Abalmarintatelesom1
Hargeysa(ANN)Shirkadda isgaadhsiinta casriga ah ee TELESOM ayaa abaal-marin qaaliya gudoonsiisay shaqaalihii haldoorka ahaa ee sanadii 2014-ka hawl-kaarnimada dheeraadka muujiyey. Xafladan Abaal-marinta oo ahayd tii 12-aad, isla markaana si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa habeenimadii Jimcaha ka dhacday hoteel Ambassador ee magaalada Hargeysa iyo guud ahaan xarumaha ay shirkaddu ku leedahay gobolada dalka oo dhan oo wadajir loogu qabtay munaasibada abaalmarinta Telesom.

abalmarintelesom3 abalamrintelesom16

Munaasibadan oo ahayd mid u gaar ahayd maamulka sare ee shirkadda iyo Shaqaalaha weynaha Guud ee shirkadda TELESOM waxaa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha Guud Shirkadda TELESOM Md. Cabdikarin Maxamed Iid, Gudoomiye Ku-xigeenka Shirkadda Maxamud Xaaji Aadan (Xadeed), masuuliyiinta kale ee hogaanka sare ee shirkadda, Masuuliyiinta Guddida Fulinta oo uu hormuud u yahay maamulaha hawl-galinta Md. Ciise Maxamud Faarax, Gudoomiyaha Baanka DAARA SALAAM Md. Maxamed Ibraahim, Gudoomiyaha Shirkadda SOMGAS Md. Cabdikarin Xaaji Muuse Muruq-liqqe, Gudoomiyaha Shirkadda Laydhka ee Telesom Electricity Company (TEC) Eng. Muuse Cali Cige, maamulayaasha iyo masuuliyiinta kale ee Qaybaha iyo Waaxaha Shirkadda iyo Shaqaalaha weynaha kala duwan ee shirkadda.abalmarintelesom4

Xafladan Abaal-marinta 12-aad ee shaqaalaha shirkadda oo ahayd mid wax weyn laga badalay qaabkii loo qiimayn jiray iyo noocyadda hadyaha la bixin jiray sanaddii hore waxaa abaal-marin la gudoonsiiyey shaqaale tiradoodu dhan tahay kun iyo kow iyo labaatan (1,021) oo shaqaale ah oo isugu jiray shaqaalaha ka hawl-gala xarunta guud ee magaalada Hargeysa iyo shaqaalaha xarumaha waaweyn ee shirkaddu ku leedahay gobolada dalka oo dhan. Abaal-marinta ayaa inteeda badan la gudoonsiiyey Waax kasta oo shirkadda mid ah ah qaybaheeda kala duwan dhawrkii qof ee keenay darajadda A+, A iyo B+.abalmarintelesom2

Munaasibadan Abaal-marinta 12-aad ee Shaqaalaha oo xafiiska Shaqadda iyo Shaqaaluhu uu si weyn u soo agaasimay noocyada Abaal-marinta shaqaalaha la siinaayo ayaa ugu horayn waxaa ka hadalay xafladan maamulaha Waaxda Shaqadda iyo Shaqaalaha Md. Cabdiqaadir Maxamed Sahal waxaanu sharaxaad dheer ka bixiyey kaalinta shaqaalahu horumarka shirkadda uu kaga jiro iyo qaabka loo qiimeeyo qofka shaqaalaha waxaanu yidhi, “Shaqaalaha la abaal-marinaayo waxay ka kooban yihiin Telesom guud ahaan kun iyo kow iyo labaatan qof (1021) shaqaalaha abaal-marinta ka helaaya waanan isla naqaanay shaqaalaha A+, A iyo B+. 22 qof ayaa gobolada shaqalaha sanadka ka ah. Xarunta Hargeysna waxaa ka ah 18 qof qaybaheed kala duwan intaasi waa qolada sanadkan calanka inoo sidda. Insha Allaah haddii ay sii haysan karaana way sii haysan haddii kalena waynu ku daba jirnaa. ” Sidaasi waxaa yidhi Md. Cabdiqaadir Sahal.

abalmarintelesom5

Maamulaha hawl-galinta Shirka Md. Ciise Maxamud Faarax ayaa mahad balaadhan u jeediyey shaqalaha shirkadda Telesom ee hawl-karinimada iyo dadaalka dheer muujiyey sanaddii 2014. Gudoomiyaha ayaa sidoo kale ka waramay adeegyadii ugu muhiimsanaa ee shirkadda Telesom soo kordhisay sanadkii la soo dhaafay waxaanu ku amaanay guud ahaan shaqaalihii adeegyada sida hufnaanta ah uga shaqeeyey, hadaladkiina waxaa ka mid ahaa, “Waxan jecelahay in aan u mahadceliyo shaqaale weynaha shirkadda Telesom madax iyo manjaba meel kasta oo aad joogaan waajibaadkii iyo shaqadii loo igmaday iyagoo quudka iyo risiqooda illaahay subxaanahu watacaala u qadaray ka doonanaya, haddana si hufnaana, kartinimo ah, wadda shaqayna walaaltinimo ah, kalkacaltooyo ah uwadda shaqeeyey uga wadda dhabeeyey ujeedooyinkii shirkaddu lahayd inay wadda xaqiijiyaan ”, Sidaasi waxaa yidhi Md. Ciise Faarax.

Gudoomiye abalmarintelesom6Ku-xigeenka Guud ee shirkadda TELESOM Md. Maxamud Xaaji Aadan (Xadeed) ayaa ka hadlay sida shirkadda Telesom u tahay markasta shirkadda Koowaad waxaanu tafaasiil dheer ka bixiyey adeegyadii ugu horeeyey ee shirkadda Telesom dalka ku soo kordhisay isagoo arimahaasi sharxayanna waxaa uu yidhi, “Shirkaddu waxay lahayd halku dhag ah ‘Telesom is first’, waxaynu ahayn shirkaddii ugu horaysay ee moobayl waddanka keena, waxaynu ahayn shirkaddii ugu horaysay ee internet waddanka keena, waxaynu ahayn shirkaddii ugu horaysay ee EVC dalka keena, iyadoo scratch kaadh la xoqo baynu keenin in EVC-ga lacagta lagaga shubto, waxaynu ahayn, waxaynu ahayn, waxaynu ahayn way tiro badan yihiin runtii, waxaynu ahayn shirkaddii ugu horaysay ee ZAAD keena, haddana waxaynu keenay inay xawaaladu ZAAD-ka ku soo dhacdo” Sidaasi waxa yidhi Gudoomiye Ku-xigeenka Shirkadda Maxamud Xaaji Aadan.abalmarintelesom7

Gudoomiyaha Baanka DAARA SALAAM Md. Maxamed Ibraahim oo ka mid ah marti-sharaftii xafladan kaga soo qayb-galay TELESOM GROUP ayaa sheegay in Baanka DAARA SALAAM uu yahay Baan ay shirkadda TELESOM leedahay waxaanu ka hadlay adeegyada baanku bixiyey iyo fursadaha qaaliga ah ee Baanka Salaam uu siiyo shaqaalaha shirkadda Telesom. Gudoomiyuhu oo ka hadlaya arimaas waxaa uu yidhi, “Shirkaddu shirkadaha ay dhashay waxaa ka mid ah Bangiga Daarasalaam Baank. Bangiga Daarasalaam waa bangi ay leedahay shirkadda TELESOM oo laga yaabo inaan dad badan hore u ogayn ama maqalkiisa uun maqlayeen. Haddii aanu dib ugu noqon Bangigu labaatan cisho ka dib uu shan jir sanayaa, waxaa laga yabaa inaan shantaa sano malaha dad badani ay caawa uun ugu horayso magaciisa iyo in loo sheego in shirkaddu shirkaddaha ay leedahay uu ka mid yahay bangigu” Sidaasi waxaa yidhi Md. Maxamed Ibraahim

abalmarintelesom9 abalmarintelesom10

Waxaa isaguna munaasibadan ka hadlay Gudoomiyaha Shirkada SOMGAS Cabdikarin Xaaji Muuse (Muruq-liqe) oo sharaxaad ka bixiyey adeega shirkadda SOMGAS bixiso. Gudoomiyaha oo la dhacsay shaqaala tiradda badan ee ka soo qayb-galay xafladan ayaa shaqaalaha shirkadda TELESOM ugu baaqay in ay wadda Isticmaalaan shoolada cuntada lagu karsad ee shirkadda SOMGAS iibiso.

Gudoomiyabalmarintelesom11aha Guud ee Shirkadda TELESOM Md. Cabdikariin Maxamed Iid oo soo gunaabaday qudbadihii laga jeediyey madasha ayaa hadalo badan oo isku jira mahadnaq, dhiiri-galin, amaan iyo dardaaran u jeediyey guud ahaan maamulaha iyo Shaqaale weynaha shirkadda TELESOM, waxaanu sidoo kale booriyey shaqaalaha inay la yimaadaan hal-abuurnimo iyo currin wax weyn ku soo kordhisa horumarka shirkadda. Gudoomiye Cabdikariin ayaa yidhi, “Maxaynu hiigsanaynaa maxaynu doonaynaa inaynu gaadhno. Waynu ognahay halkii aynu ka soo bilaabnay ee ahayd inaynu moobayl iyo fixed line shirkadd ahaan shaqadeena ku bilownay, maantana halkaynu joogno waa dareensanahay….Cloude service oo ah inaynu adeeg dhamaystiran u qabano bulshadeena waa mid qorshaheena inoogu jirta sanadkan insha Allaah oo dhismihii, Waaxdii iyo shaqaalihii hawshaa hanan lahaa ay u dhamaystiran yihiin iyo qalabkiiab Insha Allaahna aynu gaadhi doono Haddii uu Allah yidhaahdo. Waxaanu kaloon ku talo jirnaa inaynu moobaylka horumar fara badan ku samayno iyadoo dhinacyadda caafimaadka, waxbarashadda, dhaqaalaha iyo saxaafada aynu uga faa’iidaysan doono bi’idni laahi tacaalaa. Waxaa kale oo aynu iyana horumar ku samayn doonaa sidaynu u qaybin lahayn adeegyadda kala gadisan ee aynu koox ahaan leenahay in aynu meel iskugu keeno oo aynu midayno insha Allaahu haddii Ilaahay yidhaahdo ” Sidaasi waxaa yidhi gudoomiyaha Shirkadda Telesom.

abalmarintelesom12 abalmarintelesom13 abalmarintelesom14

Xafladan Abaal-marinta Shaqaalaha ayaa si habsami ah mar qudha uga wadda dhacday gobolada dalka oo dhan waxaanu maamulayaasha shirkadda ee gobolada dalku ay iyaguna dhinacooda si toos ah ugala socdeen qudbadihii kala gadisanaa ee masuuliyiintu ka jeediyeen xafladdii Abaal-marinta Shaqaalah ee ka socotay Hoteel Ambaassador ee magaalada Hargeysa.

abalmarintelesom15 abalmarintelesom17 abalmarintelesom18 abalmarintelsom8

Maamulka Waaxda Shaqaada iyo Shaqaalaha iyo Qaybta Maamulka ayaa si wadda jir ah Abaal-marino u gudoonsiiyey shaqaalihii kaalmaha hore ka galay Qaybaha iyo Waaxa Shirkadda Telesom. Hadyadahaasi oo isku jiray lacago, laptop-yo casri ah, tablets, moobaylo Smartphone ah, Shahaadooyin iyo hadyado kale waxaana la gudoonsiiyey dhamaan shaqaalihii kaalmaha sare ka galay qiimayntii shaqaalaha ee ka kala tirsanaa xarunta guud ee maaalada Hargeysa iyo xarumaha guud ee shirkaddu ku leedahay gobolada dalka oo dhan.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews