Araweelo News Network

Muqdisho (ANN)- Kooxda Daacish/ISIS ee ka dagaallanta dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Liibiya, ayaa markii ugu horreysay sheegtay inay dil qorshaysan ka fuliyeen caasimadda waddanka Soomaaliya ee Muqdisho.
War lagu baahiyey warbaahinta taageerta ururka Daacish shalay, ayaa lagu sheegay inay gudaha magaalada Muqdisho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Nabad-sugidda dawladda taagta daran ee Soomaaliya.
Hase ahaatee, kooxda ISIS ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan magaca iyo goorta ay khaarajiyeen sarkaalka Nabad-sugidda Soomaaliya ka midka ahaa ee ay dilkiisa sheegteen.
Sidoo kale, masuuliyiinta maamulka Muqdisho ayaan illaa hadda ka hadal sheegashada ururka Daacish.
Xoogag isugu jira Soomaali iyo ajnebi daacad u ah kooxda Daacish, ayaa bilihii u dambeeyey ka dagaallamayey degaannada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland.
Dagaalyahanno uu hoggaaminayo wadaad lagu magacaabo Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo ka goostay xoogagga Al-shabaab, ayaa ku dhawaaqay in ay ku biireen kooxda Daacish/ISIS badhtamihii sannadkii hore ee 2016, kuwaas oo tan iyo waqtigaas ka hawlgala degaannada maamulka Puntland ee ku teedsan xeebta Gobolka Bari.
Waa markii ugu horreysay ee dhaqdhaqaaqa Daacish/ISIS ee sheegtaan inay hawlgal dil ah oo qorshaysan ka fuliyeen magaalada Muqdisho, xarunta dalka Soomaaliya ee colaaduhu aafeeyeen.