Araweelo News Network.

 

 

Hargeysa(ANN)-Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, ayaa maanta lagu qabtay munaasibad sagootis ah oo dalka Taiwan loogu gelbinayay dhalinyaro deeq waxbarasho ka heshay dalkaa, kuwaas oo si toos ah uga anbaxabay dalkooda si ay uga faa’idaystaan deeqda waxbarasho.

Munaasibada loo qabtay dhalinyaradaa, ayaa ahayd mid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ku sagootinayay kooxda dhlinyarada ah oo ahaa 33 (Saddex iyo soddon).

Qoraal kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in kooxda dhalinyarada ah ee munaasibada sagootiska ah loo sameeyay ahaayeen Arday oo ku guulaystay tartan loo galay deeqda waxbarasho ee dalka Taiwan siiyey Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sida lagu xusay qoraalka Kulankan sagootiska ah ee ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah gollaha wasiirrada, madaxa guddida tacliinta sare ee Somaliland, safiirrada Somaliland iyo Taiwan u kala fadhiya labada dal, Ardayda ku guulaysatay deeqda waxbarasho iyo waalidiintooda, waxaana laga jeediyay hadallo  dardaaran iyo dhiirigelin ah oo ku waajahnaa Ardayda.

 

Safiirka Taiwan u qaabilsan dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Amb. Allen Chenhwa Lou oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan iyo qiimaha ay leedahay deeqda waxbarasho ee Ardaydan la siiyey, waxana uu kula dardaarmay xubnaha guulaystay inay ka faa’iidaystaan fursaddaas la siiyay oo aannay dayicin.

 

Axmed Siciid Cige oo ku hadlay magaca waalidiinta Ardayda deeqda waxbarasho heshay, ayaa si weyn uga mahadnaqay deeqda Ubadka la siiyey, waxana uu ku adkeeyey inay kasoo dhalaalaan doorkooda ku aaddan waxbarashada lacag la’aanta lagu siiyey.

 

Cabdiraxmaan Xuseen Muuse oo ku hadlayey magaca Ardayda deeqda waxbarasho heshay oo halkaas ka hadlay, ayaa soo dhaweeyey fursadda la siiyey, waxana uu ballan qaaday inay arday ahaan ka go’an tahay sidii ay fursaddaas uga midho dhalin lahaayeen.

 

Wasiirrada wasaaradaha Waxbarashada iyo Sayniska iyo Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) iyo Dr. Ciise Keyd Maxamuud, ayaa iyaguna si isku mid ah ula dardaarmay Ardayda waxbarashada u baxaysa, waxana ay ku dhiirrigeliyeen inay noqdaan safiirro metelaya qarankooda, deeqda la siiyeyna guul kasoo  hooya.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo kulanka sagootinta ah soo gebogebeeyey, ayaa bogaadiyey ardayda ku guulaysatay deeqda waxbarasho, waxana uu kula dardaarmay inay noqdaan kuwa ka faa’iidaysta deeqda la siiyey, una dhabar-aradayga caqabadaha ay kala kulmi doonaan dalka ay tegayaan oo ah mid ay isku cusub yihiin.

 

Madaxweynuhu waxa uu Ardayda la wadaagay khibraddiisa la xidhiidha waqti hore oo uu deeq waxbarasho ka helay dal dibadeed, waxana uu tilmaamay inay da’adoodii ku dedaaleen inay jiilasha dambe uga tagaan wax la taaban karo oo dhaxal ah,“Annaga da’adayada waaweyni dedaalkayagii wixii aannu la kulannay halkaas ayaanu idin soo gaadhsiinnay, idinkana waxa la rabaa inaad halkaas ka qaaddaan, Insha Allaahu fogaan mayso inaad ka sheekaysaan in madaxweyne iyo wasiirro idin waddaceen maanta, idinkoo nolol wanaagsan gaadha, waxbarashaduna waa qori isu dhiib,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Gebagebadii  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu madasha ka ballan qaaday inay xukuumaddu tigidhada diyaaradaha ka bixinayso Ardayda qayb ahaan iska bixinaysa deeqda waxbarasho, waxana uu yidhi,“Dhammaan Ardayda deeqda waxbarasho qayb ahaan iska bixinaysa (Partially scholarship) tigidhadooda dawladda ayaa ka bixinaysa.”Madaxweyne Biixi.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.