Araweelo  News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa abaal-marino qaali ah guddoonsiiyey Ardaydii kaalmaha sare ka gashay tartanka xiftiga Qur’aanka kariim ah ee heer gobol oo uu madaxweynuhu maal-geliyey, wasaaradda Diintuna qaban-qaabisay kaas oo sanad walba bisha Ramadaan lagu qabto Masjidka Cali Mataan.

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, abaal-marinno kala duwan ku guddoonsiiyey tiro Arday xufaad ah oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay tartanka Qur’aanka kariimka ah ee heer qaran oo kaasoo ah kii lixaad ee dalka laga hirgeliyo, waxaana munaasibadda goob-joog ka ahaa madaxweynaha, ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah culimada ugu waaweyn ee dalka, xubnihii tartanka gacanta ku hayey iyo macallimiintii Ardayda kusoo tacabtay iyo marti-sharaf kale.

Ugu horrayn Agaasimaha guud ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Aadan Cabdilaahi Cabdile, ayaa sharraxaad ka bixiyey tartanka heer qaran ee Qur’aanka kariimka ah oo ay qaban-qaabadiisa leedahay wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu, waxaana uu tilmaamay inuu tartankani yahay kii lixaad ee dalka laga hirgeliyo, isla markaana uu madaxweyne Muuse Biixi sii ambo-qaaday dedaalkii uu bilaabay madaxweynihii ka horreeyey Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, isaga oo madaxweynahana ku ammaanay kutub tiro badan oo Qur’aan ah oo uu wasaaradda Diinta ku wareejiyey madaxweynuhu.

Sheekh Maxamed Aadan oo kamid ah culimada waaweyn ee reer Somaliland, isla-markaana door laxaad leh ka qaatay tartankan lasoo gunaanaday, ayaa isaguna madaxweynaha ku ammaanay sida hagar la’aanta ah ee uu tartanka Qur’aanka kariimka ah xilka iskaga saaray, waxaana ugu hambalyeeyey inuu mar kale taariikhda ku galay inuu tartan faa’iido badan da’yarta Qur’aanka kariimka ah xafidday u qabtay.

Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdilaahi oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey dedaalka uu ugu jiro in la dhiirrigeliyo da’yarta Qur’aanka kariimka ah xafidday, isla markaana uu muhiimad gaar ah siiyey sidii loo hirgelin lahaa inay dhallinyaradu ku tartanto Kitaabka Eebbe.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn bogaadiyey Ardayda ku guulaysatay tartanka Qur’aanka Kariimka ah, isaga oo waalidka iyo macallimiintii kusoo tabacdayna hambalyeeyey, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Aad iyo aad waxa aan u hambalyeynayaa oo aan ugu ducaynayaa dhallinyarada qaarkood aadka u da’da yar yihiin ee Qur’aanka kariimka ah qaybay ee waliba kaalmaha hore ku guulaystay iyo kuwii kale ee qaybay ee aan kaalmahan soo gaadhin, sidoo kale waxa aan aad ugu hambalyeynayaa waalidkoodii culimadii kusoo tacabtay ee halkan soo gaadhsiisay iyo waalidkoodii.”

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale sharraxay faa’iidada If iyo Aakhiroba ku jirta Qur’aanka kariimka ah, isaga oo guulna u rajeeyey, “Wax la barto Qur’aanka ayaa If iyo Aakhiroba ugu wanaagsan, waana nuurkii oo aad qalbigaaga ku sidato, waana dhallinyaro nasiib badan Ilaaha karsiiyey inay Qur’aanka dusha ka qabtaan iyaga oo da’daas ah, Ilaahayna waxa aynu ka rajaynaynaa inay dhallinyaro badani Qur’aanka xagiisa u jihaysato oo ay qaybaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu abaal-marinnadii ay mutaysteen guddoonsiiyey Ardaydii kaalmaha ugu horreeya ka gashay tartankaas, iyada oo Xamse Maxamuud Yaasiin oo ka socda gobolka Maroodi-jeex uu isagu kaalinta koowaad ku guulaystay, lana guddoonsiiyey Baabuur, qaddar lacag ah iyo abaal-marin kale oo qaali ah.

Kaalinta labaad waxa galay Ridwaan Axmed Faarax oo ka socda gobolka Awdal, waxaana la guddoonsiiyey abaal-marin lacageed oo dhan $1,300 (Kun iyo saddex boqol) oo dollar, Laptop iyada oo Xamse Cismaan Cabdilaahi oo ka socday gobolka Togdheer uu kaalinta saddexaad ku guulaystay, lana guddoon siiyey abaal-marin lacageed oo dhan $1,000 (Kun) Dollar iyo Mobil, halka kaalinta Afraad-na uu ku guulaystay Samatar Naasir Xasan oo ka socday gobolka Awdal oo la guddoon siiyey abaal-marin lacageed $700 (Toddoba boqol) oo Dollar.

#Dhammaad#