TelesomoodweyneOodweyne (ANN) Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa deeq lacageed gudoonsiiyey maamulka gobolka Daadmadheedh. Xafladdan wareejinta deeqdan ayaa ka dhacay goobta lagu dhisaayo Jeelkan cusub ee magaalda Oodweyne maalinimadii khamiista todobaadkan.

 

Telesomoodweyne2
Xafladdan shirkadda Telesom ku wareejisay lacagtan deeqda waxa ka soo qayb-galay badhasaabka gobolka Daadmadheed, maayarka iyo xubnaha golaha deegaanka ee magaaladda Oodweyne, Taliyaha Jeelka ee gobolka daadmadheedh, qaar ka mid ah madax-dhaqameedka deegaanka iyo maamulka shirkadda Telesom.
Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Maxmaed Cabdi Darbo ayaa ka hadlay kaalinta shirkadda Telesom ay ka ciyaarto horumarka arimaha danta guud ee bulshadda iyo kaalinta uu gobolka daadhmadheed uu kaga jiro dalka.

Guddoomiyaha Daadmadheedh
Maxamed Darbo ayaa yidhi, “Runtii sidaa ka war haysaa shirkadda Telesom waa shirkadda ay wadda leeyihiin bulshadda Somaliland, waa shirkaddii ugu horaysay ee ka hana qaada dalka ee dhistay waxa la yidhaahdo wadda lahaanshaha. Runtii iyadoo danaynaysa qiimaha bulshadeeda ay ka dhex ganacsato, waxay go’aansatay in wixii faa’iido ah ee sanadwalba ay hesho wax ka mid ah inay ummadeeda ku celiso iyadoo ku celinaysa meelaha muhiimka loo arko ee ay ka midka yihiin: Waxbarashadda, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha” Sidaasi waxaa yidhi Maxamed Darbo .
Waxaa kale oo intaasi uu ku daray, “Maanta oo aynu joogno waxaanu doonaynaa in aanu ka qayb-qaadano dhismaha loo aasaasayo jeelkaa weyn ee hadda la dhisayo. Waxaan ku wareejinayaa gudoomiyaha gobolka lacagtii ugu horaysay oo xoolo madaxood ah, xooluhuna way is dabayaalana, waxaanu is nidhi bilowgaa ka qayb qaata, markaa waa $3,000 naga gudoon”, Sidaasi waxaa yidhi Md. Darbo.Telesomoodweyne3
Maayarka magaalada Oodweyne Md. Cabdikarin Nuur Muuse ayaa isaguna shirkadda Telesom uga mahadnaqay deeqday lacageed ee ay kaga qayb-qaadatay dhismaha Jeelkan cusub ee laga yagleelaayo magaalo madaxda gobolka Daadmadheedh ee Oodweyne, maayarka ayaa sidoo kale baaq u jeediyey bulshadda Somaliland gaar ahaan dadka deegaanka ee ka soo jeeda gobolka Daadmadheedh waxaanu ka dalbaday inay ka qayb galaan dhismaha jeelkan weyn ee magaalada.
Badhasaabka gobolka Daadmadheedh Md. Cali-cawil ayaa isna sidoo kale shirkadda Telesom uga mahadnaqay lacagtan deeqda waxaanu sharaxaad ka bixiyey baahida loo qabo in magaalada Oodweyne yeelato Jeel.
”Runtii maanta waa maalin farxad leh maadaam ay shirkadda Telesom codsigayagii ajiibtay ay waliba maanta halkan (Oodweyne) noogu timid nooguna keentay. Codsigaa intaan qoray golaha deegaankuna igala hawl-galay. Aad iyo aad baan shirkadda Telesom uga mahadnaqayaa Jawaabtaa, waxaanan hadda ku sii dhaqaajin doonaa wixii ay goyso haddii Alle ka dhigo. Markaa waxaan jeclahay in aanad nagaga hadhin intii aad maanta noo keenteen hanagaga hadhina halkaa ka sii wadda anaguna waxaan doonaynaa shirkadda in aanu aad iyo aad ula sii shaqayno wixi nabad-galo xumo ah, baahideeda iyo wixii ay nooga baahato gacmo furan baanu ku soo dhawaynaynaa” sidaasi waxaa yidhi Badashaabka gobolka Daadmadheedh.
Shirkadda Telesom ayaa goor kasta u heelan inay kaalin weyn ka qaadato tabarucaad adeegyadda danta guud ah ee ay bulshadda iyo xukuumaddu ula timaado. Shirkadda Telesom ayaa deeqo iyo taakulooyin kala duwan kala qayb qaadata bulshadda gaar ahaana goboladda ay shirkadda ka hawl-gasho. Shirkadda Telesom waxay deeqo kala duwan sanadka gudihiisa ku bixisay dhismaha wadooyin badan oo dalka laga hirgaliyey, dhismaha xarumaha waxbarashadda iyo taakulaynta loo sameeyey dadka xaqootiga ah ee ka soo laabtay xeryaha xaqootiga dalka.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.