. Hargeysa(ANN)-Golaha wakiiladda Somaliland oo Maanta ansixiyey Odoroska Miisaaniyad Sannadeedka 2019,  ayaa sidoo ansixiyey Go’aanadii gudidda dhaqaalaha golaha Wakiiladdu kasoo saareen Odoroska Miisaaniyadda Qaranka.

Qoraalka Gudidda Dhaqaalaha ee Golaha ayaa u dhignaa sidan:-

Hordhac:

Gudidda dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Ganacsiga ee Golaha Wakiiladu iyagoo gudanaya waajibaadkooda iyo shaqada ay Qaranka iyo Gole weynahaba u hayaan, isla markaana ka duulaya awoodahooda sharci ee Xeer-Hoosaadka Goluhu u jideeyey.

Sida Ku Cad Qodobka 55aad Farq. 1aadee Dastuurka Qaranka JSL oo Golahan awood u siinaya ka doodista iyo wax ka bedelka iyo Ansixinta Odoroska Miisaaniyadaha Qaranka ee Xukuumaddu u soo gudbiso, lafagurka iyo talo bixinta shaqadana ay Golaha uga masuul yihiin Gudidan dhaqaaluhu sida ku Cad Qodobka 58aadfarqadaha 2aad, 3aad, 4aad, 5aad, iyo 6aadee Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada JSL oo cadaynaya inay Gole waynaha Guddidu wakiil ugatahaysoo darsida miisaaniyada qaranka ee sanadlaha ah iyo waliba arrimaha dhaqaalaha dalka guud ahaan.

Mudane Gudoomiye iyo mudanayaal, sidaad la socoteen waxa Madaxweynaha JSL,20/12/2018, u soo gudbiyeyGolaha odoroska Miiisaaniyada Qaranka ee Sanadka 2019, waxaanu Wasiirka Wasaarada Horumarinta Maaliyadda Jsl Mudane Sacad cali shire warbixintii sanadlaha ahayd ee ku saabsanayd miisaaniyadda Qaranka ka jeediyay Golaha hortiisa22/12/2018.

Intaas ka dibna waxa shir-gudoonku ku wareejijey Gudidda si ay waajibaadkooda shaqado uga gutaan muddo dhan 2 cisho.

Guddidu iyadoo ka dheregsan Xaaladaha guud ahaan dalka isla markaana kormeero kala duwan ku soo martay gobolada Saaxil, Togdheer,Maroodijeex, Awdal,iyoDegmada Gabiley, soona deristay sida ay shaqada qaranku uga socotogoobaha dakhli iyo dedaalada ay wasaarada Maaliyadu ka wado..

Waxaa intaa weheliya, in ay Gudiddu kulamo kala gedisan la yeelatay Masuuliyiinta kala ah:

1.Maareeyaha Dekeda Berbera.

2.Maamulaha kastamada Berbera.

3.Maamulaha Cashuuraha beriga Berbera

4.Maamulaha Kastamka Burco iyo Beer.

5.Maamulaha kastamada kalabaydh.

6.Maamulaha kastamada Wajaale.

7.Maamulaha Cashuuraha Beriga Wajaale.

8.Maamulaha Cashuuraha Beriga Boorama.

9.Maamulaha Kastamka Boorama.

10.Maamalaha Kastamka Goraya Cawl.

Faah-faahinta Odoroska Miisaaniyadda 2019Odoroska Miisaaniyaddeed ee sanadka2019 waxay ka kooban tahay,Miisaaniyadda Dawladda Dhexe, Miisaaniyadda Hay’adaha Madaxa banaan ee Dawladda, Miisaaniyadda Dawladaha Hoose, Miisaaniyadda Sanduuqa horumarinta Somaliland ee ay maalgeliyaan wadamada 3Deeqbixiyeyaashu (Somaliland Development fund), Miisaaniyadda Mashruuca Maamul Daadejinta Dawladda Hoose (JPLG). MudaneyaalMiisaaniyadani waa Miisaaniyaddii 27aadee Qaranka Somaliland yeesho, Isugeynta guud eeMiisaaniyadda 2019waa2,334,320,463,251 sida Shaxda hoose ka muuqata Miisaaniyadda Dawlada dhexe waa1,823,975,720,000 SLSH,taas oo ka badan Miisaaniyadi sannadki hore 136,975,720,000oo u dhiganta 8%.

Dakhliga Miisaaniyadda 2019

Somaliland: shaxda Miisaaniyadda 2019.
shaxda Miisaaniyadda 2019.
shaxda Kharashka Miisaaniyadda Qaranka Somaliland ee 2019.

“Mudane  Gudoomiye iyo Mudanayaal Mudaadi ay Gudiddu ku gudo jirtay kasoo talo bixinta

Miisaaniyadda  2019  waxa  ay  Gudiddu  kulan  naaqishaad  ah  la  yeelaatay  Wasiirka  Horumarinta

Maaliyadda Mudane  Sacad  Cali  Shire, si  u  Sharaxaad  kooban uga siiyo  Miisaaniyadda  iyo waliba  Wax-ka  bedelka  Tacrifadaha  Cusub, waxayna  gudiddu  waydiyeen  meelaha  ay  u arkayeen inu u Khaladaad kaga jiro Miisaaniyadda, meelahaas oo ay ka mid ahayeen Tacriifadaha  Cusub ee ay Soo gudbiyeen

Wasaaradda Tegnoolajiyadda iyo Isgaadhsinta.

Wasaaradda Horumarinta Biyaha

.Wasaaradda Waraafaafinta ,Dhaqaanka iyo Wacyogelinta. Iyo Cabashooyin kale oo gudidda loo soo gubiyay.

“Mudane  Gudoomiye iyo Mudanayaal Mudaadi ay Gudiddu ku gudo jirtay kasoo talo bixinta

Miisaaniyadda  2019  waxa  ay  Gudiddu  kulan  naaqishaad  ah  la  yeelaatay  Wasiirka  Horumarinta

Maaliyadda Mudane  Sacad  Cali  Shire, si  u  Sharaxaad  kooban uga siiyo  Miisaaniyadda  iyo waliba  Wax-ka  bedelka  Tacrifadaha  Cusub, waxayna  gudiddu  waydiyeen  meelaha  ay  u arkayeen inu u Khaladaad kaga jiro Miisaaniyadda, meelahaas oo ay ka mid ahayeen Tacriifadaha  Cusub ee ay Soo gudbiyeen

Wasaaradda Tegnoolajiyadda iyo Isgaadhsinta.

Wasaaradda Horumarinta Biyaha

.Wasaaradda Waraafaafinta ,Dhaqaanka iyo Wacyogelinta. Iyo Cabashooyin kale oo gudidda loo soo gubiyay.

Go’aanka Gudidda Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladda Somaliland, waxay qodobada soo jeedintooda goluhu ansixiyay  ku yodhaahdeen sidan:-

“Gudidda Dhaqaalaha,Maaliyadda iyo Ganacsigu waxa ay go’aamisay qodobadan:-

1. In laga saaro Miisaniyadda Sanadkan 2019, Tacriifadaha Cusub iyo Kuwa korodhsiimaha ah ee Wasaaraddaha

           a) Wasaaradda Horumarinta Reermiyiga iyo Degaanka

            b) Wasaaradda Gadiidka iyo Horumarinta Jidadka

          c) Wasaraaddda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

         d) Warasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka

          e) Wasaraadda Horumarinta Kalluumaysiga iyo Xannaanada

         f) Wasaraadda Horumarinta Biyaha.

2. In Warbixin dhamays tiran oo faahfaahsan Wasaaradda Maaliyaddu kasoo gudbiso mashaariicdii ku jiray Miisaniyaddii 2018-ka

3. In Miisaniyaddaha Dawladdaha hoose laga saaro miisaniyadda Dawladda dhexe oo iyadana Goluhu gaar u ansixiyo

4. In Miisaniyadda 2020 haddii Allah ka dhigo soo gudbinteeda loo raaco muddooyinka ku xusan Xeerka Maamulka Maaliyadda Qaranka

5. In qaab qoraalka Miisaniyadda wax laga bedelo,  isla markaana loo qoro sida miisaniyaddaha casriga ah.

6 In Guddida Dhaqaalaha iyo Guddida dabo galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladu ay si wada jir ah usoo kormeeraan mashaariicda ku jiray Miisaniyadda 2018-ka

7. In Deeqaha Caalamiga iyo Mashaariicda ay hay’dduhu ka wadaan dalka lagu soo daro Miisaniyadda 2020

8. Madaama oo loo kordhiyey Agaasimaayasha Guud ee Xuukuumadda Gunnada, in labada Xoghaye Guud ee Golayaasha Wakiiladda iyo Guurtida loo kordhiyo intii loo kordhiyey Agaasimayaasha Guud

9. In 2% gobolada bari la Mashaariceeyo.

10. In kaalmada ururka Naafada ee DAN,  lagu daro Miisaaniyadda 2019-ka

11. In xadiga lacagta ee ku qoran Madax xigeenka(Sub-head) 2110303(Gunno Hawleed) ee Golayaasha Baarlamaanka loo wareejiyo Madax Xigaha 2110105.

11. In xadiga lacagta ee ku qoran Madax xigeenka(Sub-head) 2110303(Gunno Hawleed) ee Golayaasha Baarlamaanka loo wareejiyo Madax Xigaha 2110105.