Araweelo News Network

 

Warbixinta Dabdamiska


Hargeysa (ANN)- Guddida Ganacsatada ee magaalada Wajaale ee Gobolka Gabilay, ayaa sheegay in ilaa 100 meheradood oo kuwa ganacsiga ah ku burburiyeen dab khasaare ballaadhan gaystay oo qaybo magaaladaas ka mid ah qabsaday nuskii dambe ee habeenkii Salaasada.
Sida ay Guddida Ganacsatada oo saxaafadda la hadlay shalay ay caddeeyeen, waxa dabku khasaare u gaystay meherado kala duwan oo isugu jiray dukaamo, bacad-layaal, bakhaaro, hudheelo iyo inta uu gacansigu ka kooban yahay oo dhan.
Guddoomiyaha Guddida Ganacsatada iyo Guddoomiyaha Guddida Horumarinta ee magaalada Wajaale, ayaa si gaar ah u tilmaamay in meheradaha gubtay ay lahaayeen dad dhallinyaro ah oo aan haysan dhaqaale raasamaal ah oo ay kaga soo kabtaan khasaaraha gaadhay, waxayna ugu baaqeen xukuumadda, ganacsatada waaweyn iyo qurbo-joogga Somaliland in laga wada shaqeeyo sidii loogu gurman lahaa, loona caawin lahaa dadka ay hantidoodu ku burburtay dabka qabsaday Wajaale.
Waxa kaloo khasaaraha dabkaas ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in hanti badan ay ku gubatay magaalada Wajaale, waxaannu yidhi; “Waxa ay dhibaato weyn ka dhacday Wajaale oo waxa gubatay xaafad danyar ah oo intii danyarta ahayda, toddobaatan guri iyo in ka badan, wixii xoolo hoos yaalayna way gubteen oo way shuf beeleen, nasiib-wanaag halkaas ciddi kuma dhiman.”
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aannu uga mahadnaqaynaa dab-damiska oo ka kala gurmaday Hargeysa iyo Boorama saddexdii habeenimo, waxa kaloo aannu u mahadnaqaynaa Ciidanka Booliska oo ilaa taliyahoodu ay si fiican isugu abaabuleen xakamaynta masiibadaas, xawaare degdeg ahna ayeyna ku gaadheen Wajaale.”
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale u mahadnaqay dadweynaha reer Wajaale oo uu xusay inay gacan weyn ka gaysteen sidii loo damin lahaa dabkaas qabsaday goobaha badan, isagoo tilmaamay in qof walba gacantiisa adeegsaday si uu doorkiisa ugu yeesho wax-ka-qabashada masiibada dabka ahayd.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland, ayaa caddeeyey in hal qof ku geeriyooday dab qabsaday guri ku yaal magaalada Gabilay gelinkii hore ee shalay, waxaannu yidhi; “Maanta (shalay) abaaro tobankii subaxnimo guri ku yaal magaalada Gabilay ayuu dab qabsaday, waxaanna ka tagtay hooyo dan-lay ah oo shan carruura ayey kaga tagtay guriga, mid ayaana ku dhintay oo ku gubtay, intii kalena way ka baxeen, waannu tacsiyadaynaynaa.”
Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa caddeeyey in la bilaabay baadhis lagu samaynayo sababta keentay dabka khasaaraha badan keenay ee qabsaday meheradaha ku yaal Wajaale.
“Waxa aan dadka ku baraarujinayaa had iyo jeerba waxa dhacda oo aynu horena u soo aragnay carruurta oo waalidku kaga tagaan guryaha oo marka maqaadiir timaad ee guryaha dab ka kacana ku dhimata, arrintaasna shacabka waannu uga digaynaa, waana khalad ee ha laga daayo, iyadoo qadarka Ilaahay halkiisa yahay,” ayuu yidhi Taliyaha Boolisku.
Taliyaha ayaa sidoo kale ka digay in la xidho, isla markaana meherado yaryar laga samaysto jidadka iyo waddooyinka goobaha ganacsigu ku badan yahay ee magaalooyinka Somaliland, waxaannu yidhi; “Waxa kaloo aan shacbiga reer Somaliland u soo jeedinayaa in meelaha gacansigu ku badan yahay aanay xidhin meelaha waddooyinka ah, waxaanan ku baraarujinayaa inay dawladda hoose kala qaybqaataan sidii waddooyinka loo banyan lahaa si haddii uu dab kale yimaad looga gurmado.”
Waxa kaloo khasaaraha dabkaas ka hadlay Badhasaabka Gobolka Gabilay, waxaannu yidhi; “Waxa halkaas ku burburay oo ku shuf-beelay hanti badan oo ay leeyihiin ganacsatada Jamhuuriyadda Somaliland ee degan Wajaale, runtii ganacsatada waxyeeladu soo gaadhay waxa aannu Ilaahay uga baryeynaa inuu cawad khayr qaba uu ka siiyo.”

 

Nuxurka Warbixin Ciidanka Dab-damisku ka soo saaray hantida ay badbaadiyeen
Warbixin kooban oo ay soo saareen Ciidanka Dab-damiska Jamhuuriyadda Somaliland xalay, ayaa lagu faahfaahiyey khasaaraha ka dhashay dab qabsaday qaybo ka mid ah suuqa magaalada Wajaale.
“Abaaro 2:45 AM ee abeenimo (habeenkii Salaasada) ayaa dabku ka bilaabmay sekado ka mid ah suuqaas, gaar ahaan xaga xigta xadka Somaliland iyo Itoobiya, waxaana meheradahaa la arkay iyadoo dabku is qabsaday, isla markaana uu gaadhay ilaa ku dhawaad kontameeyo meheradood oo aad iskugu dhaw, manay jirin cid ku dhex jirtay meheradahaa oo ilaalinaysay. Abaaro 3:30 am ayaa dadweynaha dabkaa arkay ku soo wargeliyeen Ciidanka Dab-damiska Degmada Wajaale, waxaana ciidanku isla markii lagu soo wargeliyay ay ka hawlgaleen dabkaa, una gurmadeen.
Suuqan ayaa ahaa mid aad u baaxad weyn, waxaannu ku fadhiyay cabbir ahaan dhul gaadhaya 100 mitir oo dherer ah iyo 40 mitir oo ballac ah, guud ahaana ahaa (140 Mitre Square).
Ciidanka Dab-damiska Wajaale oo hawlgalkaa ku jira ayaa u baahday gurmad dheeraad ah, waxaana u kala baxay Ciidanka Dab-demiska Hargeysa iyo Ciidanka Dab-demiska Boorama oo ka soo kala gurmaday magaalooyinka Hargeysa iyo Boorama, waxayna bilaabeen hawlgalka dabkaa iyadoo Ciidanka Dab-damisku hawlgal adag ka fuliyay sidii uu wax uga qaban lahaa dabkaas khasaaraha gaystay.
Xakamaynta dabkaas oo ahaa mid weyn ayaa qaatay saacado, waxayna ciidanku xakameeyay dabkaa Abaaro 8:00 subaxnimo ee saaka (shalay), waxayna ku dhawaayeen tirada meheradaha gubtay ilaa 90 Meheradood oo iskugu jiray kontameeyo meherado waaweyn ah iyo ilaa afartameeyo ahaa meherado yaryar.
Ciidanka Dab-damiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan hanti gaadhaysa ilaa 16 qasnadood oo ay ku jiraan mida ugu yar lacag ahayd $12,000 doollar, waxaana ay ahayd guud ahaan hantida uu ciidanku badbaadiyay $200,000 (laba boqol oo kun oo doollar), waxaa sidoo kale ciidanka dab-damisku badbaadiyay lacag ahayd Bir (shillinka Itoobiya) oo qaddarkeeduna ahaa (1,288,000 BIR). Dhanka kale, waxaa hantidaa ka weynayd oo ay ciidanku badbaadiyeen iyagoo Ilaahay la kaashanaya inay ka xakameeyeen in dabku ku fido suuqa intiisa kale oo ah suuq aad u weyn, hanti badana ay taallo,” ayaa lagu yidhi warbixinta uu soo saaray Ciidanka Dab-damiska Somaliland.
Sida warbixinta lagu sheegay, waxa hawlgalka lagula dagaalamay dabka qabsaday suuqa Wajaale ka qaybqaatay hawlwadeenno tiradoodu dhan tahay 102 dab-damiyeyaal ah, kuwaasoo isugu jiray 70 xubnood oo ahaa ciidanka Dab-damiska ee Hargeysa ka gurmaday, 12 xubnood oo ka gurmaday magaalada Boorama iyo 20 xubnood oo ka mid ah Dab-damiska Wajaale.
Waxa kaloo ay ciidanku sheegeen in hawlgalka lagula dagaalamay dabka qabsaday suuqa Wajaale ay dhaawacyo fudud soo gaadhay 18 xubnood oo Ciidanka Dab-damiska ah, kuwaasoo aannu dhaawacoodu ahayn mid halis ah.