Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Ergada dexdhexaadinta ee isku xilqaamay xalinta khilaafka siyaasadeed ee dalka ka aloosan, ayaa waajahay khilaaf kale oo ka kasoo dhexbaxay  iyaga iyo xubnaha Gollaha Guurtida ee furdaaminta khilaafka kala shaqayn lahaa.

Laxidhiidha: Ergada Dhexdhexaadinta Oo Ka Jawaabtay Qoraal kasoo Baxay Xukuumadda

 Kulankii u horeeyay ee ay xubnaha Ergada oo 24 ka kooban ay la yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka mid ah gollihiisa wasiirrada Salaasadii toddobaadkan, ayaa kulanka kaddib Arbacadii sheegay in Madaxweynuhu ka aqbalay arrinta ay u socdeen, balse uu hawsha dhexdhexaadinta ku riixay dhinaca gollaha Guurtida.

, Guddoomiyaha Ergada Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka mid ahaa koox Salaadiin iyo Culimo ah oo Salaasadii la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadlay qoraal ay Wasaaradda Arrimaha Guddaha Jamhuuriyadda Somaliland soo saartay Arbacadii oo ay ku sheegtay cidda isla leh masuuliyidda dhexdhexaadinta khilaafka ee ay hawshooda tahay.

Qoraalka wasaaradda arrimaha guddaha kasoo baxay Arbacadii, ayaa lagu xusay in Gollaha Guurtidu yihiin Hay’adda xaqa u leh ee shuruucda dalku u jidaysay in ay xaliso muranada sharci iyo kuwa Siyaasadeedba, sidaa awgeed Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, wuxuu saaka shirkan isugu keenay xubnaha Gollaha Guurtida ee geli doona xalinta Khilaafka sharci, kuwaasoo ka kooban 10 xubnood iyo siddeed oo xubnood oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland oo hore isu xilqaamay.

Laxidhidha: Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Albaabka Ka Furay Ergada Is Xilqaantay

Qoraalka kaddib waxa warbaahinta la hadlay Suldaan Dhawal oo sheegay inuu yahay guddoomiyaha Ergada, isagoo yidhi,“10 xubnood oo guurtida ah iyo Ergada halkaaa hore loogaga soo dhawaaqay oo 25 xubnood ah, tiradii hore ee kalsoonida la siiyayna waxay ahayd 30 xubnood, laakiin waxa jiray hawlo lagu kala habsaameen, waxanu wada fadhiisnaynaa maalinta Beri (Khamiista)”ayuu yidhi, Suldaan Dhawal oo warbaahinta la hadlay Arbacadii.

Odayaasha Ergada iyo xubnaha Guurtida ayaa kulankoodii u horeeyay waxay isla fahmi waayeen qaabka ay noqonay Ergada iyo tirada laga doonayo iyo sidoo kale cidda guddoomiye u noqnay, iyagoo dhinaca Guurtidu ku doodeen in ay xubnaha Ergada Odayaasha oo ku dhowaad soddemeeyo ah iska soo saaraan tobban xubnood, sidaana ay ku hawgalaan, iyadoo ergada ay hoggaaminay guurtidu.

Qoraalka Arbacadii kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Guddaha ee lagu sshaxeeyay magacyada xubnaha guurtida oo ka kooban toban xubnood iyo sideed xubnood oo Ergada is xilqaantay ah, ayaa xuddun u ah dooda guurtidu ku dabray Ergada Odayaasha Salaadiinta, waxayna tiradaasi ahayd qorshaha wasaaradda arrimaha guddaha qoraalkeeda lagu sheegay in ay hawsha dhexdhexaadinta gelayaan oo aan loo baahnayn tirada Ergada baddan ee is xilqaantay, sidoo klale qoraalka ayaa si cad loogu sheegay in sharciyan ay hawshan leeyihiin guurtidu, sidaa awgeed aannay ahmiyad weyn u lahayn xubnaha Ergada ee is xilqaamay dhanka xukuumadda, wallow ay arrintaa ganafka ku dhifteen Ergadu, iyagoo ku doodaya in aannay guurtidu wax kalsooni ah ka haysan labada xisbi mucaarad, balse iyagu ay yihiin cidda la siiyay kalsoonida.

Laxidhiidha: Maxay Iskula Furteen Kulankii U Horeeyay Madaxweyne Biixi Iyo Ergadu?

Sida ay ila wareedyo u dhuun daloola kulankaa u sheegeen shebekaddaha Araweelo News Network, waxay dooda caynkaasi noqotay mid aannay aqbalin aannay liqin Ergada dhexdhexaadinta ee Saaladiinta iyo Culimada ka kooban, kuwaas oo ku dooday in ay iyagu kalsooni ka haystaan labada xisbi mucaarad, sidaa darteed aan loo baahnayn in tiradood la dhimo, iyagoo sidooo kale ku dooday in ay hoggaaminta ergada iyagu leeyihiin. Laakiin xoggaha la xidhiidha arrinta ee ay Shebekaddaha Araweelo News Network u xaqiijiyeen ila wareedyadu, waxay sheegayaan in markii arrintaa laysku mari waayay loo balamay kulan danbe oo maalinta beri ee Sabtida, kaas oo la filayp in ay labada dhinac wax isla meel dhigaan, wallow aannay raja fiican ka muujinayn xoggaha kasoo baxaya labada dhinac.

Wixii kasoo kordha kala soco Araweelo News Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com