Roma,(ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo booqasho ku tegey magaaladda Roma ee dalka Talyaaniga, ayaa la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte.

Labada masuul, ayaa ka wada hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa xoojinta xidhiidhka labada dal, kaas oo ay sheegeen in uu yahay qorshe mudnaan gaar ah u leh Dowladda Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay kulanka laba masuul, kaas oo lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo la wadaagay Raiisal Wasaaraha dalka Talyaaniga kaalinta uu dalkaasi kasoo qaatay sidii dawlad loogu dhisi lahaa Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maamulka iyo ciidanka, isagoona tilmaamay in kaalintaas oo kale ay haatan ka filanayaan madaxda dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisal Wasaaraha ayaa si wada jir ah u bogaadiyey xidhiidhka soo jireenka ah ee ku salaysan saaxiibtinimada iyo dan-wadaagga ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku boorriyay Dowladda Talyaaniga in ay ku dhiirrigeliso ganacsatada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Talyaaniga in ay maalgashadaan Soomaaliya, iyagoo ka faa’iideysanaya fursadaha kala duwan ee haatan ka jira Soomaaliya.

“Soomaaliya iyo Talyaaniga waxay wadaagaan xidhiidh taariikhi ah oo ku qotoma iskaashi dhaqaale, mid dhaqan iyo saxiibtinimo soo martay heerar kala duwan, waana tan udub dhexdaadka u ah in la xoojiyo xidhiidhkeena soo jireenka ah, si aynu horumar iyo barwaaqo u gaadhsiinno labadeenna shacab.” Ayuu yidhi, Farmaajo.

Dhankiisa, Ra’iisal Wasaare Conte, ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga la socda, wuxuuna adkeeyay in ay dowladdiisu ka go’an tahay wadashaqeynta iyo taageerada ay u hayaan Soomaaliya, isagoo bogaadiyey horukaca ay sameysay Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa sidoo kale soo dhaweeyay hindisaha Dowladda Soomaaliya ee maalgashadayaasha Talyaaniga si ay ganacsatada Talyaaniga u maalagashadaan Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa uga warbixiyay Ra’iisal Wasaare Conte horumarka iyo soo kabashada ay hadda ku jirto Soomaaliya iyo sidii labada dowladood u yeelan lahayeen iskaashi iyo wax-wada-qabsi.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Conte, ayaa isku raacay ina y sii wadaan xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dawladood, iyada oo loo marayo istiraatiijiyad faa’iido wadaag ah oo dan u ah labada dal iyo labada shacab si loo xoojiyo xidhiidhka dhaqaale iyo dhaqan ee ay wadaagayaan labada dal.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xidhiidhka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so