa masuuliyiinta wasaaradda horumarinta caafimaadka ku wareejiyey Gaadhi casri ah oo ku qalabaysan Shaybaadhka wareega (Mobile Laboratory), kaas oo loogu talo galay in lagaga hawlgalo goobaha ka durugsan magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Sidoo kale, Ambassador Cabdi Cabdullaahi, wuxuu ku wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland gaadhi kale oo xaajiyad ah oo jiidaya, kaas oo uu madaxweynaha qaranku ugu deeqay wasaaradda Caafimaadka.

Alt: Araweelo News Network

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Ambassador Cabdi Cabdullaahi, oo ku wareejinay Wasiirka Caafimaadka Cumar Cali Cabdullaahi gaadhiga casriga ah ee Shaybaadhka wareega (Mobile Laboratory) 20 Jun 2021, Image Araweelo News Network.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Ambassador Cabdi Cabdullaahi, ayaa ugu horrayn ku wareejiyey Shaybaadhka wareega (Mobile Laboratory) iyo  agabkiisu u  dhammaystiran yahay, waxanagaadiidka lagu guddoonsiiyay masuuliyiinta wasaaradda Caafimaadka munaasibad ka dhacday maanta madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somalilan, iyadoo uu goob joog ka ahaa Agaasimaha guud ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cali Bile, iyo masuuliyiinta lagu wareejiyay ee caafimaadka.

Alt: Araweelo News Network

Bidix, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Ambassador Cabdi Cabdullaahi, oo ku wareejinaya Wasiirka Caafimaadka Cumar Cali Cabdullaahi gaadhiga casriga ah ee Shaybaadhka wareega (Mobile Laboratory) 20 Jun 2021, Image Araweelo News Network.

Shaybaadhka casriga ah, ayaa ah nooca taayirrada leh ee loogu talo galay in meelaha magaalooyinka ka baxsan, iyadoo qalabkiisu ku rakibanyahay ka hawlgala.

 

Munaasibada, waxa ku gudoomay gaadiidka casriga ah, wasiirka horumarinta caafimaadka, Cumar Cali Cabdullaahi, Agaasimaha guud ee Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Ambasaddor Cabdi Cabdullaahi, oo deeqdaa dalka soo gaadhsiiyay, waxaana sidoo kale goob joog ka ahaa Agaasimaha waaxda qurbajoogta ee wasaaradda Arrimaha Dibadda, Sacad Maxamed Cabdi Geddo, agaasimaha Laybareeriga qaranka, Mudane Axmed Daahir iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada, Maxamed Cali Bile.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Ambassador Cabdi Cabdullaahi, oo ku wareejinaya Wasiirka Caafimaadka Cumar Cali Cabdullaahi gaadhiga casriga ah ee Shaybaadhka wareega (Mobile Laboratory) 20 Jun 2021, Image Araweelo News Network.

 

Masuulyinta ka qaybgalay munaasibada lagu wareejinayay deeqda, ayaa hadalo ka jeediyay halkaa, waxayna qireen ahmiyada ay u leedahay bulshada deeqdan iyo baahida loo qabay, waxayna ka mahad celiyeen kaalmadaa, iyadoo Agaasimaha Madaxtooyadda Maxamed Cali Bile iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Ambassador Cabdi Cabdullaahi, fureyaasha gaadiidka ku wareejiyeen masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee oo ku gudoomay halkaa, kuwaas oo si rasmi ah ula wareegay gaadiidkaas iyo agabka shaybaadhka casriga ah ee la socda.

Gaadhiga Jiidaya qalabka shaybaadhka

Dhinaca kale, waxa inta badan dalka Somaliland deeq caafumaad, balse waxa ay dad badan is weydiiyaan halka ay ku danbeeyaan deeqahaa oo isugu jira qalab caafimaad iyo dawooyin, oo aan ka muuqan inta badan Cusbitaalada iyo xarumaha caafimaadka, iyadoo aan cidna ka daba tegin halka ay ku danbeeyaan iyo qaabka loo maamulay, taas oo ay dad badan su’aalo iska weydiinayaan, kuwaas oo aan ka arag cusbitaalada iyo xarumaha caafimaadka deeqaha dawooyinka iyo qalabka ay marar badan ka nmaqlaan warbaahinta waxa lagu caawiyay wasaaradda Caafimaadka.

 

Bidix, Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliland, Maxamed Cali Bile iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi, 20 Jun 2021, Image Araweelo News network.

 

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com