Araweelo News Network

adoonsigaLondon(ANN)Unugga daba-galka ee warbaahinta Al-jazeera (Aljazeer’s Investigative Units), ayaa dibadda u soo saaray in shirkado waaweyn oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ay ku guuldarraysteen inay ka hortagaan addoonsi ka dhasha nidaamkooda ganacsi.
Baadhitaan Al-jazeera ku sameeyey arrintaas ayaa khashifay in nidaamka ganacsi ee shirkadaha waaweyn ee Ingiriisku ku shaqeeyaan addoonsi casri ah, balse Hay’adda Madaxbannaan ee Ka-hortaga Addoonsiga ayaa sheegtay in sharci laga soo saari doono tallaabadaas oo aan hore loo ogayn.
Muuqaallo si qarsoodi ah loo duubay oo unugga daba-galka Al-jazeera oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, ayaa daaha ka qaadday xaalado naxdin badan oo lagula kaco shaqaale baabuurta maydha oo ku sugan koonfurta bari ee England, iyagoo cadaadis aad u xun lagu sameeyo inta ay hawshooda ku jiraan.
 Shaqaalaha baabuurta maydha oo 12 saacadood shaqeeya waxa la siiyaa lacag dhan $50 doollar, iyadoo waliba loogu daro aflagaado iyo garaacis, qaar badan oo ka mid ahna dhaawacyo culus la gaadhsiiyo.
Sharciyaqaanno u dhashay Ingiriiska oo xuquuqda dadkan laga waraystay, ayaa arrintan ku tilmaamay addoonsi casri ah, iyagoo muujiyey in ay ka cabsi qabaan dadka jidhkooda xataa laga ganacsan karo.
“Waxa daruuri ah in la baadho ganacsiga shirkadda Volvo, gaar ahaan dhinaca shaqaalaha.” Sidaa waxa tidhi Parosha Chandran oo ah qareennad xuquuqal-insaanka u dooda oo u warrantay kooxda baadhitaanka Al-jazeera.
Sharci cusub oo laga soo saaray Ingiriiska bishan April 2016, ayaa muujiyey in shirkadaha waaweyn looga baahan yahay in ay si toos ah u soo saaraan warbixinno ku saabsan waxa ay samaynayaan, iskana bari yeelaan in wax addoonsi ah ganacsigoodu sababa bar-bilow ilaa dhammaad, hase ahaatee cilmi-baadhista la sameeyey ayaa kashiftay in 85% shirkadaha waaweyn ee hoggaamiya ganacsiga dalka Britian ay ku kacaan addoonsi casri ah, qaar badan oo ka mid ahna aanay warbixinahooda iskaga difaacin in waqti uun addoonsi soo galay.
Xog-ururin laga qaaday 20 shirkadood oo kuwa Ingiriiska ugu waaweyn, ayaa laba ka mid ah noqdeen kuwo ka bannaan addoonsi amma wax u dhow soo galin ganacsigooda.