Share this:

" />
Published On: Tue, Apr 2nd, 2019

Somaliland: Dublamaasiyiin Ka Socday Dalalka Yurub Oo Kulan Saacado Qaatay La Yeeshay Madaxweynaha Iyo Arrimaha Lagaga Hadlay

Smiley face

Hargeysa(ANN)-Dublamaasiyiin ka socday dalalka Yurub iyo xubno kale oo ah Wakiilo Midawga Yurub, ayaa booqasho ku yimi maanta Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo la kulmay Safiiro ka socda Dalalka Denmark, , Midawga  yurub, Ingiriiska, Sweden, Norway, Finland, Switzerland iyo dublamaasiyiin kale. 2, April 2019, Hargeysa Somaliland,
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo la kulmay Safiiro ka socda Dalalka Denmark, Midawga yurub, Ingiriiska, Sweden, Norway, Finland, Switzerland iyo dublamaasiyiin kale. 2, April 2019, Hargeysa Somaliland,

Wefdiga, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo xafiiskiisa ku qaabilay, waxayna xubnaha wefdiga oo isugu jiray safiirro ka socda dalalka Denmark, Switzerland, Finland, Norway, Sweden, Britain,  Safiirka Midawga Yurub iyo saraakiil kale kulan saacado qaatay la yeesheen Madaxweynaha oo ay ku wehiyeen kulankaa Madaxweyne ku xigeenka iyo xubno wasiirada xukuumadda ka tirsan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo la kulmay Safiiro ka socda Dalalka Denmark, , Midawga  yurub, Ingiriiska, Sweden, Norway, Finland, Switzerland iyo dublamaasiyiin kale. 2, April 2019, Hargeysa Somaliland,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo la kulmay Safiiro ka socda Dalalka Denmark, Midawga yurub, Ingiriiska, Sweden, Norway, Finland, Switzerland iyo dublamaasiyiin kale. 2, April 2019, Hargeysa Somaliland,

Kulankankaa oo aanay saxaafadu goob joog ka ahayn, ayaa lagaga hadlay arrimo la xidhiidha doorashooyinka, mashaariicda caawimooyinka oo dalalkaa qaarkood ka wadaan Somaliland, xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo arrimo kale.

 Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Maxamuud Yaasiin Xiir (Faratoon) oo markii kulankaasi soo dhammaaday saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay inuu kulankaasi ahaa mid is fahan iyo afkaar isweydaarsi salka ku hayey, dhammaanba wixii la isla soo qaadayna meel fiican la isla dhigay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Weftigu waxa ay u yimaaddeen inaannu is weydaarsanno afkaar ku saabsan arrimaha badan ee mandaqadda ka jira iyo xidhiidhka Somaliland iyo dalalkaasi ay leeyihiin sidii hore loogu marin lahaa, la isu xog-ogaalsan lahaa, la isuna dhaafsan lahaa wixii macluumaad ah iyo wixii afkaar ah ee loo baahan yahay in laga wada-hadlo, haddii ay siyaasad tahay, haddii ay dhaqaale tahay, haddii ay gargaar tahay iyo haddii ay nabadgelyo tahayba, dhinac walba waa laga wada-hadlay si wanaagsanna waa la isugu afgartay dhammaan arrimihii laga wada hadlay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo la kulmay Safiiro ka socda Dalalka Denmark, , Midawga  yurub, Ingiriiska, Sweden, Norway, Finland, Switzerland iyo dublamaasiyiin kale. 2, April 2019, Hargeysa Somaliland.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo la kulmay Safiiro ka socda Dalalka Denmark, Midawga yurub, Ingiriiska, Sweden, Norway, Finland, Switzerland iyo dublamaasiyiin kale. 2, April 2019, Hargeysa Somaliland.

Ambassador mette Knudsen oo ah safiirka waddanka Denmark oo iyaduna halkaas hadal ka jeedisay, ayaa hoosta ka xarriiqday inay wefti ahaan kulan midho dhalay la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, iyada oo tilmaantay  inay madaxweynaha kala hadleen muhiimadda ay leedahay  ilaalinta sumcadda ay Somaliland ku leedahay dunida ee dhinaca doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda, islamarkaana uu madaxweynuhu u muujiyey sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinku ku qabsoomaan xiliga loo qorsheeyey.

Sidoo kale, waxa ay safiirku sheegtay in waxyaabihii kulanka diiradda ku saareen ay kamid ahaayeen xaaladda bani’aadamnimo ee ay sababeen abaaraha ka jira gobollo kamid ah dalka Somaliland ka taagan iyo barnaamijyada dhinaca horumarka ee dalalka reer yurub ka wadaan dalka Somaliland.

Ambassador Mette Knudsen, waxa kale oo ay sheegtay in arrimaha ay kala hadleen wada hadalada Somaliland iyo Somalia.

Wefdiga la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland eek a socday Dalalka Denmark, Midawga  yurub, Ingiriiska, Sweden, Norway, Finland, Switzerland iyo dublamaasiyiin kale. 2, April 2019, Hargeysa Somaliland.
Wefdiga la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland eek a socday Dalalka Denmark, Midawga  yurub, Ingiriiska, Sweden, Norway, Finland, Switzerland iyo dublamaasiyiin kale. 2, April 2019, Hargeysa Somaliland.

Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Mudane Sacada Cali Shire iyo Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac.

Dhinaca Xubnaha weftigu waxay kala ahaayeen: Safiirka Denmark, Amb. Mette Knudsen, Safiirka midawga yurub Pencho Garrido Ruiz, Safiirka dalka Ingiriiska Amb. Ben Fender, Safiirka Dalka Sweden, Amb. Andreas Von Uexkull, , safiirka Dalka Norway, Amb. Elin Bergithe Rognilie  oo ay wehelinayeen masuuliyiin ka socday safaaradaha dalalkaas iyo madax sare oo iyagu ka socday dalalka Finland iyo Switzerland.

About the Author

- Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Smiley face Smiley faceSmiley faceSmiley face Smiley face Smiley face Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp