Araweelo News Network.

 

Kismaayo(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa soo gebagebeeyay booqashadiisa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka jubaland ee Soomaaliya.

Rooble, ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, masuuliyiinta heer dowlad goboleed iyo bulshada reer Kismaayo soo dhaweynta ay ku qaabileen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna kula dardaarmay in wadajir looga wadashaqeeyo qabsoomidda doorasho hufan oo lagu wada qanacsan yahay.

“Safarkaygan waxa uu ku saabsan yahay doorashooyinka iyo habraacooda, Jubbaland waa deegaankii ugu horreeyey ee an ka bilaabayo, waxaanna mari doonaa dhammaan magaalooyinka kale ee ay ka dhacayso doorashado, sida Baydhabo, Marka, Jowhar iyo Beladweyne, Dhuusamareeb, Gaalkacayo, Garoowe iyo Boosaaso.”ayuu yidhi, Ra’iisal wasaare Rooble oo ka hadlayay ujeedada safarkiisa xilligan iyo magaalooyinka kale ee u qorshaysan inuu booqasho ku maro.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda ayaa inta uu ku sugnaa Kismaayo kulammo la qaatay Odayaasha dhaqanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, isagoo sidoo kale ka qayb galay kulan Gollaha Wasiirrada ah ee heer Dowlad-goboleed ee Jubbaland.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa u amba baxay magaalada Garbahaarreey ee Gobolka Gedo, halkaas oo uu kuur galayo u diyaar garowga amni iyo siyaasadeed ee marti gelinta magalaadas ee doorashada oo la doonayo in ay ku yeeshaan kuraas Gollaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Booqashada, ayaa ahayd markii labaad ee uu booqdo jubaland tan iyo markii  xilka loo magcabay September 2020., isagoo Jul 7th, 2021, sida n oo kale ku tegey booqasho magaalada Kismaayo ee maamulka Jublanad si uu hawlaha doorashooyinka dadban oo ay xukuumadda isku maandhaafeen dhawr goor maamulkaa  ugala xaajoodo.

AKHRI: Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Booqashadii U Horaysay Ku Tegey Kismayo Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com