Madaxweyne Biixi Oo Ka Halday Gurmadka Soomaaliya Iyo Dalalka kale

Qiimaynta Hordhaca Ah Ee Khasaaraha Suuqa Waaheen

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomalaiya, ayaa shaacisay in 11 Milyan oo lacagta dollarka ah si deg deg ah loogu sii deynayo Somaliland.

Lacagtaas oo ahayd mid k mid ah lacahaga kaabista ee ku jirta Bangiga Aduunka, isla markaana dhan $ 11, 700, 000 (kow iyo toban milyan iyo todoba boqol) si deg deg ah loog sii deynayo Somaliland si dhibaatada ka dhalatay suuqa waaheen oo ahaa suuqa ugu weyn ganacsiga Hargeysa ee gubtay wax loogaga qabto.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Garyaqaan Mahdi Guuleed, ayaa sheegay in masiibada dhacday aannay ahayn mid lacagtaasi dabooli karta, balse waxa uu xusay in ay jiraan lacago kale oo la qorshaynayo.

Siidoo kale, wuxuu sheegay in isaga iyo Wasiir Bayle ay kulamo la yeesheen Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ra’iisal wasaare Rooble iyo masuuliyiin kale, isla markaana, iyagoo ka murrugaysan dhibaata masiibada la qaybsanayo wallaalahood Somaliland.

“Maaha intaa oo kaleiya lacagtaa, dhawr iyo tobbanka milyan iyo toddobada boqol ee kun waxaa dheer ganacsatada Muqdisho ayaa balanqaaday laba Milyan oo dollar iyo dawladda oo Hal millyan bixinay, waana arrin dhaqan inoo ahayd in laysu gurmado Somaliland iyo Soomaaliya.” Ayuu ydhi, ra’iisal wasaare ku xigeenka Khadar.

Wuxuu sheegay in suuqa Waaheen oo muddo dheer dhismayay aannay waxba ka tarayn intaasi, balse ay wadaan qorshayaal kale iyo shirar ay xukuumad ahaan la yeelanayaan saaxiibada taageera dawladda ee Beesha caalamka oo ay arrintaa kala hadlaayan, sidaa awgeed wuxuu xusay in aannay dedaalkooda ka fadhiisanayn siidii suuqa Waaheen loogu soo celin lahaa sidii uu ahaa.

Dhinaca kale, Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi, ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha dawladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xukuumaddiisa sida ay uga damqadeen dhibaatada masiibada soo gaadhay Somaliland.

Sidoo kale, Dawladda Maraykanka, shirkadda DP. World ayuu Madaxweyne Biixi, u mahad celiyay, isagoo dhinaca kalena madaxda dalal dhawr ah oo ay ku jiraan Ethiopia iyo Djibouti oo wufuud usoo diray si ay ula qaysadaan murrugada uga mahad celiyay gurmadka iyo garab isataaga ay u muujiyeen.

Madaxweyne Biixi, wuxuu kaloo u mahadceliyay dalalka Britain, Turkiga iyo wadamo kale oo dhammaantood soo diray farriimo ay Somaliland ugu muujinayaan taageero iyo in ay la qaybsanayaan dhibaatada khasaaraha masiibada iyo murrugada weyn ee ka dhalatay suuqa ganacsiga ugu weynaa ee Waaheen oo gubtay.

Madaxweyne Biixi, ayaa hore guddi ugu magacaabay Gurmadka iyo Taakulaynta masiibada Suuqa Waaheen.

 Qiimayn hordhac ah oo ay soo saareen guddidu, waxay sheegeen in lagu ogaaday baaxadda khasaare ee dabkaasi u geystay ee suuqa ugu weynaa Hargeysa ee Waaheen.

Guddida oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Sheekh Albaani iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdikariim Axmed Moogge, ayaa sheegay in inqiimaynta hordhac ah ee la sameeyey lagu ogaaday in dabka ka kacay Suuqa Waaheen uu geystay khasaare maaliyadeed oo gaadhaya inta u dhaxaysay $1.5 Bilyan ilaa $2 Bilyan oo Lacag ah, balse tani maaha qiimaynta dhabta ah ee khasaaraha ka dhashay dabka galaaftay suuqa ugu weynaa ganacsiga ee Waaheen.

Suuqa Waaheen oo shufbeelay 1 April 2022, Image Araweelo News Network.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com