Abu-dhabi(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay ayaa gaadhay Dalka imaaraadka carabta Sabtidii 9 March 2019.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri Abu Dhabi 9 March 2019. Araweelo News Network
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri Abu Dhabi 9 March 2019. Araweelo News Network

Waxaana madaxweynaha si meeqaam sare leh ugu qaabilay madaarka Albateen airport ee magaalada Abu dhabi ee caasimada wadanka UAE, waxaana weftiga Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyey Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo Masuliyiin ka tirsan dawladda Imaaraadka. Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay maalmaha soo socda guda gali-doonaan kulamaddii rasmiga ahaa ee ay la qaadanayeen masuuliyiinta sar sare ee dawladda imaraadka carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa oo la kulmay Wasiirka Caddaaladda ee Imaaraadka, Sultan bin Saeed Al Badi Al Dhaheri iyo masuuliyiin kale Abu Dhabi 9 March 2019. Araweelo News Network.

Meeqaankan lagu qaabiley Madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland iyo Weftigiisa ayaa ah mid qiimihiisa leh oo ka turjumaya xidhidhka wanaagsan ee horumarka laga gaadhay ee dhidibada loogu taagay arrimaha la xidhiidhka ganacsiga, arrimaha bulshada, iyo dhinacyada siyaasada ee Imaaraadka iyo Somaliland, muddooyinkii u danbeeyey ay ka wada shaqaynayeen.

Allaa Mahd leh