Araweelo News Network.

 

Gebilay(ANN)-Gollaha deegaanka Gebilay, ayaa shaaciyay khilaaf u dhexeeya Maayarka, maalin kaddib markii uu booqday halkaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe oo kulan la yeeshay gollaha deegaanka ee cusub Sabtidii.

Booqashada Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaa ku weheliyay xubno ka mid ah Xisbiga, waxayna kulamo la yeesheen gollaha deegaanka Gebilay oo uu hoggaaminayo Maayar Maxamed Amiin iyo sidoo kale dhlinyarada Magaalada Gabilay.

Socdaalka Guddoomiye Faysal, ayaa lagu sheegay in Ujeeddadiisu la xidhiidhay barnaamij loogu yeedhay mid  Baraarujin ah oo maalmihii u dambeeyay guddoomiye Faysal  ka waday gobollada dalka, isla markaana uu kula kulmayay Maayarada dalka si uu ugu dhiirigaliyo shaqada ay u hayaan Bulshada.

Gudoomiyaha UCID, waxa Xarunta Dawladda Hoose ee Gabilay, ku qaabilay Maayarka Gabilay Maxamed Amiin, isagoo markaa kaddib kulamo la yeeshay dhlinyarada Magaalada, balse maalin kaddib in baddan oo ka mid ah xubnaha gollaha deegaanka ee Gebilay, ayaa shaaciyay khilaaf soo dhexgalay Maayarka.

Xubnahaa oo warbaahinta la hadlay Axadii, ayaa sheegay in uu jiro musuq-maasuq, isla markaana fadhi ay lahaayeen oo la doonayay in Maayarka lagula xisaabtamo uu xidhay, kaddib markii su’aalo lag weydiiyay xisaabo murugsan oo kasoo dhexbaxay la xisaabtanka intii ay ku jireen fadhigaa.

Kooxda warbaahinta la hadashay, ayaa ku eedeeyay Maayarka inuu xidhay fadhigii, isagoo aan wax jawaab ah ka bixin su’aalaha la xidhiidha arrimaha xisaabaadka ee mad-madawgu ka taagan yahay, waxayna carabka ku dhufteen in dhaqaale baddan oo dadka deegaanka wax loogu qaban laaha aan la ogayn sida loo maamulay dhawrkii bilood ee u danbeeyay. Sidaa awgeed waxay ku hanjabeen in aannay ka hadhayn ilaa ay meel saaraan xisaabta ka maqan miisaaniyada gollaha deegaanka Gebilay.

Khilaafka soo baxay xilligan ee soo baxay maalin kaddib booqashada guddoomiyaha xisbiga mucaaraadka ee UCID, ku tegey Gebilay, ayaa noqonaya khilaafkii u horeeyay ee gollaha deegaanka cusub ee la doortay 31 May 2021.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.