Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Sun, May 7th, 2017

Somalia: Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Fariin U Diray Dhalinyaradda

Araweelo News Network

Muqdisho(ANNh-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb Kulan looga wada tashanayey sidii loo sameyn lahaa siyaasad mideysan oo dhalinyarada hagta, kaas oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo munaasabadda ka hadlay ayaa iftiimiyey muhiimadda uu dhalinyarada u leeyahay barnaamijkani, isagoo xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo muhiimad gaar ah ay siineyso horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

‘’Dhalinyaradu waa udub dhexaadka dawladnimada Soomaaliyeed. Horumar kasta oo aan hiigsaneyno waxaa hormuud u ah dhalinyarada, maanta waxaan haysanaa fursado dahabi ah oo aan gacan uga geysan karno dib-u-dhiska iyo soo celinta sharaftii iyo karaamadii ay Soomaaliya lahayd’’,ayuu yidhi R/Wasaare Kheyre.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaruhu xusey in caqabadaha ugu weyn ee dhalinyarada Soomaalida soo wajahey muddooyinkan dambe ay ka mid ahaayeen falalka argagixisada iyo dhibaatooyinka kale ee soo biiray, kadib, dawlad burburkii Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ka hor waxaa Iyana halkaasi hadal ka jeedisey Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Federaalka , Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye. Munaasabadda ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb galey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a website based in Somaliland. Arraale is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 <https://web.whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp