Hargeysa,(ANN)- Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee ku guulaysatay qandaraaska lagu ballaadhinayo dekedda Berbera, ayaa shaacisay qaabka ay doonayso inay u qaadato shaqaallaha ka hawlgelaya dhismaha iyo ballaadhinta dekedda magaalada Berbera oo ay gacanta ku hayso Shirkadda DP WOLRD.

Shirkadda  Shafa Al Nahda Contracting oo heshiiska dhismaha ballaadhinta dekedda Berbera ku qandaraastay lacag dhan $101 milyan oo dollar, kadib markii ay heshiis la saxeexatay Shirkadda DP WORLD iyo Xukuumadda Somaliland  11 October 2018, isla markaana qorshuhu yahay inuu si rasmi ah u bilaabmo 1 November 2018, ayaa sheegtay in shaqaalaha iyo hawlwadeennada ka qaybqaadana shaqada ballaadhinta Dekedda Berbera ay noqon doonaan laba qaybood oo kala ah;

  1. Shaqaale xirfadooda iyo aqoontooduba sarayso oo ay ka soo qaadan doonaan meelo ka baxsan dalka Somaliland
  2. Iyo qaybo ka mid ah shaqaalaha ballaadhinta Dekedda Berbera oo ay ka qoran doonaan gudaha Somaliland.

sidaana waxa sheegay Mr. Mohammed Nasser oo ah Guddoomiyaha Shirkadda Shafa Al Nahda Contracting oo hadal uu soo saaray lagu baahiyey qaybo ka mid ah saxaafadda dunida, ayaa tilmaamay in aanay jirin shaqaale reer Somaliland oo xirfadda iyo aqoontoodu gaadhsiisan tahay heer caalami, sidaa darteedna ay shirkad ahaan u baahan yihiin inay dibadda ka keenaan khubaro isugu jira injineerro iyo farsamo-yaqaanno ka shaqeeya dhismaha ballaadhinta Dekedda Berbera.

“Waxa jira jira shaqooyin iyo meelo khuseeya dhismaha ballaadhinta dekedda Berbera oo aannu u baahannahay in cidda ka shaqaynaysa aannu ka soo qaadano bannaanka Somaliland (xirfadlayaal shisheeye ah), laakiin waxa aannu doonaynaa in aannu samayno shaqaale isku-dhaf ah oo isugu jira reer Somaliland iyo qaar dibadda laga keeno,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Shirkadda Shafa Al Nahda Contracting.

 

Waxaannu intaas ku daray; “Qaabka aannu u doonayno in aannu shaqaalaha (isku-dhafka ah) ku qoranno, waxa uu caawin doonaa shirkadayada qandaraaska haysata, maadaama ay jirto in xirfadlayaasha gudaha (Somaliland) ay aqoontoodu ku kooban tahay oo qudha heer aasaasi ah (basic level), haddana waxa aannu doonaynaa in aannu qaadanayo shaqaale (reer Somaliland), kadibna waxa aannu ku dhex dari doonaan shaqaalahayaga kale ee aqoonta xirfaddoodu aadka u sarayso.”

 

Waxa kaloo uu Guddoomiyaha Shafa Al-nahda caddeeyey inay marka la dhammaystiro dhismaha ballaadhinta Dekedda Berbera ay shirkadoodu qaadan doonto qaar ka mid ah shaqaalaha waddaniga ah ee reer Somaliland, si loogu tababbaro inay noqdaan qaar heer caalami ah oo aqoontooda laga faa’iidaysto mustaqbalka dambe.

Geesta kale, sida lagu faafiyey website-ka Shirkadda Shafa Al Nahda, shaqada ballaadhinta dekedda Berbera oo u muddaysan inay bilaabanto 1 November 2018, waxa la qorsheeyey in lagu dhammaystiro muddo 22 bilood ah ama sannad iyo toban bilood, iyadoo ay ka shaqayn doonaan hawlwadeennadu tiradoodu dhan tahay 700 (toddoba boqol) oo qof, kuwaasoo isugu jira ajaanib iyo muwaadiniin reer Somaliland ah.

Shirkadda Shafa Al Nahda ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, isla markaana muddo dheer la soo shaqaysay shirkadda kale ee DP WOLRD, waxa ay hore uga hawlgashay dhisme iyo ballaadhin lagu sameeyey dekedda Dakar ee dalka Senegal iyo Dekedda kale ee Maputo oo ah dalka Mozambique (Musaanbiik), waxayna leedahay khibrad ku filan inay casriyeyn iyo ballaadhin ku samayso dekedda Berbera ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.