Hargeysa (ANN)- Xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa sheegay in aanay xilligan muuqan sabab keeni karta in mid ka mid ah saddexda xisbi qaran uu qaadaco inuu ka qaybgalo doorashada Golaha Wakiillada Somaliland.

Sidaana waxa ku dhawaaqay Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah masuuliyiinta sare ee xisbiga KULMIYE oo saxaafaddu weydiisay su’aal nuxurkeedu ahaa sida ay doorashadu noqon karto haddii ay galaan laba xisbi ee KULMIYE iyo UCID, maadaama uu xisbiga WADDANI sheegay in aannu gelayn doorasho uu maamulayo Komishankan hadda xilka hayaa.

Samaale, ayaa iftiimiyey in doorashadani aanay ahayn mid Madaxtooyada oo ay saddex murrashax ku tartamayaan, balse ay tahay doorasho lagu soo saarayo 82-ka xildhibaan ee Golaha Wakiillada, xisbi kastana ay murrashaxiin isku degaan ah uga qaybgalayaan gobol walba, sidaa darteedna aanay jirin sabab lagu qaadici karo.

“Su’aashu waxa weeye sidee ayeyba u dhici kartaa in xisbi uu diido doorasho oo uu geli waayo? Waa in aad taas weydiisaan xisbiga, ilayn maanta waxa la dooranayaa waa Golaha Wakiillada ee la dooran maayo saddexdii qof ee tartamayey shalay oo maanta tartami maayaan.

Waxa tartamaya Gole Wakiillo oo ah 82 mudane, metelen Gobol walba rag (murrashaxiin) wada Ilmo-adeer ah ayaa tartamaya oo saddexda xisbiba ah, markaa in doorasho Gole Wakiillo la qabto, haddii aan tii Madaxweynenimo ee aan anigu ku tartamayeyba aan leeyahay yaanay maalinteeda dhaafin, maxaan u leeyahay doorashada Golaha Wakiilladu yaanay weligeedba dhicin? Miyaan caqli-xumo ahayn? Golaha Wakiilladu waxa uu maantaa joogaa in ka badan 13 sanno oo waxa la doortay sannadkii 2005-kii, waxayna muddo-xileedkoodu ku ekayd sannadkii 2010-kii.

Haddii aynu mar walba ninka Guddoomiyaha xisbiga ah ee murrashaxa Madaxweynaha ahi uu doorashadiisa uun ka fuudh-yeelo oo uu mudnaanta siiyo ta (doorashada) uu isagu gelayo oo qudha, kuwa kalena uu yidhaahdo; ‘maya ee xiliga ay doonto ha la qabto.’ Taasina sax maaha.

Markhaatina waxa ka ah shacbiga oo Adduunyada ayaa ka markhaati ah, markaa runtii anagu waxa aannu qabnaa in saddexda xisbi qaranba inta ay diyaargaroobaan ay galaan, saaxaduna (madashu) way furan tahay, waana tartan dad walaalo ah,” ayuu yidhi Md. Cabdicasiis Samaale.

Waxa kaloo uu sheegay in Komishankii Qaranka ee maamulayey doorashadii Madaxtooyada ee qabsoontay sannadkii 2003-kii ee 80-ka cod lagaga helay Axmed Silaanyo oo ahaa murrashaxii xisbiga KULMIYE, ay haddana mar kale qabteen doorashadii Golaha Wakiillada ee dhacday 2005-kii, waxaannu yidhi; “Bal hadda taariikhda dib u eega doorashadii qabsoontay sannadkii 2003 ee Axmed Siilaanyo lagaga helay 80-ka cod ee qudha, haddana Komishankii doorashadaas qabtay ayaa mar kale qabtay oo maamulay doorashadii Golaha Wakiillada ee sannadkii 2005 oo labada xisbi ee markaa mucaaridka ahaa ee UCID iyo KULMIYE iyaga ayaa markii tiradooda la isku geeyo aqlabiyaddii ka helay xisbigii kale ee UDUB.

Markaa haddii ay maanta inoo dhacday doorasho Madaxweyne oo lagu kala calaf-qaaday oo cidi ku soo baxday oo qadar Alle iyo nasiib ay tahay, sideedabana marka la tartaramo doorashadu waxa weeye inay qofna ka qosliso, qofna ka nixiso ee doorashada looma qabto inay laba Madaxweyne iyo saddex Madaxweyne is ag-fadhiistaan ee waxa loo qabtaa in nin qudhi uu kursiga ku fadhiisto, markaa taasi way dhacday oo go’aan ayaa ka dhacay, arrinta imminka taalaana waa Gole Wakiillo oo waxa dalkeena dan u ah in ay doorashadaasi qabsoonto, saddexda xisbi qaranbana sidaas ayaa dan u ah.”

Wasiirkii Hore ee Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Samaale, ayaa sidoo kale sheegay in aanay xilligan muuqan sabab loo kala diro Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxaannu yidhi; “Anagu waxa aannu qabnaa Komishanka Doorashooyinku waa Komishan Qaran oo ah hay’ad qaranku leeyahay, waana Guddi qabtay doorasho oo lagu ammaanay doorashadii uu qabtay oo waajibka iyo xilkiisii gutay. Cid kala diri karta oo sharcigu siiyey inay kala dirto maba jirto, sabab lagu kala diraana ma taal.”
Waxaannu intaas ku daray; “Anagu waxa aannu u aragnaa (Komishanka Doorashooyinku) inuu yahay hay’ad (Institution) qaranku leeyahay oo u baahan in la tix-geliyo. Haddii aad akhridaan shuruucda dalkeena oo aad dib u eegtaan taariikhda Komishannadeenna Doorashooyinka iyo Komishan Doorasho oo dhanba (waxa si cad u muuqata in) Komishanku uu sidiisaba ka madaxbannaan yahay oo waa Guddi madaxbannaan oo sida loo soo xulo, cidda soo xusha iyo sida ay xilalkooda ku waayayaan, waxaas oo dhanba waxa ay ku qoran yihiin shuruucdeena. Hebel ayaa sidaas leh iyo heblaayo ayaa sidaas leh ama xisbi ayaa sidaas leh maaha ee waxa weeye xeerkeennu muxuu leeyahay?

“Komishanka Qaranku doorashana way qabteen oo Adduunyada ayaa ku ammaantay oo marka laga tago innagan (Somaliland) doorashada wada galay, Adduunyada kale ee dhexdhexaadka inoo ah ayaa ku ammaantay (qaabkii ay u qabteen doorashadii Madaxtooyada), markaa hawl ayey leeyihiin, cid walbana hawl ayey leedahay oo cid walba hawsheeda way u madaxbannaan tahay, laakiin dareenka xisbi ka mid ah xisbiyadu uu ka qabo mid ka mid ah hay’adaha (Institutions) qaranka wuu u madaxbannaan yahay,” ayuu yidhi Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Masuulkan u hadlay xisbiga KULMIYE oo la weydiiyey sababta Golayaasha Degaanka ee muddo-dhaafka ah looga reebay muddo-kordhinta loo samaynayo Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu ku jawaabay; “Golayaasha Degaanka iyaga laftoodu way muddo-dhaafeen, laakiin marka aad eegto hawsha ay Golaha Guurtidu (awoodda u leeyihiin) ee sharcigeenna iyo sida ay ugu qoran tahay dastuurkeena ama xeerarkeena wuu ka duwan yahay Golaha Degaanku, waxa aannu se qabnaa in isaga laftiisa si degdeg ah loo qabto doorashadooda, waayo waa gole isaga laftiisu muddo-dhaafay oo in doorashadiisu ay qabsoonto dan ayey u tahay dalka iyo dadkaba. Kuraasta haddii lagu fadhiyo uun oo laga kici waayo ceebtooda ayaa badata runtii, markaa in isbeddel yimaado golayaasha oo doorasho timaado (waa sharci), Golayaashan hadda joogana mid walba isaga ayaa jecel inuu yimaado gole kale oo la doortay uu beddelo.”