Araweelo News Network.

Wasiirka Arrimaha Dibbeda Oo Ka Hadlay Safarkooda Ka Hor Intuu Aanay Soo Laaban

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayey oo booqasho ku tegey dalka Ethiopia, ayaa  maanta dalka dib ugu soo laabtay, iyagoo u muuqda in ay warbaahinta ka dhuumanayaan.

ALT: Araweelo News Network
Madaxweyne Biixi oo booqday magaalada Hawaas ee Koonfurta Ethiopia 18 jan 2022.

Weftiga ah ee uu hoggaaminayay oo booqasho qaadatay maalin ku tegey dalkaa, ayaa kulamo la yeeshay ra’iisal wasaare Abiy iyo masuuliyiin xkuumaddiisa ka tirsan, muddadii ay ku sugnaayeen Addis Ababa, waxay booqdeen  magaalada wershedaha iyo wax soo saarka caanka ku ah ee Hawaasa ee Koonfurta dalka.

 Madaxweyne Biixi iyo wefdigiisa ayaan si rasmi ah loo ogayn waxayabaha ay kala hadleen ra’iisal wasaaraha Ethioia  iyo ujeedada marti-qaadka  rasmiga ah ee xilligan  , waxayna wefdiga Madaxweyne Biixi oo maanta kasoo degay gegida diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport, iyadoo warbaahinta laga qadinayo.

Hase yeeshee Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud oo ka mida weftiga Madaxweyne Biixi, ayaa intii ay ku sugnaayeen Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia sharaxaad kooban ka bixiyay safarka.

Dr Ciise Kayd, ayaa waraysi uu siiyey laanta Afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da, ka jawaabay su’aalo dareenka bulshada Somaliland xagganaya oo la xidhiidha safarka Madaxweyne Biixi, maadaama safarkoodu ksuoo beegmay maalmo kaddib markii  warar laga soo xigtay warbaahinta caalamiga ah oo lagu daabacay January 5, 2022, (The National Interest org.) oo yaalaa lagag hadlo Danta Qaranka Maraykanka ee ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda.

warbixintaa oo uu qoray Michael Rubin oo ah aqoonyahan ka tirsan Machadka American Enterprise Institute oo inta baddan ka faalooda qalalaasaha Bariga Dhexe, Bariga Afrika, isla markaana ka mid ah khuburada ka tala bixisa siyaasada Maraykanka ee ku waajahan dunida, wuxuu warbixintaa ku sheegay in Xukuumadda Ethiopia ee uu ra’iisal wasaaraha ka yahay Abiy Ahmed qorshaynay in ay la wareegto Dekedda Saylac ee galbeedka Somaliland, isla markaana wuxuu ka digay khatarta ka dhalankarta damaca Abiy ee ku waajahan Saylac, isagoo tusaale usoo qaatay qarniyo hore oo ay Saylac u ahayd Deked waraabisa Magaalada Herer iyo meelo kale.

 Balse Wasiir Kayd, ayaa beeniyay jirintaanka Warka sdia weyn warbaahinta dunidu u qaadaa dhigtay ee ay ku sheegtay Xukuumadda Abiy qorshaynay sidii ay Dekedda Saylac u qabanlahayd.

Dr Ciise Kayd, ayaa sidoo  kale ka warbixiyey kulan dhex maray labada hogaamiye ee Jamhuuriyadda Somaliland  Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iissal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Cali.

 “Safarkani wuxuu ku yimi martiqaad rasmi ah oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ka helay raysal-wasaaraha dalka Itoobiya, waxa xilligan ku soo beegay Somaliland waxay ku jirtay doorashooyin bilihii la soo dhaafay, Itoobiyana waa tii dagaalo ka dhacayeen, markaa wakhtigan ayuunbaa noqday xilligii ugu haboonaa”ayuu yidhi, isagoo ka jawaabaya su’aal la xidhidiha ujeedada safarka ee xilligan.

wuxuu sheegay in ajandaha kulanku ahaa qodobo ku jaan-go’an xidhiidhka laba waddan.

“Waxaanu ka wada hadalnay danaha labada dal ka dhexeeya, sida wax isweydaarsiga, waxaanu ka wada hadalnay nabad-gelyada mandaqada, waxaanu ka wada hadalnay Dekedda Berbera isticmaalkeeda iyo tababaro iyo deeqo waxbarasho oo ay Itoobiya na siinayso”

Laxidhiidha: Somaliland: Socdaalka Madaxweyne Biixi Ee Ethiopia Iyo Su’aalaha Ka Dhashay

Dr. Kayd oo su’aal laga waydiiyey inay madaxda labada dal isla soo qaadeen wax ku saabsan dagaalka ka socda gudaha Itoobiya iyo sidoo kale inay wax iska bedeleen mowqifka somaliland ee ku wajahan xaalada dalkaasi waxa uu ku jawaabay;-

“wax alle wax ka jira ma jiraan, annagu mowqifkaygii ayaanu ka taaganahay dagaalada ka socda dalkaasi, waa wax dhexdeeda ah. Itoobiya gudaheeda waxa ka socda labada dhinac ee ay ka dhaxayso inay ka heshiiyaan ayaanu annagu jecelnahay, laakiinse wax na khuseeya maaha”

Dr Ciise Kayd, Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, waxa kale oo uu arragti shakhsi ah iyo qadiyad waxba kama jiraan ah ku tilmaamay warar laga soo xigtay warbaahinta caalamiga ah oo lagu daabacay January 5, 2022, (The National Interest org.) oo yaalaa lagag hadlo Danta Qaranka Maraykanka ee ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda, warbixintaa oo ka digtay inay Ethiopia  diyaarinayso dagaal ay ku soo qaado Somaliland, si ay u qabsato Dekedda Saylac.

Ma jirin wax tuhun ah oo arrintaasi la xidhiidha oo aan dawlad ahaan qabnaa “arrinta dekedda Saylac waa arragti uu qoray Nin wariye ah, wax allaale wax ka jiraa ma jiraan, arrin aan xaqiiqo ahayn”ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Dhinaca kale, Wasir Kayd, wuxuu sheegay in ay la kulmeen diblamaasiyiin, isagoo si gaar ah u xusay  Safaarada dalka Faransiiska ee Addis Ababa iyo Britain, balse ma sheegin waxyaabaha ya ka wada hadleen.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com