ina RaageHargeysa(ANN)Xoghayaha arrimaha dibbada ee Xisbiga Mucaaradka WADDANI, Maxamuud Raage, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Salaadiin u dhashay Somaliland ku dhqaaqaan qorshayaal aan laga warqabin ujeedada siyaasadeed ee ka danbaysa oo gef ku ah Xuquuqda muwaadiniinta Somaliland iyo shuruucda dalka.

sidoo kale, waxa uu ka hadlay shirkii shanaad ee golaha dhexe ee Xisbiga Xukuumadda ee KULMIYE, kaas oo lagu doortay Guddoomiye Muuse Biixi inuu noqdo Musharaxa Madaxweyne ee u taagan Doorashada 2017, iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo loo doortay Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka, wuxuuna fariimo kala duwan oo xanbaarsan hogga-tusaalayn iyo tilmaamo u diray Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Dr. saleeban Ciise Axmed (Xaglotoosiye), isagoo sidoo kalena bulshada Somaliland ugu baaqay in ay qabyaalada iyo reeraysiga ka fogaadan, kana fekeraan sidii qaranka loo horumarin lahaa.

Maxamuud Raage, wuxuu sidaa ku sheegay muuqaal Veido ah oo lagu baahiyay shebekada Boorama News, isagoo yidhi, “Aad ayaan ula yaabay walaalkay Suldaan Xiiray, maalin walba wuxuu bilaabaa dhacdadii hore mid kasii yaab baddan, waana inay noo caddaataa cida hawshaa la wadda, haday Suldaanka wada shaqaynayaan Wasiirka Arrimaha guddaha Somaliland Cali Warancade, waa inay caddaataa. Suldaan Xiiray laba dhacdo oo hore ayaa jirtay, mid waxay ahayd inaad noo sheegtay inaad hayso dad cusub oo Bulshada Somaliland ka mid ah oo inaga mid ah, isla markaana dega gobolo kale oo aad masuul ka tahay. Maantana waadigan sheegay inaad Hargeysa Suldaan Qowmiyada JAARSADA ee Ethiopia degan ku caleemo saartay ” ayuu yidhi.

Xoghayaha Arrimaha Dibbada ee Xisbiga Mucaaradka WADDANI, Maxamuud Raage, waxa uu sheegay in aanay arrinta uu ka hadlayaa ahayn cunsuriyad, balse uu oggaado Suldaan Xiiray inuu meel kaga dhacay shuruucdii qaranka, wuxuuna xusay in markii ay baadheen arrintaa ku oggaadeen inuu Suldaan Xiiray kula socdo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdi oo sida uu sheegay aqoon fiican uu u lahaa Aabihii oo sharaf iyo karaamo ku lahaa qaranka Somaliland, wuxuuna isagoo arrintaa jka hadlaya yidhi,

“Waxaan leeyahay Labada Suldaan mawduuca aad gasheen maaha mid ku fudud Somaliland, marka Salaadiinta Somaliland soo kordhinayaan wax wax ka bedelaya hab-dhismeedka Qowmiyada Somaliland, waa inay dawladu daba gashaa oo wax baddan lays weydiiyaa. waxa kale oo aan dawlada Somaliland marti uga nahay dhaqdhaqaaqa Salaadiinta Somaliland sameeyaan yaa daba gala oo og waxa kasoo socda, Siyaasadii Somaliland waxay noqotay jaantaa roggan, qof walba waxa uu doono ayuu kusoo kordhinayaa.

Dalka Somaliland iyo dadkiisu waa inay yeeshaan xuduudihiisu halbeeg iyo cabir, waa inuu jiro wax lagu kaantaroolo oo Xafiiska Socdaalku Emgaration shaqeeyaa, mana jiro sharci oggolaanaya in qowmiyado cusub lagu soo daro Somaliland oo waxaynu leenahay sharci soo jireen ah, waxaana haya Xeerka Cuqaasha Wasaaradda Arrimaha Guddaha Somaliland. Labada Suldaan ee Xiiray iyo Ismaaciil, anoo ixtiraam u haya, waxaan leeyahay waxaa noo qabanaysaan ha noqoto mid hufan oo aan bar-madaw aan ku noqonayn.” ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Dibbada ee WADDANI.

sidoo kale waxa uu ka hadlay Doorashadii musharixiinta Xisbiga KULMIYE lagu doortay shirkii golaha dhexe ee Hargeysa lagu qabtay Salaasadii 10 Nov 2015, wuxuuna sheegay in aanu jeclayn inuu dhexgalo siyaasada KULMIYE, balse uu jeclaystay inuu fariimo u diro Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ahaa sadex musharax oo iyaga iyo koox kale oo Xisbiga KULMIYE, ka tirsanaa qaadaceen ka qaybgalka shirka KULMIYE iyo tartankiisa, isla markaana sheegay in aanay aqblayn marnaba natiijada doorashada KULMIYE, ee lagu doortay musharaxa Madaxweynaha ee doorashada soo socota Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo loo doortay inuu noqdo Madaxweyne ku xigeenka u tartamaya doorashada soo socota Xisbiga KULMIYE, iyadoo tartan adag dhexmaray shirkii KULMIYE Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxnaan Saylici iyo Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosye.

Xoghayaha Arrimaha Dibbada WADDANI, Maxamuud Raage, wuxuu fariimo kala duwan u kala diray Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale iyo Wasiirka Caafimaadka Xaglatoosiye oo isagu u tartamay jagada Madaxweyne ku xigeenka, balse Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici kaga guulaystay.

“Ma jeclayn Xisbiga KULMIYE, oo aan hore uga tirsanaan jiray, balse aanan hadda ka tirsanayn inaan dhexgalo, waxaanse marka hore jeclaystay inaan halkan fariin uga diro Walaalkay Dr. Saleebaan Xaglatoosiye, walaal waxaan ku laayahay siyaasada in yar ayaad kusoo jirtay, anagu in baddan ayaan soo wadnay, halkaad higsatay iyo halkaad gaadhay maanu baayicin aqoonteediina waanu leenahay, nasiibkaagu, wuxuu ku siiyay wasiirka Caafimaadka, waad sigtay, ama waad gaadhay, maanta Madaxweyne ku xigeenka Somaliland sidaad sheegtay iyo sidii aad u hadashayna waad gaadhi halkaa ee Siyaasadu waxay u baahantahay samir ee u samir, Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeenba waad gaadhay, Nin qiimad baddan, ayaa tahay, waana lasoo dhoweeyay anoo ku hadlaya Magaca qurba-joogta iyo magaca siyaasadeedba.” ayuu yidhi Maxamuud Raage, wuxuuna isagoo fariin taas ka duwan u diraya wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Samaale yidhi,

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

“Waxaan leeyahay Cabdicasiis Samaale Ilaahay ayaa ku doortay, Quraanka kuma xafidsiiyeen haddaan Ilaahay ku dooran, laakiin walaal waxaan ku leeyahay cagta u dhig, rag baddan, ayaa ka dhacay Tareenka KULMIYE, qaarbaa Jajabay, qaarbaa Madaxa wax ka noqday, qaarbaa dhabarka wax ka noqday, oo aan soo kicin, waad ogayd xaaladii Iskeerso, waad ogayd xaaladii Cabdiraxmaan Cabduqaadir, waad ogayd Xamarji wixii ku dhacay, Aniga wixii igu dhacay ee laygu yidhi xuduudaha ma dhaafi kartid, waana ka noolnahay, adna waad ka noolaan, waxa kugu dhacay, markaa waxaan ku leeyahay is deji oo ha ku talax-tegin siyaasada, waxaadna ogaataa Quraanka Kariimka ah, wuxuu u baahanyahay Masuuliyad aad xanbarsantahay, Alleh SWT, wuxuu ku yidhi Suuratu Al-Baqra, aayada 44aad, oo macneheedu yahay, “Waar Dadka ma Khayrkaa faraysaan naftiinuna way ilawsantahay, idinkoo weli Kitaabkii akhriyaya, miyaydaan caqliyaysanayn” markaa walal is ilaali oo Carabkaaga, Naftaada iyo Diintaada Ilaasho, kaaga hiilinmaayo Axmed Siilaanyo, waad lasoo tacabtay, isagana wuu ku sharfay Wasiirka Maaliyadda, ayuu kaa dhigay, markii danbena wasaaradda Tacliinta, ayuu ku geeyay, aniga xuduudaha ayaaba layga mamnuucay walaal ee siyaasada u samir.” ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Dibbada ee WADDANI.

waxa kale oo uu ka hadlay Maxamuud Raage, shaqaaqadii dadku ku dhaawaxmeen ee todobaadkii hore ka dhacaday magaalada Ceergaabo ee xarunta gobolka Sanaag,, wuxuuna sheegay in Dhacdadaa oo ay daawadeen ay ahayd mid foolxun, isla markaana aanay dawladnimadu ahayn qofka Madaxweynaha ah oo aanay Siilaanyo ahayn, ama Cabdiraxmaan hadduu yimaado beri, ama Muuse Biixi, sidaa awgeed waa inay dadku qabyaalada iyo xumaanta iska daayaan, sababtoo ah qaran iyo qabiil isma gelayaan ee waa inaa nabadgelyada ilaashataan, waxa uu sheegay in Ciidamadu aanay dadka rasaas la dhicin oo ay u tudhaan shacbigooda.

Araweelo Ngti ews Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380