Share this:

" />
Telesom Dahabshiil

Shirkadda Somtel Ee Is-gaadhsiinta iyo Tignoolijiyada Casriga Ah Oo Macaamiisheeda Usoo Bandhigtay Abaalmarintii Ugu Qaalisanayd Ee Geyiga Soomaalida Lagu Bixiyo

Hargeysa(ANN)Shirkada Somtel ee hormoodka is-gaadhsiinta iyo tignoolijiyada casriga ah, ayaa macaamiisheeda usoo bandhigtay Abaalmarintii kuwii ugu qaalisanaa ee gayiga soomaalida lagu bixiyo.
Haddaba shirkada Somtel oo looga bartay in ay macaamiishada ku soo celiso faa’idadeeda qayb, marka kasta oo loo baahdona ka qayb qaadata gargaarada deg deg ah iyo mashaariicda horumarineed ee waxbarasho ama caafimaad, ayaa hadda macaamiisheeda u soo bandhigtay 5kun oo abaalmarinood, oo ay ka mid yihiin 10 gaadhi oo Hyundai ah oo cusub, Mobilo, Qasaalado, dahab, shidaal, lacag, akoon xisaabeed lacagii ku jirto oo lagaga furayo bangiga Dahabshiil iyo sidoo kale in aad si bilaash ah ku degto oo aad ku damaashaado Hotelka Damal.
Barnaaamijka oo maant la daahfuray ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne aad u faro-badan oo danaynayay hadyadahan.
Waxaa sidoo kale halkaa ku sugnaa masuuliyiinta iyo madaxda Somtel, Dahabshiil Bank, Shirkada Baabuurta ee Hyundai iyo Hotelka Damal.
Madaxa suuqgeynta shirkada Somtel, Khadar Cabdiraxman oo faahfaahin ka bixiyay abaalmarinaha kala duwan ee lagu guulaysanayo, ayaa sheegay in ay arrintan tahay fursad dahabi ah oo loogu talagalay macaamiisha adeegyada shirkaddaha Dahabshiil Group.
Dhinaca kale, Samir Ducaale, oo ka tirsan masuuliyiinta shirkada Somtel ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay barnaamijkan, isaga oo xusay in barnaamijkan ay ka qayb geli karaan dhamaan macaamiisha shirkada ee gobolada dalka oo dhan.
Samir Ducaale, ayaa sidoo kalena sheegay in abaalmarinta ay u dhacayso si cadaaalad ah, shuruuda ku xidhana ay tahay in qofku isticmaalo adeegyada ku hadalka, iyo internetka Somtel, iyo adeega eDahab – sidoo kale waxaa barnaamijka ku guulaysan kara dhamaan tafaariiqlayaasha ama resellers-ka iibiya adeegyada Somtel ee kala duwan, wuxuuna u mahadnaqay, shirkadaha ka qayb qaatay barnaamijkan abaamarinaha, gaar ahaan Dahabshiil Bank, Shirkada Baabuurta Hyundai, Damal Hotels iyo Shirkada Samsung.
Dhinaca kale, maamulaha shirkada Baabuurta ee Hyundai Cawil Saalax (Dahabshiil Motors Chief Executive Officer Engineer Awil ), ayaa isaguna macaamiisha Somtel ee ku guulaysta baabuurtan uga war bixiyay qiimaha iyo tayada baabuurtan. Sidoo kale Cawil ayaa balan-qaaday in ay guulaystayaasha siin doonaan cilad saar bilaash ah.
Gebagebadii, maamulaha Damal Hotels Marwo Saado Mohamed Siciid ayaa balanqaaday in macaamiisha Somtel ee ku guulaysata abaalmarinta Damal Hotels ay si weyn u soo dhaweyn doonaan – ayna gacmo furan ku qaabili doonaan – marka ay yimaadaan Damal Berbera ama Hargaysa.
Smiley face

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp