Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom, ayaa $15,000 ku wareejisay maamulka Cusbitaal Global Polyclinic, lacagtan oo ay shirkaddu ugu deeqdo xanaanaynta Caruurta la nool xanuunka macaanka oo ay shirkaddu maal-galinayso sanadkasta.

Shirkadda Telesom ayaa sannad walba cusbitaalka Global Polyclinic ugu deeqda $30,000 si daawo iyo daryeel caafimaad loogu fidiyo caruurta la nool xanuunka macaanka. Cusbitaalkan ayaa gacanta ku haya caruur La nool cudurka macaanka oo tiraddoodu dhan tahay 150 caruurta. Kuwaasi oo la siiyo adeegyo caafimaad oo dhamaystiran iyo talooyin la xidhiidha baahiyahooda gaarka ah.

“Mashruucan oo muddo badan soo socday, oo ay iska kaashadeen Telesom iyo Polly clinic, Runtii dad badan oo Somalilander ah oo Danyar ah oo Macaanka la nool ay iska kaashadeen sidii wax loola qaban lahaa, hawshaas oo ah mid baaxad badan ah waxbadana soo socotey,shirkaddana Culeys badan ka saran yahay, ay ku soo celiso faaidooyinka ay ka heshay dadkan,Cusbitaalkuna talooyin badan iyo arimo aad u muhiima u muddadaas soo waday, sannadkan oo ah sannadkii afraad waxaanu maanta halkan u joognaa inaanu bixino Lacag dhan $15,000 oo ah wejigii Labaad ee sannadkan, wejigii hore ee sannadkana waxaanu soo bixinay $15,000, Sidaas waxa yidhi Maamulaha Xidhiidhka Dadwaynaha shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo”

Maamuluhu isagoo Hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Mashruucan waxaanu ugu tallo galnay in lagu daweeyo 150 caruur ah oo la nool cudurka macaanka, mashruuca caruurta la nool cudurka macaanku waa arin culus waana arin aanay xalin karayn shirkadda iyo cusbitaalka oo keliya balse u baahan arin qaran si laysaga wadda kaashado,Dadkaanu Hadda awoodi kartaa waa 150 qof ee aanu dawaayinka, talooyinka iyo wixii ay u baahan yihiin ,dadkaasna hadda waxa ka muuqata isbadal fican , waxaanan u mahadnaqayaa Cusbitaalka poly clinic oo runtii hawshaas iyo culuskaas gaarka u haysta, shirkadda waxaan leeyahay alle halkaad ka soo saarteen khayr idiinku badelo, madaama oo ay u heelan tahay bulshadeeda, waan shirkadd manfac iyo Horumar badan waddankan usoo hoysay, Unna Damqata dadkeeda, Hadey Gurmadkii Abaaraha tahay, Hadey waxbarashadda tahay , Haday caafimaadka tahay, umadday ka shaqaysatana wax ku soo celiysa ayuu Mudane Darbo hadalkiisa ku soo Gabogabeeye”

Dhinaca kale waxa Lacagtii Gudoomiye Dhakhtarka Globol poly clinic muddane Abdirisak Yusuf”axdar” isagoo shirkadda Ugu mahadnaqay Sidey hiil iyo Hooba ula Garab taagan tahay umaddeeda Gaar ahaan caruurta la nool Macaanka,

Muddane Dr: Abdirisak Axder hadaladiisii waxa ka mid ahaa “Shirkadda Telesom aad iyo aad ayay u mahadsan tahay, Runtii waa shirkadd lagu tilmaami karo inay Hormuud u tahay waxqabadka Dalkan iyo Dadkan waxaana Tusaale u soo Qaadan karnaa, Mashruucan oo shirkaddu nala waddo ee Lagu caawinayo Caruurta la Nool cudurka Macaanka, Caruurtaasi waxay ka soo Jeedaan Caruur Dan yar ah, Waa qoysas Askar ah, waa qoysas Kuuli ah, Waa qoysas, Waa qoysas wastadin ah, waa qoysas bilaa camal ah, Runtii qoysaskaasi may kari jirin in ilmahoodii u helaan dawadii macaanka ka dejin lahayd, mishiinadii macaanka lagu baadhayay, may heli jirin irbadaha yaryar ee macaanka lagu eego, may heli jirin irbadaha macaanka , runtii dhib badan, Taasina inta badan waxay keeni jirtey in uu dawo rasmi ah uu ilmihii waayo macaankiisi bilaa kaantarool noqdo, waana ka ta keentay in ilaa toboneeyo ka midi oo kaantaroolkoodu liitey ay geeriyoodaan, markaa taasi manta waxbadan ayay ka tartay ubadkii danbe,”

Dr: Abdirisak oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Bilkasta waxa la qaybiyaa Dawadii , waxa la qaybiyaa strips kii, waxa la qaybiyaa irbadihii, wixii aanu dawayn karno waanu dawaynaa oo waxaanu sii naa dawayn bilaash ah, runtii wax badana way maqan yihiin waxbadana way noo qabsoomeen, waxa inoo qabsoomay waxa ka mida dawooyinkii aas aasiga ahaa inay 150 ciyaali haystaan, waxa jira dad aan ilaa 70 ka yarayn oo iyaguna baahi hayso, arintaasi maaha mid telesom oo keliya u baahane waa arin la rabo inay dawladu Hormuud u noqoto, waa arin u taalla dadkeena tijaarta ah ee wax haysta, anaguna xarun caafimaad ahaan wxii dadaalkayaga ah waanu samaynaynaaa,, shirkadda Telesomna waxaan leeyahay ilaahay badal khayr qaba ha idinku badale, shirkaddana waxaan ka Rajaynaynaa wax tar intaas ka badan inay tari doonto mustaqbalka dadkeeda”.