Araweelo News Network

Israa’iil Mr. Benjamin Netanyahu

Israa’iil Mr. Benjamin Netanyahu

Washington(ANN)Basaasiin u shaqeyn jiray laanta sirdoonka mareykanka,CIA ayaa qirtay in xog uu siiyay booliiska Koonfur Afrika ee xilligii cadaanku dalka xukumay ay horseeday in la xidho hoggaaiyhii madawga ee la dagaalamayay gumaysigii midab takoorka Nelson Mandela oo uu 27 sano ku jiray xabsi ku yaal dalka South Afika.
Wargayska Sunday Times, ayaa daboolka ka qaaday wax yar uun ka hor dhimashadii Donald Rickard oo sirdoonka Mareykanka ka tirsanaa waxay xaqiijineysaa shakigii mudada dheer laga qabay in sirdoonka Maraykanku uu ku raadjoogay Mandela oo markii dambe noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Madaw ah ee dalka south africa..
arrintani waxay dhacday habeen madaw,sanadkii 1962-dii, markii booliisku uu jidgooyo dhigtay oo uu joojiyey gaadhigii Mandela oo noqday maxbuuskii ugu caansan adduunka, iyadoo xiligaa hoggaamiyayaasa daalka reer galbeedku u arkayeen nin argagixso ah,oo halis ku ah danahooda.
Arrintan dabolka laga qaaday waxay keeni doontaa in lagu cadaadiyo sirdoonka mareykanku inuu macluumaad badan ka bixiyo doorkii uu ku lahaa xadhigii Nelson Mandela iyo taageeradii ay u siiyeen dawladdii midab takoorka, inkasta oo ay horay u diideen,isku dayo la sameeyay si ay u soo bandhigaan.
Basaaskii CIA Donald Rickard oo geeriyooday 2013 marnaba si cad loolama xidhiidhin hay’adda sirdoonka ee CIA, balse dalka Koonfur Afrika, markii uu ka shaqeynayey wuxuu ahaa dublamaasi,wuxuuna shaqadii ka fadhiistay dhamaaadkii todobaatameeyadii, isagoo I hoose ula shaqaynayay sirdoonka Maraykanka