Araweelo News Network.

#Getachew Reda Oo Ka Mid Ah Hoggaamiyaasha Tigray Oo Ka Halday Dhacdooyinkii U Danbeeyay

#Washington(ANN)- Maraykanka, ayaa ku celiyay in ciidamadda Amxaarada iyo kuwa Eritrea ay gebi ahanba ka baxaan gobolka Tigray ee mudada dhawrka bilood ah collaadu ka taagnayd.

Sidaana waxa Aqalka Congres-ka Maraykanka ka jeediyay Xoghayaha Arimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken, u sheegay Congres-ka in uu doonayo in xoogaga amaanka ee gobolka oo aan ku xadgudbi doonin xuquuqda aadanaha ee dadka Tigray, ama aan sameyn doonin falal isir sifayn ah oo aan ku aragnay galbeedka. Tigray  ay ka baaxan gebi ahaanba ayuu yidhi.

Diblamaasiga sare ee Maraykanka, waxa kale oo uu sheegay in saga oo tixraacaya warbixinno aad loogu kalsoon yahay oo ku saabsan tacaddiyada iyo xuquuqda aadanaha ee socda, uu ku baaqay in baadhitaan madax-bannaan lagu sameeyo wixii meesha ka dhacay.

Sidoo kale loo baanahanyahay dib-u-heshiisiin si dalku hore ugu socdo xagga siyaasadda, ayuu raaciyay.

 

“Waxaan leenahay, sidaad ogtihiin, ciidamo ka socda Eretria oo halkaas jooga, waxaanna leenahay ciidammo ka socda gobol Ethiopia ah oo ku dhow, waa Axmaarada joogta. Waxay u baahan yihiin inay soo baxaan, ayuu yidhi, Antony Blinken.

 

Hase yeeshee Saraakiisha gobolka Amxaarada ee Ethiopia, ayaa diiday eedeymaha ku saabsan in ciidamadoodu ay ku lug leeyihiin xasuuqa iyo isir sifeynta ka socta gobolka Tigray ee dalka Ethiopia tan November 2020, markii duulaanka millateri lagu qaaday maamulkii gobolkaa ee maxaliga ahaa.

afhayeenka Amxaarada Gizachew Muluneh oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP khamiistii, ayaa beeniyay wararka sheegaya isir sifeynta iyo barakicinta ballaadhan ee gobolka Tigray, wuxuuna ku tilmaamay dacaayad.

Toddobaadkii la soo dhaafay, saraakiisha Tigray waxay ku eedeeyeen xoogagga ka soo horjeeda ee deriska la ah, sida Amxaarada inay kumanaan dad ah ka qixiyeen dhulka galbeedka Tigray, halkaas oo ah qayb ka mid ah gobolka Tigray oo qowmiyada Amxaarada ay sheegtaan inay iyagu xaq u leeyihiin.

 

“Tiro yar oo Tigray ah ayaa laga yaabaa inay barakiciyaan, tiro yarna, maaha bara-kicin iyo isirsafayn, ayuu dooday Gizachew oo ah Afhayeenka u hadlay gobolka Amxaarada.

 

 

“Kumanaan rayid ah ayaa la xasuuqay, boqolaal kun oo kale si xoog ah ayaa looga barakiciyay guryahooda, Adeegyada shacabka iyo kaabayaasha dhismayaasha oo si nidaamsan loo burburiyay, ”ayaa lagu yiri bayaan uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka Getachew Reda oo kamid ah hoggaamiyaasha baxsadka ah ee Tigray.

 

“In kasta oo aan si xishood la’aan ah looga mudaaharaadayo dembi la’aanta,  iyada oo si ballaadhan loo ballanqaaday in loo oggolaado gelitaanka hay’addaha bani’aadamnimada iyo baadhitaanka caalamiga ah ee eedeymaha, nidaamka Abiy Ahmed iyo kaaliyayaashiisu waxay noqdeen kuwo ay kordhayaan dambiyada ka socda oo noqonaya denbiyo dagaal iyo dambiyada ka dhanka ah aadanaha toddobaadyadii iyo maalmihii la soo dhaafay.” Ayuu yidhi.

 

Dhinaca kale, Diblamaasi sare oo Ethiopian ah, ayaa Arbacadii ka tegey shaqadiisii Washington,  isagoo ka walwalsan xasuuqa laga soo sheegayo Tigray.

Berhane Kidanemariam, oo soo ahaan jiray ku-xigeenka safiirka safaarada Ethiopia ee Washington, ayaa ku canaantay Abiy inuu yahay hoggaamiye aan taxaddar lahayn oo kala qaybinaya dalkiisa