Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimah Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda JSL ayaa kala qaybgalay ururka Dadka Maqalka Naafada ka ah (Somaliland Deaf Association) xalflad qalin jabin ah oo ururkaasi ugu qabtay Hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa Arday dhamaystay tababarka xirfadda Computer-ka.

 Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa wax ka soo qaybgalay arday tiro badan oo maqalka naafo ka ah, waalidka ardayda tababarka qaatay, Hay’adda Qurbajoogga, Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska, Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha, Maamulka Gobolka Maroodijeex, Jaalliyadda Somaliland ee Australia, iyo sidoo kale qaarka mid ah ururada bulshada ee baahiyaha gaarka ah qaba ee Somaliland iyo martisharaf kale. Waxa fuliyay tababarka ardaydaas ururka SODA oo kaashaday Hay’adda Samafalka ABILIS ee Finland.

Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga Somaliland, Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) oo ugu horrayn u hambalyeeyay ardayda qalinjabisay, una mahad celiyay Gudida ururkooda iyo dhamman dhinacyadii tacab iyo taageeraba ku lahaa tababarka waxbarasho ee ay qaateen oo Hay’adda Abilis ku jirto; ayaa ugu baaqay Jaalliyadaha Somaliland ee wadamada kala duwan ee caalamka inay usoo jeestaan waxtarka iyo taakulaynta qaybaha bulshada baahiyaha gaarka ah leh ee Somaliland oo ay ka soo caawiyaan dhinacyada agabka iyo adeegyada waxbarasho, aqoonta, gaadiidka iyo baahiyaha kale ee ay qabanba si ay helaan xuquuqaha nololeed ee sida dadka kale ay iyagun u baahanyihiin. Guddoomiyuhu wuxu madasha kaga dhawaaqay in qorshe hawlweedka Hay’adda Qurbajoogga 2019 ee waafaqsan Qorshaha Horumarineed 2aad ee Qaranka uu qayb ka yahay Mashruuca “Qurbajoog Waxqabad Qaran”  oo ku saabsan in jaalliyado kala duwani soo maalgeliyaan waxqabado iyo baahiyo kala duwan oo dalka ka jira, dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, arrimaha bulshada ay ka midtahay daryeelka dadka baahiyaha gaarka ah qaba.   Dayaxweerar ayaa ka hadlay inay dhawaan Hay’addu soo bandhigi doonto noocyada waxqabad ee loo qorsheeyay Mashruuca Qurbajoog Waxqabad Qaran iyo Jaalliyadaha u xilsaaran oo qaarkood aan weli heshiisyadii isfahanka iyo iskaashiga (Cooperation Agreements) kala saxeexan Hay’adda, Wasaaraddo kala duwanna lala tashanayo si loo hagaajiyo hannanka isuduwideed iyo iskaashiga guud.

Guddoomiyaha Ururka Bulshada Maqalka Naafada ka ah, Mudane Khaalid Cali Xuseen, iyo xubnaha kale ee gudida ururkaas iyo ardayda qalinjabiyay laftooda ee ka hadlay xafladda ayaa dhammaantood ku dheeraaday baahiyaha tirada badan ee bulshada maqalka naafada ka ahi qabaan Somaliland dhinacyada waxbarashada, goobaha waxbarasho ee dawliga ah oo aanay joogin turjumaanno caawiya, laguna xisaabtamin baahidaas gaarka ah si ay ardayda dhagoolayaasha ah oo danyar u badani fursad waxbarasho u helaan, dugsiyada iyo xarumaha waxbarashada dhagoolayaasha oo aad u xadidan, adeeg ahaan hooseeya, gobollada qaarkood taageero la’aan awgeed hoos u dhac badani ku yimi ama soo xidhmayba, isla markaana aanay horumarsanayn.  Guddoomiyaha Ururka SAABIRIIN oo ah urur bulsho samafal Quraanka Kariimka ah bara dadka araga naafada ka ah, Mudane Liibaan Xuseen ayaa isaguna ka hadlay xafladda oo ugu baaqay qurbajoogga Somaliland inay ka soo caawiyaan qalabka loo yaqaan Braille-ka ee waxbarashada indhoolayaasha oo aanay dalka oollin mashiinada daabaca fartaas gebi ahaanba, sidoo kale kutubka Quraanka Kariimka ah ayaa aad looga baahanyahay dalka ayuu yidhi.

Mudane Xamse  Afyare oo ka tirsan Jaalliyadda Somaliland ee dalka Australia kana wakiil ahaa Guddoomiyaha Jaalliyadda oo ka hadlay xafladda ayaa halkaas  kaga dhawaaqay in Jaalliyadda Australia sannadkan uga faaiidaysanayaan fursadda xuska 18 May inay baabuur bas ah u iibiyaan dadka araga naafada ka ah ee gaar ahaan baranaya Quraanka Kariimka ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha, Mudane, Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Maroodijeex, Mudane Khadar Baaruud Cumar, iyo Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba ee Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska Mudane Abdi-shakuur Maxamuud ayaa dhammantood u hambalyeeyay ardayda qalinjabisay iyo waalidkoodaba, isla markaana tilmaamay in xukuumadda JSL siyaasad ka leedahay daryeelka iyo horumarinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba dhinacyada waxbarashada, fursadaha shaqo, isla markaana uu Madaxweynuhu miisaaniyadda ku daray. Kootada xagga fursadaha shaqo ee dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee xukuumaddu samaysay oo mashruucan shaqo qaran ee u dambeeyay la tixgeliyay ka qaybgalka dadkeennaas baahiyaha gaarka leh balse waxbartay ayaa ka mid ah siyaasadda fiican ee xukuumadda ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha.   

Mudane Xamse Afyare oo ka tirsan Jaalliyadda Somaliland ee dalka Australia kana wakiil ahaa Guddoomiyaha Jaalliyadda, madashaasna kaga dhawaaqay in Jaalliyadda Australia sannadkan uga faaiidaysanayaan xuska 18 May inay baabuur bas ah u iibiyaan dadka araga naafada ka ah ee waxbaranaya.

Gebogabadii, Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba ee Wasaaradda Waxbarashada & Sayniska Mudane Abdi-shakuur Maxamuud ayaa shahaadooyinkii tababarka guddoonsiiyay ardayda qalinjabisay, halka ay gudida iyo ardayda ururka bulshada maqalka naafada ka ahi iyaguna dhinacooda shahaadooyin guddoonsiyeen Agaasimaha Waaxdaas iyo xubno kale oo ay ku tilmaameen inay si hagar la’aan ah ula shaqeeyeen.