Hargeysa(ANN)-Dugsiyada Sare iyo Hoose Dhexe ee Nuuradiin, ayaa weli safka hore kaga jira natiijada Imtixaanada Dalka Somaliland, kadib markii shalay lagu dhawaaqay natiijada Imtixaannada dalka oo dhan.


Munaasibad Dugsiyada Nuuradiin ku muujiyeen farxada guusha ay soo hooyeen ee Ardayda ugu saraysay Dugsiyada Sare ee Nuuradiin iyo Hoose/Dhexe, ayaa lagu shaaciyay magacyada 10-ka Arday ee ka galay kaalmaha ugu sareeya Dugsiyada Sare ee Nuuradiin iyo Dugsiyada Hoose/Dhexe ee Nuuradiin, kuwaas oo loo balanqaaday Abaalmarino ka baddan kuwii horre ay Nuuradiin ugu bixin jireen Ardayda ugu saraysa oo looga bartay Dugsiyada Nuuradiin dhiirigelinta noocaa ah iyo taageerada dedaalka waxbarasho ee Ardayda.


Maamulaha Dugsiyada Nuuradiin, Ismaaciil Maxamuud Cakuush oo ka hadlay arrintaa, ayaa sheegay in Dugsiyada Sare ee Nuuradiin oo ay Imtixaanka u fadhiisteen 829 Arday oo dhammaantood wada gudbeen marka laga reebo 6 Arday oo kala ahaa 5 Hablood iyo hal inan.


sidaa waxa sheegay Maamulka Nuuradiin oo ka hadlayay munaasibad lagu soo bandhigay guusha dugsiyadda Nuuradiin kasoo hooyeen Imtixaanada Dalka oo aan ahayn mid ku cusub Bulshadda Somaliland in Ardayda wax ka barata dugsiyada Nuuradiin oo sannad walba safafka horre iyo kaalmaha ugu sareeya ee natiijada imtixaannada dalka oo dhan mayalka u qabta.