Araweelo News Network

 

#Somaliland, Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo saaka  ka amba baxay caasimadda Hargeysa, ayaa si ballaadhan oo aan kala hadh-ahayn loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera iyo guud ahaanba deegaannada dhinaca galbeed kaga teedsan.

Alt, araweelo News Network

Soo dhowaynta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa Berbera 18 Oct, 2020, Image Araweelo News Network.

Madaxweynaha iyo weftigiisa,  ayaa waxa deeggaanka Cumar ku-joog  ku qaabilay madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, waxana  intaas kaddib soo dhaweyn diirran oo aan loo kala hadhin ay kala kulmeen bulshada ku dhaqan deegaannada Dacar-budhuq, Abdaal, Xammaas iyo magaalooyin kale oo ku yaalla inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.

Alt, araweelo news network

Soo dhowaynta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa Berbera 18 Oct, 2020, Image Araweelo News Network.

Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera oo lulaya caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay kaantaroolka  galbeed ee magaalada, waxana ay u galbiyeen dhinaca magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu socod lug  ah shaaracyada magaalada kula Soo maray shacabkii soo dhaweeyey.

Soo dhowaynta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa Berbera 18 Oct, 2020, Image Araweelo News Network.

Soo dhowaynta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa Berbera 18 Oct, 2020, Image Araweelo News Network.

Intaa kaddib, madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisu waxa ay kormeer ku tageen marsada cusub ee Berbera oo ay shaqadeeda iyo casriyeynteedu si xawli ah u socoto, waxana halkaas kusoo dhaweeyey maamulka iyo hawl-wadeennada dekedda Berbera, isaga oo madaxweynuhu xadhigga ka jaray Taag cusub oo casri ah oo dekedda loo soo  iibiyey.

Alt, Araweelo News Network

muuqaalka soo dhowaynta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee safarkiisa Berbera 18 Oct 2020, Image Araweelo News Network

 

Maareeyaha Dekeddaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Siciid Xasan Cabdilaahi oo hormuud u ahaa madaxdii madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweysay gudaha dekedda Berbera, ayaa si kooban uga warbixiyey dedaallada ay maamul ahaan ugu jiraan horumarinta dekedda iyagoo fulinay siyaasadda madaxweynaha, isla markaana  xil iska saaray inay dekeddu hesho dhammaanba adeegyada Aas-Aasiga u ah shaqada ballaadhan ee ay dekeddu gobolka u hayso.

Alt, Araweelo News Network

Soo dhowaynta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa Berbera 18 Oct, 2020, Image Araweelo News Network.

Afhayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo warbaahinta la hadlay, ayaa shacabka iyo maamulka gobolka iyo degmada Berbera uga mahadnaqay sida sharafta leh ee ay madaxweynaha iyo weftigiisa usoo dhaweeyeen, waxana uu ka warbixiyey ujeeddada uu safarka madaxweynuhu daarran yahay, waxana uu yidhi,“Ujeeddada safarka madaxweynuhu waxa ay daarran tahay inuu xog-ogaal u noqdo xaaladda guud ee gobollada iyo degmooyinka dalka, inuu dardargeliyo shaqooyinka kala duwan ee gobollada ka socdo, islamarkaana uu uu kormeero oo xaqoojiyo mashaariicda horumarineed ee gobollada iyo degmooyinka ka socda.”

Alt, Araweelo news network

muuqaalka soo dhowaynta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee safarkiisa Berbera 18 Oct 2020, Image Araweelo News Network.

 

Safarka iyo soo dhowaynta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa Berbera 18 Oct, 2020, Image Araweelo News Network.

Safarka iyo soo dhowaynta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa Berbera 18 Oct, 2020, Image Araweelo News Network.

Alt, Ataweelo news network

Safarka iyo soo dhowaynta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa Berbera 18 Oct, 2020, Image Araweelo News Network.