Araweelo News Network


Hargeysa (ANN)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa go’aamo ka soo saaray hab-dhaqan olole siyaasadeed ah oo labada xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE ka sameeyeen Gobolka Togdheer intii lagu gudajiray qaadashada kaadhka codbixinta doorashadooyinka.
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo xubno kale oo ka mid ah Guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda magaalada Hargeysa, ayaa shaaca ka qaaday in go’aan ay Komishanku soo saareen ay ganaax lacageed dul-dhigeen labada xisbi ee WADDANI iyo KULMIYE, isla markaana digniin adag ay siiyeen in aanay mar dambe ku kicin ficillo jabiya Xeerka Anshaxa ee ay hore u wada saxeexeen xisbiyada iyo Guddiga doorashooyinku.
“Guddiga Anshaxa ee la shaqeeya Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu aad ugu kuurgalay dhacdooyinkii ka dhacayey labada gobol ee Maroodi-jeex iyo Togdheer muddadii ay socotay kaadh-qaadashadu, guddigu waxa uu soo jeedin ah wixii dhacay u soo gudbiyey Komishanka Qaranka, waxay caddeeyeen oo aanay cidina ka murmayn in xisbiyada WADDANI iyo KULMIYE ay ka sameeyeen labadaa gobol wax khilaafsan wixii lagu heshiiyey. Komishanka Doorashooyinka wuxuu go’aansaday inuu u yeedho guddoomiyayaasha labada xisbi iyo masuuliyiin kale oo ka agdhawaaba, waxaannu u sheegnay dhacdooyinkii dhacay in aanay waafaqsanayn wixii lagu heshiiyey, isla markaana ay u eegtahay olole ka soo hormaray xilligii loogu talogalay, kaas oo dhaawac iyo dhibaato u gaysan karaya hab-socodka kaadh-qaadashada ee ay wadaan Komishanka Doorashooyinka Qaranku, iyagoo saddexda xisbi qaranba hore noogu ballanqaadeen inay la shaqaynayaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka.” Sidaa waxa yidhi Cabdiraxmaan Cismaan Aadan (Cabdiraxmaan Sagal) oo ka mid ah toddobada xubnood Komishanka Doorashooyinka oo shaacinayey go’aamada ay ka soo saareen labada xisbi, waxaannu isagoo sii faahfaahinaya ciqaabta la saaray uu intaa raaciyey, “Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu qaatay go’aamo uu u gudbiyey iyagoo qoraal ah, afkana uu uga sheegay oo ah in lacag ganaax ah la saaray, in digniin rasmi ah loo gudbiyey oo ka culus ta lacagta. Waxa kaloo Komishanku go’aansaday oo uu qoraal ugu gudbiyey xisbiyada in labada gobol ee soo socda kaadh-qaybinta xisbi waliba uu ku iman karayo shan baabuur, waxaan la ogolayn wax olole ah, wax calamo iyo boodhadh iyo wax isu-soo-baxyo ah toona.
Sidoo kale, Komishanku waxa uu go’aansaday haddii ay mar dambe dhacaan wixii dhacay in ganaaxu intii hore ka cuslaan doono.”
Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa isna ku goodiyey in ay tallaabo kale oo adag qaadi doonaan haddii xisbiyadu ilaalin waayaan sharciga, waxaannu yidhi, “Waxaynu nahay dal ku dhisan dastuur iyo xeerar, haddaan la ixtiraamin xeerka iyo dastuurka aynu dhiganay oo aan lagu dhaqmin madax ilaa mijo dal noqonmayno, waxaannu halkan digniin culus uga diraynaa xisbiyada qaranka oo aannu leenahay wixii dhacay way dhaceen, uma dulqaadan doono in xisbi qaran uu jabiyo xeerkii iyo dastuurkii, weliba xeerarka doorashada ee XL.20 iyo Xeerka Hab-dhaqanka Anshaxa ee aynu samaysanay ee saddexda xisbi iyo Komishankuba saxeexeen bishii April 2017. Hadda wixii ka dambeeya arrintu way ka sii adkaanaysaa, waanuna u digaynaa labada xisbi ee khilaafka sameeyey ee aan dhegaysan digniinihii Komishanku hawada u mariyey.”
Guddoomiye Cabdiqaadir waxa uu si wayn ugu mahadceliyey xisbiga kale ee mucaaradka ah ee UCID oo uu ku ammaanay inuu u hoggaansamay Xeerka Anshaxa oo aannu wax olole siyaasadeed iyo calamo toona ka samayn deegaannadii ay ka socoto qaadashada kaadhka ee uu tagay.
“Waxaannu ku adkaynaynaa xisbiyada oo dhan in laga joogsado in la iska horkeeno dadka, in laga joogsado erayo xanaf leh ama qabyaaladaysan amaba beelaysan lagu galo,” ayuu yidhi.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Komishanku waxa uu sheegay in ay sidoo kale kulan la yeesheen Wasiirka Madaxtooyada oo matalayey xukuumadda, kana wadahadleen waajibaadka saaran ee laga doonayo xukuumaddu inay fuliso ee ay ka mid yihiin hirgelinta kaadh-qaybinta codbixinta iyo sugidda amniga guud ahaan.
Isagoo ka hadlayey masuuliyadaha ay ka doonayaan xukuumadda ee ay kala hadleena waxa uu yidhi, “Xukuumadda waxaannu ka codsanaynaa inay raacaan wuxuu ina farayo Xeerka Lr.20, olole laguma gali karo gaadiidka dawladda ee calaamadda akhtarka ah leh, shaqaalaha dawladdu waa u dhex qaranka oo iyaguna ma gali karaan olole la arkayo, telefishanka Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa labadaba qarankaa leh ee iyaguna waa inay u dhexeeyaan xisbiyada qaranka, xukuumaddu inay ilaaliso amniga iyo dhaqdhaqaaqa xisbiyada. Waqtigaynu galaynaa waa mid lagu sii dhawaanayo doorashadii waxaannuna isla qaadanay dawladdu inay ka soo saarto digreeto sax ah, la iskagana yimaado talo qaran.”
Ugu dambayntii, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinku waxa uu ugu baaqay shacabka reer Somaliland inay qaataan kaadhadhkooda codbixinta iyagoo ixtiraamaya sharciga oo aan xisbiyo u soo bixin, “Muwaadiniinta waxaannu leenahay kaadhka qaadashadiisu kuma xidhna inaad ololaysaan, sharciguna idinma farayo inaad calamo iyo booadhadh qaadataan, inaad wax shiidaan, inaad nabadgalyada ka hortimaadaan. Uma dulqaadanayno haddaanu nahay Komishankii Qaranka wax xanaf ah ama ka weecinaya jidka ay haystaan kaadh-qaadashada iyo doorashadaba, dulqaadna uma lihin hadda laga bilaabo ee taa ha la ogaado, waxaannu ka codsanaynaa Booliska iyo ciidammada qalabka sidaba inay qabtaan oo waajibaadkooda ka gutaan ciddii ka hortimaada anshaxa, habsami-u-socodka kaadh-qaybinta iyo doorashadaba,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame.