Hargeysa(ANN)-Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa ku wareejisay Guddida Ka Hor-tagga xannuunka Coronavirus ee Somaliland deeq dhan $840,000, oo isugu jirta $640,000, ka kooban qalabka xannuunka COVID-19, lagula tacaalo iyo $200,000, oo kaash ah  oo loogu talo galay qoysaska danyarta ah ee uu saameeyey xannuunka Covid-19.

Shirkadda Telesom, ayaa deeqdan kaga dhawaaqday shir jaraa’id oo maanta Axaddi 10 May 2020, ka dhacay madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa horre ugu guulaysatay in ay xal u hesho waxbarashada Somaliland sidii ay usii socon lahayd maadaama la fasaxay dugsiyaadii xannuunka Coronavirus awgii, waxayna diyaariay qoshe qaab Online ah loogu dhiganayo duruusta wxabarshada ee dugsiyada Somaliland, si looga badbaado inuu bulshada ku fido xannuunku.

Munaasibada lagu wareejinayay deeqda, waxaa ka soo qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdiulaahi Ismaaciil Saylici oo ay wehelinayeen guddida heer Qaran ee ka mid ah xubnaha ka hor-tagga Xannuunka Covid19, maamulka sare ee shirkadda Telesom iyo masuuliyiinta madaxtooyadda Somaliland. 

AKHRI: Telesom Oo Xal U Keentay Waxbarashadii Uu Sababay Xannuunka Coronavirus In La Joojiyo

Sida uu sheegay Cabdinaasir Aadan Nuur oo ka mid ah guddida sare ee shirkada Telesom. Shirkaddu iyadda oo ka jawaabaysa baaqii xukuumadda Somaliland u jeedisay ganacsatada, waxay shirkaddu guddida ku wareejisay dhammaan noocyadda qalabka looga baahaan yahay in lagula tacaalo xannuunka Covid-19, qalabkaa oo sida uu sheegay Cabdinaasir qiimihiisu dhan yahay $640,000, kana koobnaa aaladda lagu cabiro xumada, mishiinka Neef-caawiyaha, qalabka lagu baadho dheecaanada iyo Gafuur-xidhka (Mask) dhakhaatiirta.

Cabdinaasir Aadan Nuur oo ka mid ah guddida sare ee shirkada Telesom oo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici oo ay wehelinayeen guddida heer Qaran ee ka ho-rtagga Xannuunka Covid-19 ku wareejiyay deeqda 20 May 2020, qasriga Madaxtooyada Somaliland. Araweelo News Network.

“Waxaan maanta halkan ku wareejinayaa $200,000 oo kaash ah oo u dhiganta 4,000 oo qoys raashinkood iyo qalabkaas oo u dhigma $640,000. Waxaan jecelahay madaxweyne ku-xigeen in aad naga guddoontaan”, sidaasi waxaa yidhi Cabdinaasir Aadan Nuur, xubin guddida sare ee shirkadda Telesom ah.

Cabdinaasir Aadan Nuur oo ka mid ah guddida sare ee shirkada Telesom oo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici oo ay wehelinayeen guddida heer Qaran ee ka ho-rtagga Xannuunka Covid-19 ku wareejiyay deeqda kala duwan ee lacagta caddaanka ah iyo qalabka muhiimka ah 20 May 2020, qasriga Madaxtooyada Somaliland, munaasibad ay ka qaybgaleen maamulka sare ee shirkadda Telesom iyo masuuliyiinta madaxtooyadda Somaliland. Araweelo News Network.
Cabdinaasir Aadan Nuur oo ka mid ah guddida sare ee shirkada Telesom oo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici oo ay wehelinayeen guddida heer Qaran ee ka ho-rtagga Xannuunka Covid-19 ku wareejiyay deeqda kala duwan ee lacagta caddaanka ah iyo qalabka muhiimka ah 20 May 2020, qasriga Madaxtooyada Somaliland, munaasibad ay ka qaybgaleen maamulka sare ee shirkadda Telesom iyo masuuliyiinta madaxtooyadda Somaliland. Araweelo News Network.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaacil Saylic ayaa shirkadda Telesom ku bogaadiyey kaalinta ay qaranka ugu jirto, waxaanu ku amaanay in deeqdani ay wax weyn ka tari doonto hawlaha ka hor-tagga Covid-19.

HALAN KA DAAWO WARKAN OO DHAMAYSTIRAN: