Arawelo News Network.

Warbixin By. Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

#Muqdisho, #Somalia, (ANN)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkeedu dhammaaday, ayaa taageero diblamaasiyadeed ka raadinayay Ururka Jaamacadda Caraabta oo xilligan u muuqda mid siqiiray iyo Midawga Afrika ee magaciisa lagu Ilaaliyo Villa Somalia.

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar oo ah Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Farmaajo, ayaa booqasho kedis ah ku tegey caasimada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaas oo ah xarunta Ururka Midawga Afrika.

Abuubakar, waxa uu la qaatay kulan gaar ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, kulankaa oo ahaa mid aannay warbaahintu goob joog ka ahayn, waxa uu markaa kaddib Abuubakar warbaahinta u sheegay in lagaga hadlay, wuxuu ugu yeedhay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Ururka Midowga Afrika.

Sidoo kale, kulanakaa lagaga hadlay, isla markaana lagu faaqiday xaaladda qalafsan ee amniga Soomaaliya ee sii xumnaaya iyo xaaladda ka jirta Ethiopia oo wer-wer k abuurtay Midawga Afrika iyo Beesha Caalamka, iyadoo loo arko in dagaalka gobolka Tigray ee Ethiopia saamayn ku yeeshay amniga guud ee mandaqada, isla markaana hawlgalka ciidamadda Midawga Afrika ee Soomaaliya ay saamaysay xaaladda dagaalka Ethiopia, sidaa awgeed ay cabsi iyo wer-wer ku abuurtay haddii ay xaalladda xilligan ka jirta Soomaaliya sii socoto oo saamayn weyn ku yeelan karto amaanka gobolka ee liiq-liiqanaya.

Kulanka, waxa kale oo lasu soo qaaday dalabka xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ee ay ku doonayso in ciidamadda Midawga Afrika ay sii joogaan Soomaaliya si ay gabood ugu sii ahaadaan madaxda ay ku ilaaliyaan Villa Somali iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in muddada loo korhdiyo ciidamadda AMISOM, oo ka socda dhawr dal oo Afrika ah, ayaa ku sugnaa Somaaliya tan 2007,  si ay u taageeraan dawladdaha maqaar-saarka ah ee laga dhisayay Soomaaliya.

Muddadii loo qabtay oo ku ekayd 28 February 2021, waxay gollaha amaanku u qorsheeyeen inay ka baxdo AMISOM, Soomaaliya marka la gaadho Disembar 2021, kaddib markii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay (UNSC) ay kordhiyeen muddada joogitaankooda, iyadoo xukuumadda Farmaajo doonayso in ay ka faa’idaysato War-murtiyeedkii shirkii 978-aad ee PSC ee la qabtay 9 February 2021, iyadoo la tixgelinayo Warbixinta Guddoomiyaha Guddida ee Xaaladda Soomaaliya iyo hirgelinta waajibaadka Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Amb,James Swan Madaxweynaha Dadban Ee Soomaaliya Oo Ka Hadlay Wixii Ka Dhacay Xallane

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, wuxuu Guddoomiyaha Midowga Afrika u sharaxay dhanbaalka uu xanbaarsanaa ee dalabka xukuumadda Farmaajo ee xilligan ay hadheeyeen siyaasadaha kacsan ee kusii siqiya khilaafjka gacan ka hadalka ah iyo baahida ay u qabto taageerada ciidamadda AMISOM, si aannay Somalia ugu noqon fawdadii ay kasoo baxaysay ee ay ku jirtay soddonkii iyo dawlad la’aantii dhawr iyo labaatan sanandoo ay dunida kaga noqotay tuke baal-cad.

 

Dhinaca kale, Xukuumadda Federaalka ee xilligeedu dhammaaday, ayaa sidoo kale u dirtay dalka Masar, Xasan Macallim Khaliif oo ah Wasiir dowlaha Madaxtooyadda Soomaaliya, wuxuuna shalay kulan khaas ah la qaatay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit.

Xasan Macalin Khliif oo sidoo kale ku magcaaban Ergayga Madaxweyne Farnmaajo u qaabilsan Jaamacadda Carabta, (Arab League), ayaa u gudbiyay Xoghayaha Jaamacadda Carabta dhanbaal uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya oo sida la sheegayo nuxur ahaan ka hadlayay taageerada ay dawladda Federaalka ee xilligan ciir-ciiraysaa uga baahan tahay Jaamacadda Carabta.

 

 

 

Qoraalka Madaxweyne Farmaajo oo aan si dhab ah loo oggayn waxa rasmi ahaan uu xanbaarsanaa, ayaa warar dhanka diblamaasiyada ah oo si hoose warbaahintu u heshay sheegayaan in maadaama ay xukuumadda Federaalka ee xilligeedu dhammaaday oo ay haystaan duruufo siyaasadeed iyo kuwo amni, isla markaana uu hadheeyay khilaafka ka taagan doorashada ee u dhexeeya maamul gobolleedyada, kooxda la baxday midawga Murrashaxiinta iyo xukuumadda federaalka ah ay jaamacadda Carabtu noqoto mid door ka qaadataa sidii loo furdaamin lahaa mushkiladahaa hadheeyay.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit. oo ah Siyaasi kasoo jeeda dalka Masar, isla markaana xilkaa hayay July 2016, wallaw loo cusboonaysiiyay 3 March 2021. Ayaa balanqaaday doorka ay ka qaadanayaan dalabka dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo sidii ay taageero dhaqaale iyo mid caafimaad u siin lahayd, isla markaana door siyaasadeed ka qaadan lahayd xalka khilaafka Soomaaliya ee ka taagan doorashada.

Balse balanqaadka taageerada Ururka Jaamacadda Carabta ee Xoghayaha guud ee (The Arab League),Ahmed Aboul Gheit, ayaa u muuqda mid aan wax ka tarayn siyaasada cakiran ee Soomaaliya, iyadoo Ururka Jaamacadda Carabtu noqday mid aan awood buuran iyo saamayn ku lahayn siyaasada dunida Carabta oo magac ahaan oo keliya u jira, isla markaana sii wiiqmay wixii ka danbeeyay markii Madaxweyne Abdel Fattah  Al-Sisi xukun millateri ku qabsaday dalka June 8, 2014, taas oo meesha ka saartay doorkii Ururka Jaamacadda Carabta oo xatuntiisu ahayd Qaahira, isla markaana ay magaciisa ku dilaali jirtay daallka Carabta.

Warbixin By. Arraale M. Jaama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Email: Jaamac132@gmail.com.