Muqdisho(ANN)-Allah u naxariistee waxa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Maxamed Qanyare Afrax oo ka tirsanaa hogaamiyeyaashii siyaasadda ee Soomaaliya, kuwa ugu magaca dheer,  isla markaana ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyaddii sagaashanaadki markii ay burbirtay dawladdii Soomaaliya kala qeybsaday Muqdisho.

Qanyare Afrax, wuxuu saaka ku geeriyodoay Cusbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho,  ka hor intii aanu shaacin inuu ka fadhiistay siyaasadda sanaddii 2012, wuxuu dowladihii kumeel gaadhka ahaa ee Soomaaliya loo sameeyay kasoo noqday xildhibaan iyo wasiir, isagoo dawladdii  Mbaghati ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo murrashax ka noqday, balse  Qanyare  markii danbe ka noqday wasiirka ammaanka iyo xildhibaan, Qanyare ayaa xilka xildhibaanimada ku wareejiyay Wiilkiisa Cabdiweli Maxamed Qanyare.

Sanadihii 2005 illaa 2006 wuxuu kamid ahaa mas’uuliyiinta Isbaheysigii lamagac baxay la dagaalanka Argagaxisada oo ay isaga iyo hoggaamiye kooxeedyo kale Muqdisho kaga dhawaaqeen, balse waxa u awood sheegtay kacdoonkii Maxaakimiinta ee Muqdisho ka dilaacay.

Qanyare oo caan ka ahaa Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan magaalada  Muqdisho wuxuuna kamid ahaa Hoggaamiye kooxeedyadii isu bahaysigoodu sababay kacdoonkii Maxaakiimta, waxaana lagu tiriyaa inuu ahaa maskaxdii ka danbaysay isbahaysigaa oo markii danbe ay u awood sheegteen kooxihii wadaada ee hoggaaminayay kacdoonkaa maxaakimiinta.

2004,  Markii uu Qanyare Afrax  ka qeyb galay doorashadii madaxtinimada shirkii Mbaghati ee Kenya, wuxuu ahaa murrashaxii sedaxaad ee codadka ugu badan ka helay  xildhibaanada, balse markii danbe isaga iyo tira xildhibaanno hoggaamiye kooxeedyo ahaa ayaa Mudisho uga dhawaaqay Golaha samata bixinta kadib markii ay is khilaafeen Cabdullaahi Yuusuf.

Maxamed Qanyare, wuxuu ka mid ahaa mucaaradkii Dawladdii Milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre, isagoo January 27th 1987, dalka Talyaaniga kaga dhawaaqay, Jabhadii uu hoggaaminayay General Caydiid ee United Somali Congress (USC)

Qanyare Afrax iyo siyaasiyiin wali nool oo ay kamid yihiin Bashiir Raage Shiiraar iyo Muuse Suudi, ayaa lagu tiriyaa inay xidhiidh dhow la lahaayeen sirdoonka Mareykanka  iyo CIA-da xilligii oo Madaxweyne Bush ka talinayay  Mareykanka. Sidoo kale dawladda Ethiopia ayay xidhiidh dhawo la lahaayeen.

Weedhihii u Danbeeyay Ee Kasoo Baxay Siyaad Bare Ee Ruumoobay Iyo Sheekadii Dhexmartay Xaashi Weheliye Iyo Doorkii Uu Qanyare Afrax Ku Lahaa