araweelonews-300x168Mogadishu(ANN)Weerarada qorshaysan ee lala beegsanayo saraakiisha Dawlada iyo Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia, ayaa sii baddanaya, isla markaana muujinaya in xaaladu faraha kasii baxay, weeraro is daba joog ah iyo dilal qorshaysan ayaa si xidhiidh ah uga socday Magaalada Muqdisho 24 saacadood ee u danbeeyay.

Guddoomiye Xigeenkii Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir Yuusuf Nuur Hilaal, ayaa goor dhowayd lagu khaarajiyay weerar qorshaysan oo ay la beegsadee, isagoo marayay wadada, isla markaana wata gaadhigiisa.
Lama aqoonsan Dablayda weerarka ku khaarajisay sarkaalkaa oo ka baxsaday halkaa, balse Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaa oo ahaa weerarkii Afraad ee inta la ogyahay 24 saacadood ee u danbeeyay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxayna weeraradu soo kordhayaan xili uu khilaaf weyni u dhexeeyo Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Somalia.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com