Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta markii labaad muddo todobaad guddihii ah kulan la qaatay Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka ee WADDANI iyo UCID.

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo dhinac iyio Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa la xidhiidha sidii loo fulin lahaa go’aamadii ay soo saareen guddida dhex-dhexaadinta.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil  (Saylici), Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), Madaxtooyadda 26 Desember 2019.Araweelo News Network.

Kulankaa oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, waxa markii uu soo dhammaaday si wada-jir ah uga hadlay ujeeddada kulanka, madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), waxaanay shacbiga Somaliland ugu bushaareeyey in la isla qaatay inta ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyay loona dhamaystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa doorashooyinka.

Halkan ka Daawo Shirka Jaraa’id ee Masuuliyiintu kaga hadleen arrintaa.