1telesomHargeysa (ANN)Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee TELESOM ayaa lacag dhan $10,500 oo Dollar ugu deeqday saddex waddo oo ku yaala degmooyinka Axmed Dhagax, Degmadda 26 June iyo Degmadda Gacan Libaax.

Shirkadda TELESOM ayaa ugu horayn gudoonsiisay Guddida Dhismaha Wadda Xaafadda Aw-aadan lacag dhan $4000 oo dollar. Munaasibada lacag bixinta waxaa ka hadlay Madaxa Waaxda Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md. Maxamed Cabdi Darbo waxaanu sharaxaad kooban ka bixiyey kaalinta shirkadda TELESOM kaga jirto horumarka dalka waxaanu yidhi, “Sidaad la wadda socotaan shirkadda TELESOM waxay xoogga saartaa xagga horumarinta, waxbarashada, wadooyinka, tababarucaadka kale, Jaamacadaha, madarasadaha, masaajidada wax Alla wixii khayr ah.”, Sidaasi waxaa yidhi Maxamed Darbo, isagoo hadlkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyey, “Shirkadda TELESOM waxay ka qayb qaadanaysaa wajiga koowaad ee waddadan la bilaabaayo, waxanay ugu talo gashay inay $4,000 ay ku wareejiso dhismaha waddadaas, wadadaas oo ay baahi weyn u qabaaan bulshadu qiimo badanna ugu fadhida magaalada isku socodka dadweynaha”
Waxaa iyaguna hadalo mahadnaq ah iyo dhambaal ah ka jeediyey goobtii lacagta tababarucaadka ah lagula kala wareegay Guddida Dhismaha Wadda Aw-aadan waxaanay mahadnaq u jeediyeen shirkadda Telesom kaalinta firfircoon ee ay kaga qayb qaadato dhismaha wadooyinka iyo barnaamijyadda kale ee horumarineed ee dalka ka socday. Guddida ayaa sidoo kale baaq u diray dadweynaha xaafada degan, basaslayaasha iyo dadka kale ee samo-falayaasha ah inay ka qayb qaataan dhismaha waddan.

Gudoomiyaha Guddida Waddad Xaafada Aw-aadan oo ka hadlay munaasibadaas ayaa yidhi, “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca Guddida Dhismaha xaafadda Aw-aadan iyo Guddida xaafadda waxaan halkan kaga gudoomay shirkadda Telesom oo uu hormood ka yahay Maxamed Darbo $4,000 oo ay ugu tabaruceen waddo hal kiiloomitir iyo badh ah (1.5km) oo ka socota xaafadda Aw-aadan”.

Shirkadda Telesom ayaa sidoo bixisay deeq tabarucaad oo dhamay $3000 maamulka iyo masuuliyiinta dugsiga sare ee Ilays. Lacagtaasi oo lagu dhisi doono waddada soo hor marta Hoteel Mount Royal soona gasha Dugsiga sare ee Ilays. Madaxa Waaxda Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md. Maxamed Cabdi Darbo oo ku hadlayaa afka shirkadda Telesom ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay goorkasta u heelan tahay inay qayb ka noqoto horumarka dalka waxaanu sharaxaad ka bixiyey sida shirkadda Telesom uga qayb qaadato tabarucaadka waxbarashadda.

Dhanka kale waxaa iyaguna madasha ka hadlay maamulaha Dugsiga sare ee Ilays Sh.Cabdiraxmaan Axmed Sh. Cabdi waxaanu shirkadda Telesom uga mahad-celiyey sida ay uga qayb qaadato barnaamijyadda khayriga ah waxaanu yidhi, “Aad iyo aad waxaanu ugu mahadnaqaynaa una ducaynaynaa shirkadda balaadhan ee qiimaha badan ee waddaniga ah ee dalku iyo dadku runtii wadda leeyahay sidaa uu sheegay Maxamed. Aad baanu ugu faraxsanahay aad baanu ugu ducaynaynaa ilaahay inuu u barakeeyo”, Sidaasi waxaa yidhi Sheekh Cabdiraxmaan.

Waxaa iyaguna sidoo kale goobta ka hadlay Yaasin Macalin Xuseen iyo Maxamud Ibraahin Cismaan oo ka mid ah maamulka sare ee iskuulka Ilays waxaanu ka warbixiyeen sida joogtada ah ee shirkadda TELESOM uga qayb-qaadato horumarka dalka.

Shirkadda TELESOM ayaa ugu dambayntii waxay deeq lacageed oo dhan $3,500 ugu deeqday Dhismaha Buuntada xaafada Maandeeq ama Ex-Libaaxyadda halkaasi oo ay ku ooli jirtay Buunto la dhisay labaatan sanno ka hore dhibaato badanna ku haysay dadka degan xaafadaasi gaar ahaanna xiliyadda roobabka. Goobta lagu lacagta lagu kala gudoomaayey waxaa ka hadlay Madaxa Waaxda Xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda TELESOM Md. Maxamed Cabdi Darbo waxaanu sheegay in shirkadda Telesom ay biirashkan kaga qayb qadan doono lacag dhan $3,500.
Gaashaanle Dayib Cismaan Caalin oo ahaa Taliyihii hore ee Laanta Socdaalka Somaliland oo ka mid ah Guddida dhismaha waddadan ayaa shirkadda Telesom uga mahad-naqay tabarucaadkan ay kaga qayb-qaadanayso dhismaha buundadan, waxanu ka waramay dhibaatadda ay xaafada Maandeeq ku qabtay intii uu burbursanaa biriijkani. Gaanshaale Dayib ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay ugu soo dheeraysay dalabaadkii ay guddidu u gudbiyeen meelaha kale.
Shirkadda TELESOM ayaa muhiimadda kowaad siisay in ay si wayn uga qayb qaadato dhismaha wadooyinka oo ah kaabayaasha laf-dhabarta u ah horumarka dalka iyo habsami u socoda dadka iyo gaadiidka oo dhibaato weyn ka soo gaadho meelaha aan lahayn wadooyinka. Shirkadda TELESOM ayaa ah shirkadda markasta qayb laxaad leh ka qaadata dhismaha wadooyinka waxaanay bishii January shirkaddu $20,000 ugu deeqday dhismaha wadda isku xidhaysa Alaybade ilaa magaalada Arabsiyo oo ah waddo halbowle ah oo ay soo maraan baabuur sida badeecooyin iyo xoola nool oo dhaqaalaha dalka wax wey ku soo kordhiy.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews