Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Gollaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta go’aammo kasoo saaray fadhigii toddobaadlaha ahaa oo ka qabsoomay qasriga Madaxtooyadda.

Fadhigaa oo uu guddoominaayay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Bixii Cabdi, waxaa ku weheliyay madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), waxaana lagaga hadlay mawaadiic kala duwan oo go’aammo laga soo saaray gunnaanadkii.

go’aammada oo ahaa kuwo muhiim ah oo ku saabsan qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland iyo dooddii ay Baarlamaanka dalka UK ay Salaasadii toddobaadkan ka yeesheen madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Fadhiga golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo laga soo saaray go’aamo lagu bogaadinayo dooddii xaqiiqda ku fadhiday ee Baarlamaanka UK ka yeesheen qaddiyadda Somaliland, ayaa waxa halkaas ka akhriyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxana uu golluhu go’aamiyay qodobadan:

> Golluhu wuxuu mahad-naq u diray Baarlamaanka Dalka UK, isaga oo uga mahad-celinaya dooddii ku saabsanayd qaddiyadda Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

“Qaranka Somaliland waxa uu u mahadnaqayaa Barlamaanka Dalk UK, isaga oo ugaga mahadcelinaya dooddii ku saabsanayd qaddiyadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ay ku qabteen gurigooda Barlamaanka ee ajandaha Barlamaanka ku jirtey, si waafi ah oo run ah oo xaqiiqo ahna ay uga warrameen, dadka UK-na ay u muujiyeen.

Golluhu waxa uu si gaar ah ugu mahad-naqayaa Xildhibaanadii sida weyn u taageeray in Somaliland xaq u leedahay in la aqoonsado oo uu ugu horreeyo xildhibaan Gavin williamson.

“Waxaannu si gaar ah ugu mahadnaqaynaa xildhibaannadii sida weyn u taageeray qaddiyada Jamhuuriyadda Somaliland, soona jeediyey inay waajib ku tahay caalamka in la aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale waxaanu si gaar ah ugu mahadnaqaynaa xildhibaannadii golaha keenay doodda Somaliland iyo xildhibaankii hoggaaminayey, Mudane Gavin Williamson

> Golluhu waxa uu mahad-naq u jeediyey Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka UK oo mar kasta kaalin muhiim ah ka qaata dar-dargelinta qadiyadda Somaliland.

“Somaliland, qaran ahaan waxay u mahadnaqaysaa dhammaanba jaaliyadaha reer Somaliland, gaar ahaan jaaliyadda reer UK oo si gaar ah arrintan xil isaga saaray, dedaal dheeraad ahna muujiyey.”

> Golluhu waxa uu baaq u diray dhammaan Jaaliyadaha Somaliland ee ku dhaqan caalamka intiisa kale iyo muwaadiniinta Somaliland ee dalka joogtaba in ay difaacaan qaddiyadda Somaliland iyo hawlaha ictiraaf raadinta ee socda, kuna difaacaan Af iyo qalinba.

“Qaran ahaan waxannu u mahadnaqaynaa cid kasta oo Jamhuuriyadda Somaliland u geysatay taageero siyaasadeed, mid dhaqaale  iyo mid aqooneedba, dawladda Somaliland iyo shacabkeeduna waxay ka midaysan yihiin inay wax kasta u huraan  madax bannaanida iyo helidda aqoonsiga qarankooda, waddo kasta oo ay u marayaan iyo culays kasta oo ay ku kacayso”

> Golluhu wuxuu shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan ugu baaqayaa inay u guntadaan sidii looga midho dhalin lahaa qaddiyadda  madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland,

“Dhammaanba shacabka reer Somaliland ee dalka joogay ee sida weyn dareenkooda ula qaybsaday dooddii ka socotay Baarlamaanka UK iyo jaaliyaddii reer UK ee hawshaas qaybta ka ahaa iyo dhammaanba ciddii ka qayb qaadatay hawshaas waanu uga mahadcelinaynaa, wuxuununa shacabka Somaliland ku boorrinayaa inuu u guntado hawl kasta iyo culays kasta oo ay ku qaadanayso inay u midoobaan oo ay u guntadaan qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.”

> Goluhu wuxuu ugu baaqay shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka dibaddiisa innay samayeen hal  Milyan oo saxeex (Petition) oo ay dunidda kaga dalbanayaan xaqooda helitaanka ictiraaf caalami ah oo ay adduunka ka helaan,

“Dhammaanba shacabka reer Somaliland ee dalka jooga ee sida weyn dareenkooda ula qaybsaday dooddii ka socotay Baarlamaanka UK iyo jaaliyaddii reer UK ee hawshaas qaybta ka ahaa iyo dhammaanba ciddii ka qayb qaadatay hawshaas, wuxuuna shacabka Somaliland ku boorrinayaa inuu u guntado hawl kasta iyo culays kasta oo ay ku qaadanayso inay u midoobaan oo ay u guntadaan qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.”

> Golluhu waxa uu digniin culus u diray dawladda Muqdisho ee caadaysatay farogelinta qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

“Golluhu wuxuu uga digayaa dawladda Muqdisho oo hadda bilowday weerar qaawan oo ay ku qaadayaan xubnihii Baarlamaanka ee hawshaas galay, waxa aanu u sheegaynaa dawladda Muqdisho ee hawshaas ka talinaya in waxaasi sii kordhinayaan nacayb, kala fogaansho iyo colaad dheeraata oo aad ku beeraysaan Soomaalida gudaheeda, Somaliland-na maaha mid ay cidi ku qasbi karto inay noqoto madax-bannaanideeda iyo masiirkeeda, horena way ugu muujisay naf iyo maalba, haddana waa u diyaar”.

Dhinaca kale gollaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu warbiximo ka dhegeystay wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, arrimaha gudaha, waxa kale oo golaha uga warbixiyey xaaladda Abaareed ee dalka  madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida gurmadka Abaaraha.

Ugu danbayntiina golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay dood dheer ka dib cod gacan taaga ku ku ansixiyeen Qabyo Qoraalka Xeerka Qaxoontiga iyo Magangelyo doonka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay soo wada diyaariyeen xafiiska garyaqaanka guud iyo hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland xeerkaasi oo ujeedadiisu ahayd in la helo nidaam lagu maamulo dadka qaxootiga ah, iyo in la dejiyo hannaanka lagu ogolaanayo dadka qaxootiga ah ee dalkeena soo gala.

Sidoo kale Golluhu waxa uu ansixiyey Siyaasada Qaran ee Maamulka Dhulka oo ay soo wada diyaariyeen xafiiska garyaqaanka guud, Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyeynta iyo wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, ujeeddada laga lahaa siyaasadaasina waxay ahayd in la helo hannaan si hufan loogu maamulo dhulka, looguna kala xadeeyo dhul daaqsimeedka iyo dhulka beeraha ah, sidoo kalana lagu habeeyo maamulka iyo qorshaynta dhulka magaalooyinka.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com