Araweelo News Network
silanyoHargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo), ayaa soo saara Digreeto uu ku cayimay xiliga Diiwaangelinta codbixiyayaasha laga bilaabayo dalka.

Sidaana waxa lagu shegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa Afhayernka Madaxtooyadda Xuseen Dayr.
Qoraalka, ayaa u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/DEC/249-3756 /012016 ku mudeeyey wakhtiga Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto.

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastruurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 28aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007

Qoraalka Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay GDQ/XK/498/2016, kuna taariikhaysan 02/01/2016, ujeeddadiisuna tahay Codsi Ku-dhawaaqidda Wakhtiga La Bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyayaasha;
Wuxuu go,aamiyay In Diiwaangelinta Codbixiyayaashu ay dalka ka bilaabmi doonto Gobolka ugu horreeya oo ah Gobolka Togdheer, taariikhdu marka ay tahay 16/01/2016.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380