Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyada Somaliland ee Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, Cabdicasiis Maxamed Samaale xiligana ka mid ah saraakiisha sare ee Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ee ku guulaystay doorashii madaxtooyadda Somaliland Isniintii 13 Nov 2017, ayaa la weydiiyay  warar sheegaya inuu khilaaf dhex maray Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi.

 

Wuxuuna ka jawaabay wararka sheegaya khilaafka soo dhex galay isaga iyo Madaxweynaha cusub, “Maalintii guddida doorashadu ay ku dhawaaqeen natiijada waxaanu ku sugnayn goobta aniga iyo hogaanka xisbigu,  halkaas ayaan ka diray hambalyada maalintii ka dambaysayna wax hadal ah maan jeedin,  runtiina waxa iska badan wararka been abuurka ah , qofku haddii aanu xishoonayn wax walba wuu samaynayaa, ma jirto ceeb ka weyn in qofku  wixii uu doono iska yidhaahdo .”ayuu yidhi,  Cabdicasiis Samaale oo arrintaa ka hadlaya.

 

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Samaale, wuxuu sidaa u sheegay mar uu maanta jiritaanka wararkaa wax ka weydiiyayTelefishanka Eryal, isagoo sheegay in aanay jirin meel uu kala hadlay Madaxweynaha la doortay, isagoo yidhi “Meel aan kala hadlay Madaxweynaha ma jirto, dadkii hawshan wax kala qabtay ayaan ka mid ahaa, intayadii la qabatay iyo intii codka siisayba way u ducaynayaan waanan u hambalyeynaynaa, sabab aanu isku qabanayna meesha ma taalo, dadka warxuma tashiilka ah ayaana waxaa faafinaya, markii guushu dhalatay ayaa qofkii ka naxay is yidhi halkeed dagaalka iyo weerarka ka bilawdaa, waxna  arintaas kama jiraan.”

 

Dhinaca kale Samaale, ayaa usoo jeediyay bulshada  in lala shaqeeyo Madaxweynaha la doortay, isagoo yidhi “Somaliland waxay taagan tahay marxaladii Madaxweynaha la doortay  lala qaban lahaa  wixii Somaliland u dan ah oo kii ka codeeyey iyo kii u codeeyeyba  ay gacmahha isqabsan lahaayeen,  wararka noocaas ahina wax ka soo qaad ma leh.”

 

Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa uu farta ku fiiqayey rajadiisa ku aaddan in Madaxweyne Biixi soo dhiso xukuumad kooban oo dalka iyo dadka Somaliland horumar iyo caddaalad gaadhsiisa, “Waxa aannu ka filaynaa Madaxweynaha cusub inuu soo dhiso xukuumad wanaagsan oo tayo leh oo kooban, go’aankaas ayaana ummaddu ka filaysaa, qof go’aankaas lehna inuu noqdo, sharciga sarreysiiya sidii loo saadaaliyey ee meel walba boodhadhka lagu qoray waqtigii ololaha doorasha. Waxyaabaha maanta dadkeenna ragaadiyey ee dhulalka la isku haysto ka mid yihiin iyo dhibaatooyin badan oo jira kii wax ka qabanayey inuu noqdo oo ummaddan caddaalad wanaagsan u horseedi doona, taas ayaannu u rajeynaynaa,” ayuu yidhi.