Araweelo News Network

Shirka Gollaha wasiiradda Somalia


Muqdisho(ANN)-Shirka Golaha Wasiirada Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa lagaga hadlay dilka Wasiirkii Howlaha Guud iyo arrimaha Amniga Marxuum Cabbaas Cabdullaahi Siraaj oo u geeriyooday tacshiirad rasaas ah oo lala beegsaday Af-faafka Villa Somalia shalay.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre, waxa lagaga hadlay dilkaa, waxaana kulankaa warbixin ku saabsan falkii dilka iyo baadhista socota lagaga dhageystay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer Illaaliyaha Guud, kuwaas oo sheegay in baadhistu socoto, isla markaasna 3 qof ay u xidhanyihiin falkaas. Waxeyna golaha ka codsadeen in gacan laga siiyo baadhistooda.

Golaha wasiiradu, waxay warbixintii kaddib waxay go’aansadeen oo si wadajir ah ugu coddeeyeen in xilkii laga qaado Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, iyadoo xilka uu si ku-meel gaadhah u sii heynayo Kuxigeenka Hanti-Dhowrka Guud.

Sidoo kale Golaha wasiiradu waxey warbixin dheer ka dhageysteen Taliyeyaasha Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Nabad-Sugidda, waxtbixintaa oo la xidhiidha sidii amniga dalka oo dhan loo sugi lahaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo, ayaa si lama fillaan ah u soo gaabiyay booqashadii uu ku joogay dalka Ethiopia, ka dib dilka wasiirka, wuxuuna Safarkiisa uu soo gaabiyay ku sifeeyay si uu uga qaybgalo aaska loo sameynayo marxuumka.

”Waxaan ku amray hay’addaha ammaanka inay si dhakhso ah baadhitaan ugu sameeyaan masiibadan foosha xun. Waana in kuwii ka dambeeyay la horkeenaa caddaaladda”, ayuu madaxweynuhu ku qoray bartiisa Twitter-ka.

Dhinaca kale wasiirkii wasaaradda Howlaha Guud iyo dib u Dhiska Marxuum Cabbaas Cabdullahi Siraaji , ayaa Aas qaran maanta magaalada Muqdisho loogu sameeyay, waxaana ka qaybgalay aaska Masuuliyiinta Xukuumadda iyo dadweyne kale.