Araweelo News Network

talyanleHargeysa(ANN)Siyaasiyiinta la baxay garabka isbedeldoonka dumuqraadiyada Xisbiga KULMIYE, ayaa ku gacansaydhay go’aan Hoggaanka Xisbiga kaga eryay ka mid ahaanshihii xisbiga shan xubnood ka mid ah kooxdaa, kuwaas oo qoraal uu xalay soo saaray lagu sheegay in laga saaray xisbiga.
Haseyeeshee qoraal ay wadajir usoo saareen Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye Xil. Maxamed X. Yuusuf Waabeeye iyo Gudoomiye Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye Xil. Cabdiraxman Maxamed Talyanle oo labadooduba ka mid ah siyaasiyiinta hore uga cadhooday xisbiga, kadib shirkii Golaha Dhexe ee lagu doortay Musharaxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xogeenka Nov. 2016, ayaa sheegay in aanay jirin sabab sharci ah oo shantaa xubnood looga saaray xsibiga KULMIYE.

Qoraalka jawaabta ah, ayaa u dhignaa sidan:- “War-murtiyeed”-Date, 24-Mar-2016- Ref. KDC/08/012/2006

Ujeedo: Dedefayn Qoraalka ka soo baxay Garabka Gudoomiyaha Muuse Biixi.

Tixraac Qoraalka sumadiisu tahay XK/XGX/0042185/2016 kuna taariikhaysan 23/03/2016 kana soo baxay xafiiska garabka kulmiye ee Gudoomiye Muuse Biixi ee lagu faafiyay warbaahinta ujeedadiisu ahayd lumin Xil iyo Xubinimo xisbi.
Hadaba shir ay isugu yimaadeen Hogaanka, gudiga fulinta iyo xubnaha golaha dhexe ee garabka Isbahaysiga Dumuquraadiga ee Xisbiga Kulmiye waxay soo saareen War-murtiyeedkan :
1. In aany jirin xubin ka tirsan garabka Isbahaysiga Dimoquraadiga Kulmiye oo lumisay xilalkeedii iyo xubinimadeed xisbiga kulmiye.
2. In aanu jirin shir loo dhanyahay oo hogaanka iyo gudiga fulinta xisbigu Iskula-qaateen luminta xillalka iyo xubinimada Xisbiga kulmiye.
3. In Gudigii Isbahaysiga ee loo magacaabay la xaajoodka siyaasadeed ee xisbiyada ay sidoodii yihiin sharci u diidayaana aanu jirin.
Gebogebadii:-
Qoraalka ka soo baxay xafiiska garabka gudoomiyaha wuxuu muujinaysaa fashilka hogaamineed ee Muuse Biixi oo xaaladiisu wakhtigan marayso “neef la gawracay geedo kama waabto” iyadoo xisbigii kulmiye labo garab u kala fadhiyo hadana u tafaxaytay Xasarado aan kala joogsi lahayn ee ay ugu danbaysay faraglinta Saldanada guunka ah iyo birma-magaydada madax-dhaqameedka.” ayaa lagu yidhi qoraalka Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye Xil. Maxamed X. Yuusuf Waabeeye iyo Gudoomiye Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye Xil. Cabdiraxman Maxamed Talyanle.