Maceeshada, Shidaalka Iyo Gaadiidka Dadweynaha Oo Si weyn Kor Ugu Kacday Iyo Xukuumadda Oo Indhaha Ka Qarsanay Dareenka Bulshada

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Dhawaaqyo lagu diidanyahay duruufaha ka dhashay kor u kaca masheecada, shidaalka, gaasta iyo gaadiidka dadweynaha, ayaa isa soo taraya maalmihii u danbeeyay, iyadoo bulshadu si weyn dareentay xilligan.

Muuqaal mid ka mid ah istaamada Basaska ee Magaalada Hargeysa, 16 Feb 2022, Image Araweelo News Network

Qiimaha shidaalka iyo maceeshada ayaa dhowaan la kordhiyay, iyadoo laga soo bilaabo August 2021, ugu yaraan saddex jeer la kordhiyay qiimaha shidaalka, gaasta la shito iyo maceeshada.

Laxidhiidha: “Dhibaatada ugu weyni waa shirkadda Trafigura oo shidaalkii Haamaha diiday,,,,”Xildhibaan Maxamed Abiib

Arrimahan ayaa kusoo beegmay, iyadoo dalka ay deegaamo baddan abaar ba’an ay ka jirto, isla markaana dadka deegaamada Bariga ugu yaraan laba qof todobaadyadii lasoo dhaafay haraad iyo macaluul u dhinteen. sidoo kale, nollosha, ayaa sii adkaanay xilligan lagu jiro oo ay sii korodhay saboolnimada, shaqo la’aanta, isla markaana nollosha Bulshadu kusii socoto dabaqad yar oo dheregtay iyo dabadaq nolosha la baaxa degay oo maalinba maalinta ka danbaysa xaalkoodu yahay maqadaa ma dhergaan.

Laxidhiidha: Qiimaha Shidaalka Oo Kor Kacay Iyo Xildhibaan Ku Tilmaamay Qorshe Shacabka Lagu Baadhanayo

Dhibaatooyinka sicir bararka Somaliland, ayaa inta baddan aan ahayn kuwo xidhiidh la leh suuqyada iyo sayladdaha caalamka, balse waa go’aamo kasoo fula kooxo ganacsato ah iyo xukuumadda oo aan ka madhnayn doorka ay ku leedahay mushkiladdaha dhaqaale ee dalka.

Cabashooyinka arrimaha maceeshada iyo shidaalka kor u socda ee bulshada ka yimaada maaha kuwo ay xukuumaddu si waaqaiya uga fal celiso, waxayna dad baddan jawaabaha aan caqliga baddan ku dhisnayn ee kasoo yeedha masuuliyiinta ka hadla arrimaaha bulshadu u fasirtaan in aannay ahayn masuuliyiinta xukuumaddii ay doorteen ee ay yihiin afhayeeno qiil u raadinaya dhibaatooyinka taaggan.

Laxidhiidha: Somaliland: Qiimaha Maceeshada Oo Si Weyn U Kordhay Labadii Billood Ee U Danbeeyay

Hase yeeshee xilligan waxa muuqata in dareenka bulshada oo ay dhibaatadu wada taabatay si weyn uga fal celinayaan, iyadoo ay dhawaaqyada ku waajahan arrimahaa iyo dareenka bulsahdu yahay mid isa soo taraya, isla markaana xildhibaan ka mid ah golalha wakiillada ee dhowaan la doortay ayaa isagu ku baaqay in shacbigu isugu soo baxaan maalinta beri Khamiista 17 Feb 2022, dhimaha Baarlamaanka Somaliland oo kasoo horjeeda afaafka qasriga Madaxtooyadda.

Xildhibaan Xasan Laab-saalax, wuxuu dhawaaqiisu qayb ka yahay dhawaaqyo kale oo si weyn ugu faafay baraha bulshada saddexdii maalmood ee u danbeeyay, kuwaas oo la doonayo in si dhab ah looga jawaabo mushkilada sicir bararka ee saameeyay gebi ahaanba nolosha Bulshada Somaliland, iyadoo xukuumadda Madaxweyne Biixi u muuqata in ay dhegaha ka furaysatay dareenka iska soo taraya, isla markaana indhaha ka qarsatay, taas oo sababtay in qaybo baddan oo bulshada ka mdi ah ay xilligan u arkaan in xukuumadda iyo ganacsatadu heshiis ku yihiin keliya sida loogu ciqaabo shacbigooda nollosha.

Laxidhiidha: “Foostada Shidaalka Iyo Maceeshadu Awaare oo Ethiopia ah ayay kaga jaban yihiin Somaliland oo leh Deked Caalami ah” Xisbiga UCID

Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata dooddaha jaban ee qiilka u samaynaya arrimahan in aannay ahayn muwo xilligan maraya dhegaha bulshada, sidaa awgeed waxa waajib ah in xukuumaddu si dhab ah u waajahdo ka hor inta aanay sida fuulkaanaha u qarxin oo aan siyaabo siyaasadeed iyo ujeedooyin guracan looga faa’idaysan ee aannay xaaladdu faraha uga bixin.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com