“Wixii Awoowayaasheen diideen ninbaa intuu seled ku qaatay Baddii Somaliland Ethiopia sheer kaga galay Ethiopia.” Halgamaagii weynaa Col. Ahmed Mire

Araweelo_News_Network.

London(ANN)-Col. Axmed Mire Maxamed Nuux oo ahaa Halgamaa weyn, isla markaana ahaa sarkaalkii hoggaaminayay dagaalkii is miidaaminta ahaa ee qayb ka mid ah dagaalyahankii SNM kusoo galeen Magaalada Burco 27 May 1988, oo xilligaa dhaawac culus kasoo gaadhay, ayaa ka digay heshiiska Ethiopia ee Madaxweynaha Somaliland ugu saxeexay Badda Cas.

Col. Mire oo xilligan ku sugan dalka Britain, wuxuu sheegay in aannay arrintaasi ahayn mid la aqbli karo oo shacbiga Somaliland xusuusinay 1988, wuxuu tilmaamay in aannu marnaba ka gabanayn sidii aannu hore uga gaban inuu dadkiisa iyo dalkiisa xoreeyo oo uu ugu soo badheedhay baaxadii Millateri ee Taliskii Siyaad Barre.

“Markii ragga maanta waxan samaynayaa ku dhici waayeen in dalka la xoreeyo, waanagii ciidanka kusoo hoggaaminay Burco ee hadhka galay usoo badheedhnay, maantana ka gabanmayno inaan ummadda ka badbaadino halista, waana waajib xaq ah” ayuu yidhi, Muj. Axmed Mire.

Waraysi uu siisay Telefishanka maxaliga ah ee SAABTV, ayuu Col. Axmed Mire kaga hadlay arrimahaa iyo kuwo kale, isagoo tilmaamay in annay wax fudud ahayn in Badda Somaliland layska bixiyo.

Gollayaasha Somaliland ayuu ugu baaqay innay si deg deg ah isuga yimaadaan, “wixii hore u dhacay waynu ogayn, kuwa maanta SNM sheegayana ee dalka xukumayaa maaha SNM, qaarna waa iska soo galeen, Magacii SNM waa la baabiyay Ninam’baa madaxa ku duubtay, wixii awoowayaasheen diideen ninbaa intuu seled ku qaatay Baddii Somaliland Ethiopia sheer kaga galay Ethiopia.” ayuu yidhi, Col. Ahmed Mire.

 

Halkan ka Dhegeyso Col. Axmed Mire.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com