Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir ayaa bulshada ku booriyey soomka sunnaha maalinta Carafo oo Nebigu CSW sheegay in laba sannadood dunuubtooda lagu dhaafo, iyo ku dedaalida acmaasha wanaagsan maalmahan oo ah kuwa Ilaahay SW ugu jecel yahay sannadka oo dhan.

Khudbadii Jimcaha manta oo Sheekh Dirir kaga hadlayey fadliga 10 maalmood ee bisha Dilxija,  ayaa yidhi, waxaynu ku jirnaa maalmahii ugu kheyrka badnaa sannadka oo ah maalmahan aynu ku jirno, oo caddeynayso sida Ilaahay SW ugu dhaartay, “ wal fajri, wa layaalal cashri” culimada tafsiirku waxay ku tilmaameen 10 maalmood ee ugu horeeya bishan dilxija.

Nebi Maxamed NNKH waxuu xadiis saxeex ah ku sheegay “ayaamaha aduunka waxa ugu fadli badan 10-ka maalmood ee u horeeya bisha Dilxija, waxa ku jirta maalinta Carafa. Waxa maalmahan fadligooda ka mid ah inuu ku jiro maalinta Ciida, sida xadiis kale Nebigu CSW ku sheegay “Ilaahay agtiisa maalmaha waxa u fadli badan maalinta Ciida Carafa iyo maalinta ku xigta.

Ibnu xajar RC mar uu sharxayey waxuu yidhi maalmahan waxa fadliga u yeelaya cibaadooyin waaweyn iyo arkaanu islaamkii ayaa ku jira, Tawxiidkii ayaa ku jira, Salaadii Ciida, maalmahan waa la soomayaa, Xajkii ayaa la gudanayaa, sadaqadii iyo Gowracii ayaa lala imanayaa.

Sheekh Dirir oo ka hadlayey acmaasha maalmaha la qabanayo ayaa yidhi,

“Nebigu CSW waxuu ku tilmaamay acmaasha maalmahan la qabto yihiin kuwa Ilaahay SW ugu jecel yahay” asxaabtu waxyaalahii fadliga badan ku ogaayeen Jihaadka ka mid ahaa, markaa waxay weydiiyeen jihaadkii miyuu ka fadli badan yahay? Haa ayuu Nebigu CSW ugu jawaabay, camalka la qabto maalmahan, ilaa qof jihaadka u baxay, oo naf iyo xoolo aan soo noqon.

Acmaasha maalmahan la qabanayo waxa ugu fadli badan Xajkii iyo cumradii la gudanayey. Nebigu CSW waxuu tilmaamay labada Cumro inta u dhexeysa Ilaahay SW dembiguu ku dhaafaa, Xajka lagu samo-falayna, abaal kale ma laha aan Janno ahayn.

Mar uu ka hadlayey acmaasha loo baahan yahay inaynu ku camirno maalmahan ayuu yidhi Sheekh Dirir, soomka, qofkii caafimaad qaba wuu wada soomi, kii kalena waxuu ku mintidi maalinta Carafo inuu soomo, sida Nebigu CSW xadiis ugu tilmaamay “Maalinta Carafo soonkiisa Ilaahay SW waxaan kaga sugayaa inuu iigaga dhaafo dembigii sannadkii hore iyo dembiga sannadka soo socda”

Waxaynu ku camiraynaa salaadaha sunnaha inaynu badino, sida xadiis qudsi Ilaahay Sw ku yidhi “Adoonku mar kastoo salaadaha sunnaha uu badiyo wuu ii soo dhowaanayaa, ilaa aan jeclaado,”

  • Waxaynu ku camiraynaa Takbiirta, Taxmiida iyo Tahliisha
  • Waxaynu ku camiraynaa Sadaqada
  • Waxaynu ku camirayna ainaynu cibaadada kordhino
  • Waxaynu ku camiraynaa inaynu dunuubta ka fogaano.
  • Waxaynu ku camiraynaa Gowraca maalinta Ciida iyo maalmaha ku xiga

Sheekh Dirir oo bulshada u bayaaminayey xikmadaha Udxiyadu leedahay ayaa sheegay in

  • Waa camal Ilaahay SW loogu dhowaanayo neefka la gowracayo.
  • Waa soo noolaynta sunnadii Nebi Ibraahim CS.
  • In ubadka iyo ooryaha arsaaqada loo waasiciyo maalmaha.
  • In laga farxiyo masaakiinta iyo fuqarada maalmahan
  • Ilaahay SW loogu mahadnaqo nicmooyinka uu inna siiyey.

Fadliga udxiyada oo Sheekh Dirir ka hadlayey ayuu sheegay in Nebigu CSW yidhi,   “Maalinta Ciida Ilaahay SW camal waxuu ugu jecel yahay dhiiga qofka muslimku dartii uu u daadinayo (neefka uu gowracayo)

Axkaamta udxiyada ee Nebigu CSW inoo jideeyey waxa ka mid ah inaanu qofku doonaya inuu neef udxiya qallo aanu cidiyada iyo timaha iska gurrin, markuu neefka gowraco timaha iyo cidiyaha iska jaro.

  • Neefku inuu saddex jir noqdo la qalayo, hadii kale neef iddo 2 jir ah
  • Neefka la gowracayo waa inaanu ceeb lahayn, Nebigu CSW xadiis waxuu ku yidhi “afar neef udxiyada ma gudaan, neef dhutinaya, neef cawaran, neef buka iyo neefka weyda ah.
  • Waxa ugu fadli badan in Wannanka la qalo, idaxa iyo riyaha iyaga ka fadli badan. Nebigu CSW waxuu udxiyada ku sameeyey laba Wan, oo shillis oo geeso leh, oo cadcad, hadaanu cadaan helin, cadaan iyo madow leh.
  • Wakhtiga la gowracayo Nebiga CSW ayaa inoo sheegay, waxuu yidhi “salaada ka hor qofka qala neefka, naftiisa ayuu u qalay, haduu salaada dabadeed qalo sunnahiisii iyo sunnahii muslimiinta wuu raacay, wakhtigiisuna Ciida iyo saddexda maalmood ee ka dambeeya weeye.
  • Waxa haboon qofku inuu gacatiisa ku gowraco, siduu Nebigu CSW sameeyey, isagoo odhanaya “Ilaahow neefkan adigaa I siiyey, adigaanan kuugu cibaadaysanayaa”.
  • Haduu qofku fursad u waayo, qof kale wuu wakiilan karaa, siduu Nebigu CSW badhna u qalay, badhna ugu wakiishay Cali binu abii Daalib RC.
  • Waxa fiican in neefka marka la qalayo gowraca la hagaajiyo, Nebigu CSW waxuu yidhi “Gowraca neefku ugu raaxeeya” mindi af leh ku gowraca
  •  Adaabtu waa qofka neefka kuu qalaya in lacag kaash la siiyo oo aan hilibka waxba laga siin, hilibka meel gaar ah ayaa la doonayaa, sidaa ayuu Nebigu CSW faray Cali ibnu abii daalib RC.
  • Udxiyada waxa haboon in qofku naftiisa iyo waalidkiisii geeryooday ka gowraco, haduu neef yahay iyo hadday ka badan yihiinba.

Qodobadaa ayaa ka mid ah aadaabta camalka udxiyadu ku wanaagsan, ee sunnaha Nebiga CSW waafaqsan. Dadka dibedaha jooga hadii duruuftu u saamixi weydo inuu halkaa ku qallo, waxa fiican inuu wadanka u soo diro, qofna u wakiisho, sidaana halkan udxiyadii loogu sameeyo. Markaa maalmahan ha lagu dedaalo noocyadaa cibaadaadka kala duwan ee aynu sheegnay ayuu ku soo xidhay Sheekh Dirir khudbadiisa.